Gabay Abwaan Raage Ugaas

Gabaygan waxaa curiyey abwaan
soomaaliyeed oo noolaa horaantii qarnigii
19aad oo la odhan jirray abwaan raage
ugaas waxaana uu yidhi


Sida koorta yucub oo la sudhay koromo uubaal ah ama geel
ka reeboo nirgii laga kaxaynaayo ama beelo kaynaana oo
kor u hayaamaaya ama ceel karkaarada jebshiyo webi
karkaar dhaafay


Ama habar kurtii wadnaha lagaga kaw siiyey ama kaal
danley qaybsatiyo kur iyo dhal yaabis shini kaaluf gallay ama
koronkoro oomay


Xallay kololo,aygii ma ledin kaamil reeruhuye kambalkiyo
ardaagii miyaa laygu keliyeeyey wixii laygu kuunyaayey
miyaa igu karaamoobay kumbuskii miyaa la iga qubay koloyo
ii buuxday


Maantana kataantii miyaa la iga kala tuurey kub miyaan ka
jabay biixi aan kabayo loo haynin

 Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan