Haddaanan ajalin kanaa ileh. sheeko jacayl xigmad ah ku saabsan.

Waxaa jiri jirtay, gabadh qurux, caqli, xishood iyo sharaf iyadoo yar lagu wada jeclaaday. gabadhii baa hanaqaadday, iyadoo markaa dhuuban oo qaanqaadhay, ruuxii arkaana uu la wareerayo ilmaha quruxdiisa, meesha ay ku nooshahayna ay baaddiye tahay. markaasaa ruux kasta oo arkay ama dhegta ka maqlayba la wada jeclaaday, nin kastana wuxuu is yidhi tani waa adiga. markay aragtay in la wada jecel yahay, ayay iyadina xigmad kale isticmaashay, ooy istiri ninka nimanka ugu xeelad badan aad ogaatid. gabadha xoolahooduna waxaa dhaqaaleeya niman raaci ah, maalin baa la guuray, markaasay iyadii jabadi laga guuray dib ugu noqotay oy iska seexatay. markii la degay ayaa la is waydiiyay, hebla yaa arkay, gabbalkii baa iska dacay, wax meelahaas laga raadiyaba, waa la waayay. wiil waxaa jiray, kuwii raaciga ahaa ka mid ah, oo isna gabadha dhankiisa ka raadinaya dhiil caana ah iyo caagad biya ahna wata. markuu waagii baryay. ayuu kii dhiilka caanaha ah iyo caagadda biyaha ah watay isyidh, war jabadii laga soo guuray bal aad ka soo samirtid. gabadha aabbeheedna sidoo kaluu isna jabadii dhinac ka soo aaday, dhawr nin oon is ogayn oo kalena iyaguna jabadii bay soo aadeen. jabadu ma dhawayne wax la soo socdaba casar gaabkii ayaa raggii midba meel kaga soo baxay jabadii, hal mar ah. gabadhii oo aragtay in niman raadinaya ay soo socdaan ayaa ku sii dhawaaqday: Alla biyooy, Alla oomayey. wiilkii caanaha iyo biyaha waday ee raaciga ahaa ayaa horay ugu soo orday oo biyihii afka u saaray, markay cabtayna haddana caanihii afka u saaray, markay dharagtay, ayay soo kacday oy bannaan meeshan ah, ayay tiri kaalaya. waxay mid mid u su’aashay raggii iyada jeclaa. waxay tiri hebalaw ul kaliyaad wada taaye, ma waxaad lahayd aad soo garaacdid markaad gabadha aragto. hebelowna qori buuxaad wadataaye, ma aad shan xabbadood ku soo dhufatid baad lahayd. hebelowna gudin baad wada taaye ma aad ku soo xabaashid baad lahayd, waabad ii soo tashateen show. markaasay kii caanaha iyo biyaha siday inta sidaa u jalleecday; midhahan tirisay:- 11

Raggu waa ohli iyo indheer garadoo
Aabbahay samir iyo adeerkay oo
Kuwaanse illoobin araggaygoo
Al aankan ku raadin oomatadoo
Haddaanan ajalin kanaa ileh.

sheekadu waxaa kale oy in a baraysaa, haddii ruux wayn ama ilmo dhallaan ah fakado in aan la iska raadinine biyo iyo wixii la heli karo la wato si marka lagu baxo wax loo siiyo, waana dhaqanka soomaalida reer miyiga ah, dadka aan marnaba hilmaamin xuquuqahan dadka baadida ah ay gaar u leeyihiin.