Ismaaciil Mire- Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Nin la odhan jiray Carab Dheere oo kibir tadhahay, Goboladda Waqooyi wax Alla wixii uu doono ka sameeyay Ingiriiskuna baardaajinayey, ayaa waxaa la wariyey in wiil u yimid oo weydiistay gabadh ay walaalo ahaayeen. Carab ayaa weydiiyey wiilkii oo “maxaad ku falaysaa gabadha?” Waan guursanhayaa ayuu wiilkii ku jawaabay. Carab ayaa asgartiisii faray inay wiilkii toogtaan. Sidii bay yeeleen oo wiilkii rasaas huwiyeen halkaana qudha uga qaadeen.

Niman odayaal ah oo gardarada ninka miskiinka ah loo toogay la yaaban ayaa Carab Dheere weydiiyey sababta uu wiilka u toogtay wuxuuna ku jawaabay: ninka anigoo Carab Dheere ah, oo maanta jooga, wixii aan doonana samayn kara, il-adaygiisa intuu ii yimid walaashaa aan guursado ee isii yidhi, barrina anigoo igu odhan doonaa aan “————“ Intaa ayuu wiilku qoonsaday ayuu odayaashii ugu jawaabay. Wax la filayey dhaqanka Soomaaliyeedna lug ku leh ma aha, Carabse wuxuu ahaa nin asiib wado. Odayaashii af-kala qaad iyo amakaag ayey kala soo tageen goobtii.

Intaasi markay saa u dhacday ayaa waxaa suuqa Burco ku kulmay Ismaaciil Mire oo maqashiisan falaadxumada uu Carab ku kacay iyo Carab Dheere. La is nabdaadi oo la kala war qaaday. Carab ayaa dabadeed Ismaaciil ku yidhi: Ismaaciil waa digii gabyi jiraye maad gabaydid maanta? Ismaaciil ayaa yidhi waan gabyi ee in aan amaan kaa heli doono oodan waxba i yeelaynin ii balan qaad. Hawraarsan iyo hala yeelo ee bal gabay ayuu Carab ku jawaabay. Haddaba abwaanku goobtaa ayuu ka tiriyey gabaygan caanka ah ee Soomaalida badankeedu maqashay. Wuxuu yidhi:

Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Kulligiiba Reer Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa’ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye