Barnaamijkeennii taxanaha jimcaha iyo jamashada bulshada, bogga iyo bahda Dhugasho.
Waxaan cunnay cunadii, waxaana wada sheekaysanay sheeko dheer, wuxuu ii shegay inuu iskaga soo guurayo qurbaha markana doonayo inuu ka shaqaysto magaaladan dagganahay. wuxuu igala tashatay sidaan u arko, anna ma xuma ayan dhahay, waa wax wanaagsan wuxuu i dhahay gabadh yar ayaa tahay inaan kaatago oon dhasha kugu baajiyo ma ahaan labasano ayaan waxa iga yaalo oo dhan ku soo dhamaysan dibada waxan meeshan ka samaysan ganacsi xoogleh madaxna waad u noqonaysa gacaliso maadaama tahay qof wax baratay.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday Qaytii kale aqris wanaagsan.
Waxaan inbadan sheekaysano oon meeshii joogno waxa u soo dhacay telefoon, waa ka qabtay waxaana uu dhahay Xaaji Cali ii waran, ma imaatayna, ka warran Dubay see lagu ahaa, reerki sowma wanaagsanayn, aniga waan kuu wanagsanahay, aniga iyo xaaskayga ayaa caawa wada cashaynayna oo hotel joogna, waan ku imaan berri subax inshaa Allah, iska naso caawa. Waxbo ma waydiin aniga nalse asagaa si farxad leh iigu sheegay; “Gacaliso waa saaxiibkay oo aan qurbaha wada jognay, Dubay ayuu maalmo joogay haddu ka imaday, waa aynigayga inuu guursado ayuu doonayaa markan adiga ku helay ayaan wanaaggaaga u sheegay iyo sida wanaagsan ee waddankeena looga helayo gabdho wanagsan oo aqoon leh oo da’yar.
Waxaan dhahay ma haduu doonaya inuu guursado. Markaas ayuu i dhahay haa laakiin saax hore waalahaa ciyaal badan ayey u dhashay waana wa waynadeen oo waa awoow ilmahu awoowga u yahay ayaaba wax yar kadib guursan doona, marka waddankuu rabaa inuu iska dagoo iskaga gacansado intuu reer ka samaysto halkan. Waa nin wanaagsan oo shaqo badan. Waxaan aad uga murgay nolasha gabdhaha yaryar ee loo tashanaayo Alla maxaa gabadh badan sidaas lagu guursaday nolashooda ay gashay qabyo. Waan wada baxanay waxaana aadnay gurigii waxa uu i sii marshay dhawr carwo oo waawayn, wuxuuna iiga gaday dhar waxaan uga bahday igana anfacay, wuxuuna iishegay inuu aad iga helay nolashiisana ay aniga aad iga heshay iina sii jeclaanayso wuxuuna iga codsaday inaan garabkiisa ahaado markasta.
Waagi waa baryey, waxaana siyey qureec, waana iga baxay asagoo ii sheegay inuu maanta aadayo ninki ay saxibka ahayeen ee uu xalay la hadlayey waana soo qada doonan ayuu i dhahay wixii howl ii taalay ayaan iska dhamaystay waxa uu ii i maday duhurkii waan wada qadaynay, markaan wada qadaynay, ayuu guriga galay wuxuuna soo qaday bac qurux badan oo wax ku jira aanba isdhahay maxay ahayen waxaas bacdan sidan u qurxoon ku jira anoo naftayda la hadlayo ayuu i dhahay macaanto waxaan doonayaa inan hadyad yar ku gudoonsiiyo waan ku jecahay aad. Waxuu bacdii ka soo saaray laba Sad oo Dahab ah oo aad u qurxoon waan farxay waxaana siiyey hab aad ayuu ugu qancay habsiintayda run ahaantii labada sad waxay ahayen kuwo aad u qurxoon wuxuu ii sheegay inuu ninkii u sheegay marku Dubay joogay inuu laba sad oo dahab ah u soo gado lacagtana uu siiyey markuu jogay dubay.
