Gabayga:- DIGNIIN



CURIYE:- Cukaashe Maxamed
Waxaan Dooni, Waxaan Diidayiyo, Kaan Ka Digayaaba
Sadexdaa Duruufood Midbuu, Gabay Ka Duulaaye
CaawanaTixdani Waa Digniin,Soo Durkinayaaye
Xaajo Uu Rag Doorkii Galoo, Oynan Weli Daynin
Soomaali Doormooday Iyo, Darajo Ay Gaadhay
Oo Inoo Daciifnimo Ah Baan, Kuu Dulmarayaaye
Dantaa kuuma Oofiyo Qabiil, Dib u dhacmooyaane
Waa Waxaa Rasaastiyo Dilkiyo,Keenay Debed-aade
Waa Waxaa Mindida Daabka Culus,Laysu Darayaaye
Waa WaxaWalaal Kala Dilee,Loo DayacayXaase
Waa Waxadanyare Iyomiskiin, Loo damqanahayne
Waa WaxaDayuusNagu Bataan,Loo Digriyahayne
Waa WaxaDanaystahakufrigu,KuuDeweriyaaye
Waa WaxaQofDaacadilumee,DeeqsiKuuHadhine
Waa Waxa Nin LiitiyoDugaag,KuuDugsanayaane
Waa Waxa Nin DocuunEegayaa,KuuDirsanayaaye
Waa Waxaa DadnaguWiirsadaa,DoorkanSaanahaye
Ma Intuu Dad Naga Reebayoo,Duunyo Naga Biisay
Ayuun Baan QabiilLaysuDilo,DaayaGaranwaynay .
Suugaantu Waa DawoIlaah,Ruuxdabiibraba’e
NinkiiGuulKaDoondoonayow,Sheegaydulucdiiye
SuldaanTimacaddaaDiidayoo, MariyayDawgeede
Qabyaaladi DamweeyaanNinkay,DaniKahaysow’e
Wakhtigu Waa DoraadMaanta Iyo, DoorkaKiiimane
WaanaDaarulCamalFaysalow,LaguDakaynayne
OoDabinIblaysNooDhigaa,DaadsanLaamiga’e
Wakhtigaas IsDabaJoogaEen,Cidi Ku Daahayne
Aakhirana Waa Daahiroo,DiintaLaguQeexye
QofkiiRuuxDulminayeeDhib Wada,EeDakanoGaysta
DabkaNaartaSoomaaliyeey,LaguDulTuurKaase
Qabyaaladina Waa CudurDilaa,Jaahil Door Bido’e
Ma Intay DadnagaReebtayoo,Duunyo Naga Biisay
Ayuun Baan QabiilLaysuDilo,DaayaGaranwaynay ?