Taariikh Nololeedki Xaliimo Khaliif Magool.

Xaliima Khaliif Cumar Magool, waxay ku dhalatey gobollada Dhexe gaar ahaan Beledweyne (in kasta oo la sheego iney ku dhalatey Degmada dhuusa-mareeb) sanadkii 1943kii, halkaas ayeyna ku soo barbaartay, markii ay labaatan jirsateyna waxay ku biirtay fannaaniintii gobollada waqooyi, halkaas oo ay gacan weyn ku siiyeen iney fanka qeyb weyn ka qaadato. Abwaaniintii iyo fannaaniintii halkaas ku sugnaa oo ay ugu cadcaddaayeen Xuseen Ow Faarax iyo Faannaankii weynaa ee Axmed Maxamed Good Shimbir.
Magool markii ay u soo wareegtey Muqdisho, waxay degtay xaafadda wardhiigley gaar ahaan halka loo yaqaan barxadda wardhiigley, iyadoo isla halkeedii ka sii waddey heesaheedii iyo xoojintii fanka iyo ka qeybqaadashada jilista riwaayadaha.
Magool waxaa Ilaah heybad u siiyay cod wanaagsan oo qof kasta oo dhegeysta heesaheeda uu la dhacayey taasoo u soo jiidday magool in mu’allifiinta Soomaliyeed ay ugu deeqaan heesahooda cusub isla markaasna ku lammaaneeyaan xulka fannaaniinta waaweyn, sida; Maxamed Suleymaan, Cumar Aaden Gacanlow, Maxamed Axmed Kuluc, Cabdi Salaad Aden (Beerdillaacshe), Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Maxamed Mooge Liibaan.
Heesaha Jaceylka ah ee ay caanka ku tahay magool waxaa ka mid ah iyagoon kala dhicin
1. Mabatallabsan karaye (kaligeed)
2. Idil (iyada Axmed Max’ed Good Shimbir) 
3. Ashqaraar (iyada iyo Max’ed Axmed Kuluc
4. Jaceylkii ku dhego tira (kaligeed)
5. Dhimbilo Qurac (iyada iyo Muuse Ismaaciil Qalinle
6. Shimbir (kaligeed)
7. Ubax la mood (kaligeed)
8. Immadadaali daali (iyada iyo Cusman Gacanlo)
9. dadnimada aqoonso (iyada iyo Max’ed Axmed Kuluc)
Heesaheeda waddaniga ah waxaa iyagana ugu muhimsan iyagoon kala dhicin
1.Nin lagu seexdow haseexan (iyada iyo Hobollada waaberi)
2. Maxaad taqaan (iyada iyo Hobalada waabberi)
3. Afrikaay Huruddoy (kaligeed)
4. kani galbey ku kale mooyee (iyada iyo Hobalad waabberi)
5. geesiga birta ah (iyda iyo Hobalada waabberi)
6. maanta maanta (kaligeed)
7. Isa soo maqiiq (iyada Max’ed Axmed Kuluc)
Magool waxay u tagay dalal badan iney ka dhigto bandhig faneedyo, iyadoo la socota fannaaniin kale, sida; dalka Suudaan, khaliijka iyo kuwo kale, heer ay reer suudaan jecleystaan codkeeda oo ay soomaliya oo dhan ku tilmaamaan (ARDI XALIIMA) dhulkii Xalimma iyagoo markaas u qasdaya Somaliya.
Xaliima Khaliif Magool waxay aheyd fannaanadda kaliya ee soomaliyeed oo illaa maanta awooddey iney hal habeen ku kulmiso garoonka dedan ee istadem Muqdishu ee Kubbadda Goleyga daawadayaashii ugu tira badneyd ee soomaaliya oo ka soo qeyb gala bandhig faneed la dhigo iyagoo kor u dhaafay (13) kun oo qof, heer garoonka bannaankiisa lagu xiro codbaahiyeyaal, runtiina waa heer ayn gaadhin xitaa kooxihii kubadda koleyga halkaas ku ciyaari jiray ee Jeenyo iyo Horseed.
Tirada Riwaayadaha oo ay wax ka jishay Magool in kasta oo ay fara ku tiris yihiin haddana waa kuwa ka tilmaaman riwaayadihii (sheeko masraxiyeed) dalka soo maray sida;-
Sidaa ma isku qabnaa mise waan qarsanaa, dumistii aqalkeyga iyo arooskii inankeyga, Aabahey ka samraye adiga. iyo riwaayado kale .
Xaliimo Khaliif Magool, waxey aheyd fannaanad weyn oo ka dhex muuqatey fannaaniinta soomaaliyeed laf-dhabarna u aheyd fanka soomaalida guud ahaan, mana jiro fannaan ka dambeeyay oo aanan magool metel ka dhigan gaar ahaan gabdhaha fannaaniinta ah.
Waxaa jirta Fanaanad cusub oo la yiraahdo Birimo oo aah reer Canada Waxanay ku jirtaa Rwayadii uu Maxamed Cabdulahi  Snagub soo saray Oo la oran jiray Qabyo  waxay gabadhaasi isku dayda ain ay cod kii Xaliima Khaliif Magool gaadh siiso keeda Run taahtiina markaad laxankay ay u leedaya hees kamid heesah Birimo aad u first way u dhow dhoday markaa Waxan  u rajaynayaa in Birimo soo baxdo oo ay noqota next Magool.
Magool waxay ka qayb gashay tartano badan oo ay sidatay magaca soomaaliya una ordaysay Soomaaliyad lakiin dagaladi wixi ka danbeyey wax caalami ah umaysan ordin. dhulkay tartanada u aaday waxa ka mid ahaa Suudan, China iyo dhulal badan oo ka mid ah carabaha.
Xaliimo Khaliif Allaha u dambi dhaafo, oo u naxariisto iyadiyo intii dhimatayba. Ennagana gadaashood Allaha inoo dambi dhaafo.