Ugaadha dalkeena

Barnaamijka maalinta isniinta ah ee bogga dhugasho.

Ugaadhu waxay ka mid tahay noolaha lagu qurxiyay arlada, gaar ahaan dhulkeenna waxaa ku badan ugaadh qurux iyo u leh deegaanka dabiicigiisa, ugaadha dalkeenna waxay u kala baxdaa sidan;

-Ishkin iyo
-Yiris

Sida xooluhuba loo kala yidhaahdo (Adhi iyo Ishkin), xoolaha marka laga hadlayo, Ishkin waa geela, lo’da iyo gammaanka, adhina waa adhi uun.

Balse xagga ugaadha, Ishkin waxaa noqonaya;

Gariga
Goodirka
Biciidka
Farawga iwm.

Yiristana waxaa noqonaya;

Sagaarada
Deerada
Balanqada
Cawsha iwm.

Haddaba haddaan sii kala baranno noocyada ugaadha;

Cawsha Labka Dhaddiga Kooxda
jaxeedh masaal goosin

Cawshu waxay daaqdaa dhulka bannaanka ah ee bananka ah, mana gasho dhulka cawdka ah, iyo dhulka qawyada ah, waxayna la dhashaa xilliga adhigu dhalo. Midabkeedu waa cawl ama cillaan sida aad u taqaanba. lab iyo dhaddigba geesa way leeyihiin balse labkaa ka geesa waawayn kana geesa dheereer.
Garannuug Labka Dhaddiga Kooxdeeda Dhasha
liig tiingey dan maaqul

Garannuugtu waa geedallaac sida geela geedaha u laacda, waxay inta badan daaqdaa dhulka hawka ah ama geedaleyda ah. Ganannuugtu wakhti gaar ah ma dhasho ee mar kastaa way iska dhashaa, jiilaal iyo doogaad, xagaa iyo qorraxeed iyadu way iska dhashaa. Midakeedu waa idiin. midka lab geesuu leeyahay tan dhaddig geesa maleh waana seenyo.

Deerada labka dhaddiga kooxda dhasha
deer deero wadar

Deeradu waxay daaqdaa bananka, hawdka laakiin qawyada ma fuusho, Waxay isku mar dhalaan idaha. Deeradu sida la sheego waa bahal aad u fiidhoon oon sida ugaadha kale aan dabinka loo dhigo si fudud ugu dhicin, aadbayna isku ilaalisaa, xitaa shabeenka gaadmadikiisa inta badan kuma daganto. Midka lab geesuu leeyahay midda dhaddig geeso ma leh waa seenyo.

Sagaarada Labka Dhaddiga Koox Dhasha
atoor yac laba laba jiis
Sagaaradu inta badan waxay kiu nooshahay dhulka geed-gaabka ah iyo meelaha jarrida ah, waxay dhashaa xilliga kaliisha ah, midka lab wuxuu leeyahay geeso midda dhaddigna waa seenyo geesa maleh.
Goodirka yarista ah Labkiisa Dheddigiisa
daraad caarrey

Noocan goodirka ah wuxuu ku noolyahay, meelaha buura leyda ah iyo meelaha laagaha ah ama meelaha biyo qabayeenka ah, waana nugul sida lo’da aan biyaha ka maqnaan karin, oonkana u daran iyo abaarta. Ugaadha kale sidooda uma adkaysan karo gaajada iyo oonka. Waa ugaadha kaliya ee carrada gabiyada ee dhanaan xagta si uu u jeel baxo.

Goodirka ishkinka ah Labkiisa Dhaddigiisa Kooxda
laba-qolle adeeryo urur

Goodirku wuxuu u kala baxaa labadaas nooc een soo sheegnay, noocna wuxuu raacaa ishkinka, noocna Yarista. Hase yeeshee, waa isku midab oo waa midaka bayga ah mardhacyo diillimo cad cadna wuxuu ku leeyahay dhabarka iyo feedhaha, wuxuu daaqaa meelaha durdurrada ah iyo kollaha qawyada dharhdeer, iyo meelaha hawdka ah. Labka iyo dhaddigaba geesa waa yeeshaan balse kan lab ayaa aad u geesa waawayn una geesa dhaardheer.

