Saciid Muuse Axmad (ustaadka)
1. Ka saahiday Galeyrow baryahan, Siinka gabayeede
2. Sidii bari silsiladaan u xiray, Sooman baan ahaye
3. Wax i saaqay mooyee baryahan, Soowtki waan dhigaye
4. Hayeeshee markaan saaf iraa, Suunka waw xiriye
5. Sahal waan duldhigi meelahii, Siinka loo rabaye.
6. Afartaas sifaalaha warkiyo, Seefa xoog badan dheh
7. Seerigaan in badan yeerin jira, Sawaxankiisii dheh
8. Sagal soo hilaaciyo iftiin, Samada buuxshaa dheh
9. Afar kalena sahan aan u diray, Samabaxeenii dheh
10. Sunta eey qabyaaladi laheeyd, Saaqday dunidiiye
11. Sifaheeda qurunkaa na baday, Sayaxa joogaaye
12. Waa siriq gumeeystahu u dhigay, Sama wadaagiiye
13. Sibiq naga dhaqaaq maalintuu, Seeda noo mudaye
14. Nimankii saldanadii xornima, Sacabka loo saaray
15. Sunta uu gumeeystaha rakibay, Siiba garan waaye
16. Iyagaaba seeriyo ku furay, Saba barwaaqeede
17. Saqiirnimo hadeey muujiyaan, Nama salfooteene
18. Markeey sararta weeynaatayoo, Suxullo buurnaatay
19. Sodon guuradeenii xornimo, Siibtay calankiiye
20. Sa’da Kuwey ka wada jeeda ooy, Soocataa, yimiye
21. Suug iyo waxaa leeysu koray, Siiblahoo jarane.
22. Afartaas saqiir iyo kabiir soow’ ka dagayaa dheh
23. Siri maayo uunkee xornima, Siibatoo dhacan dheh
24. Sunti uu gumeeystaha rakibay, Sarakaceedii dheh
25. Afar kalena saameeynta timi, Sabab qabyaaleed dheh
26. Ku sifeeyay soomaalidii, Silic aduunyeede
27. Suluf iyo abaar buu dhigiyo, Soohan dirireede
28. Sareedadi dalkeeniiyo la waa’, Subagi dhoobnaaye
29. Sanweeyntii lo’aad iyo la dhacay,Sumal-idaadkiiye
30. Geelina ninaan wadanin SEER, Soofsan kari waaye
31. Surgooyada la dhigay laamigii, Laga sagaaroowye
32. Soofaha wax gooyiyo birtii, Leeysku salaqleeye
33. Sallid weeye cuduroo nin qabo, sama ku waareeyne
34. Sadna kama heshaan, iyo wanaag sacabtunkiisiiye
35. Sareeyn kuuma dhalo oo Naflaha, sixmay ilaaheeye
36. Socotada baxeeysiyo dadkaa, Safara uun joogo
37. Safka ceeyrta loo galahayiyo, Sacabadaa taagan
38. Sad-bursiga qabiilkiyo kursiga, Sallaxa noo yaallo
39. Soohdimaha la dhigi seeradaa, Leeysku kala sooci
40. Sanahaabadaa waxaa na baday, Sabab qabyaaleede
41. Hadaan leeysku sooheeyn xargaha,Saab ma celiyaane
42. Sibraarkuna hadaan leeysku tolin, Seeydhi biyihiiye
43. Safiihnimo hadaan Loo dhaqmeeyn, Saa ma noqoneene
44.Siyaasiga guracan waa waxuu, Sad u maleeyaaye
45. Hadmaan saaxi noqon aadmigii, Naga santaagaane?
46. Jeeraan Sinaan iyo midnimo, Sabada loo doonin
47. Saafina ka noqon aadmigii, Cudurkan saameeyay
48. Wallee qaran inuu noo saldhigo, Kama sugeeysaane
49.Waa kaa sabbeeyn ooy dadkii, Sidan u dhaameeyne
50. Salaamaat alahayoow adaa, Saatiroo jira’e