Goodirku marka uu laba yahay, waxaa la dhahaa “Yeehi goodira”, waa laba goodira.
Goodirku marka uu seddex hal yahay waxa la dhahaa “Saalax goodira”, waa seddex goodira.
Goodirku marka uu afar ama shan yahay waxa la odhan “Yahaab goodira” waa afar ama shan goodir ah.
Biciidka Labka Dheddiga Kooxda Dhashiisa
saryan biciid yahaab boodhle

Biciidku wuxuu ku noolaadaa dhulka dhirta leh iyo meelaha qarfaha ee buuraleyda, waa ugaadha aadka u feejigan lab iyo dhaddigba geesa way leeyihiin balse way kala geesa dheedheeryihiin, oo labkaa aad u geesa dheerdheer. Midabkiisu waa yara idiin. Laba qalin diillimeed oo madaw ayaa labada gollood ka kala raacsan. Waxaa la sheegaa in uu biciidku ugaadha ugu fulaysan yahay oo xitaa uu shimbiraha shanqadhooda kak dido.

Orad badni wuxuu ka qabo, soomaalidu wixi ay waydaa helitaankiisa waxay dhahdaa “Shaygaas lama helo, ha isku daalinin futa biciid buu lagaye” Haddaad maqasho “Caanihii futa biciid bay galeen”, waxaa laga wadaa ka samir caano ma helayside. Marka aad buu u dheereeyaa xagga bootinta iyo orodkaba.

Noolaha sahansada ee roob raaca ama meeshuu joogo meel dhaanta soo raadsada ayuu biciidki ka mid yahay, waxaad maahmaahyada iyo suugaanta ummada ku arkaysaa murti lagu cabbirayo kaartadiisa sahan, waa tii la yidhi:

_Bur cagaaroo
_Biyo ku agyaal
_Baadi goobyoo
_Biciidkuba waa.

Gorayada Labkeeda Dhaddigeeda Kooxdeeda Dhasheeda
hal-dhaa gorayo-cawl gawar camarre/hal-garac
Gorayadu iyaduna waxay ku nooshahay meelaha bananka ah iyo dhulka geedaha gaagaaban leh, waxay dhashaa kaliishii, ukun bay dhashaa waxayna dhigataa meel bannaan oo aan amni ahayn, ukumahaas inta ay ka dillaacayaan, 24-ka saac marna hal-dhaagaa ku fadhin oo waxaa soo daaqi ta dhaddig, 24-ka saac ee kalana waxaa ku fadhin sidi digaaggii ta dhaddig, si uu u soo daaqsado labku. gorayadu waxay ka mid tahay ugaadha guurguurta ee daaq doonata. Wax ma uriso balse araggeedaa aad u shaqeeya oo hadh iyo habeenba waa iskugu mid arageeda. Gorayadu ilma heeda.
Gari Labka Dhaddiga
hal-gari guraanti
Garigu waa ugaadha kan ugu wayn uguna dheer, wuxuu aad ugu noolaadaa dhulka geedka leh, sidkiisu aad ayuu u dheer yahay.

Ugaadhu waa maysi aysan cidna gooni u lahayn oo dalka deegaankiisa ku nool, badideed way joogtaa balse, waxaa dabar go’ay garigi iyo siig mid la odhan jiray oo biciidka u yara eg, balse ugaadha inteeda kale way joogtaa. Run ahaan, waa nimco qurux iyo qaayo u yeelaysa deegaanka waana wax lagu faani karo, balse waxaa ugu daran in dhirtii laga gubo ama laga gooyo, dabar go’eedu in la laayaa waxaa uga daran in dhirta laga gubaa, marka taasina waa talo in deegaanka dhuxusha laga aayaro si ay ugaadhu ugu dagto, maxaa yeelay meeshuu qiiq uga uro waxay moodaysaa in ay dad ka dhaw yihiin, marka waxay cararaysaa illaa ay ka tagto meel aan qiiqu ka soo gaadhaynin. Ka warran hadday kayntii oo dhan isla qiiqdo xaggay istaagi waa in ay ku tagtaa sida ay u sii ordayso, xudduudday ka kudbi oo dalal kalayba u gali. Ennaga dadkeennina waxaa u cad uun dhuxul iyo dhuuni.

Barnaamijyadan Duurjoogta waan wadaynaa idam Alle.

Q/r: Maxamed sheekh shaafici (Af-guun)