Wuxuu i dhahay aad ayaan kuu jeclahay hadyadahan yaryar ha u qadan inaan maankaaga ku gadanayo ama aan kugu soo jiidanayo balse aniga xaaskaygaa tahay waxkasta xaaskaygiiyey waxaan kuu sinayaa hantidayda waa hantidada aniga haday ii suuragasho waxan doonayo waxan doonayaa inaan waxkasto ood iga codsato aan ku siiyo xaaskaygiyey Alle ha ku xafido adoo ilma ii dhalayna Alle haykaa tuso xaaskaygiiyey. Run ahaantii farxad ayaa ka muuqatay waana sugi la aa inuu arko ilmo u dhashay oo yarankiisa ah.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybaha kale.
By Zubeer Haybe.
GUUR-SATAYEE MAXAAD UURKA U XAADHAY.
Q-11.
Balse sida uu ku fikiraayo ee ah inaan aniga ilmo u dhalo, si ka duwan ayaan aniga ku fikirayaa aniga marnaba ma doonaayo inan uur qaado oon hooyo noqdo. Marabo isla odaygan ilma uu leeyahay in uu calooshayda galo, balse danta ayaa igu haysa mana ogo waxa qalbigayga ama uurkayga ku gaamuran ee xanaaq ah wuxuu u haystaa waxan aan u qabanaayaba inaan u qabanayo farxad iyo inan reer dhaqanayo “Alla yaa usheega Allaya ogaysiiya” ayey sheekadu maraysaa marka aniga nolashayda wax ayey maagantahay balse kama hordhacayo inta uu hamiga ilma dhlawga haystana waa mid asaga utaala aniga habenkasta intaan gogasha kuwada kulmin ka hor ayaan waxaan siiliqaa intan musqusha galo wax is hagaajinayo iska dhigo kininiga ilmaha kala fogeeya. Waan wataa markasta, waana ka xasaystay asaga, xataa haduu arko aad runta u sheegtid ood ku furfuratid ayaan damacsanahay, balse waan u kadinaya waayo madashaan ku casuumi lahaa ee wada murugta ahaa lama gaarin.
Waxaa aniga iga go’an iyo waxa odaygayga ka go’an waa “kaaf iyo kala dheeri” asagu waxa uu doonaya inuu halkan soo dago oon aniga reerkiisa yar noqdo, oo halkan uu ka dhigto saldhig markasta laga duulo anigana sanadkastaba aan u dhalo oon halkaas xaajigaygoow ka dhaho, balse waa midaan u cuntamaynin gabadh mustaqbal fog ka fikitaysa aqoontay baranaysay laga af-duubtay nolasheedana lagaliyey god aad u ciriiri ah oo u madow, anigase waxaan qaatay go’aan aan aniga iyo raxmaanka ognahay waxa uu yahay qosol dhoolacadaynta maxaa ka wanaagsan waligaa cadowgaaga hadadan haysan tabar aad iskaga caabiso ha is miijin ee noqo mid dantiisa garta oo wayga toosan ku dhaqma waxna ku raadsada.
Odaygii waxaan siyey farxad uu u arko inay tahay mid niyad ah, wuxuu isiyaa maalin kasta lacag wuxuu i dhaha waxaad donayso ku gado, aniga waxaad ii tahay qasnadayda aan wax kasta ku aminayo ee waxaad doonayso ku qabso lacagtan aan ku siinayo wuxuu isiiyey aaminaad buuxda, wuxuu isiyey xornimo badan aniga iskama waalayo kiiska mana noqonayo qof dhaqso ficil aan loo baahnayn samaynayo, balse waxa maankayga ku soo dhacday “Allahayow qofaan wax ogayn ha cadaabin” wallee waa run mahmaahdaas anigana wax baa ii duugan asagana wax kasta wuxuu ka dhigay “Waagii baryoow walalac”.
Wuxuu maalmo kadib ii sii qaaday suuqa wuxuu gariga na sii wadaba, markaan suuqa garnay, ayaa malaha odaygayga iyo saaxiibkiisii dahabka isoo gaday oo meel ku sugayey ooba na oga inan meesha soo marayno, ayaa gaariga soo raacay sheeko iyo qosol kadib ayaa waxa la wada galay isbarasho, wuxuuna i dhahay dumashi ii waran saxiibkay aad ayaan u jeclahay runtii marwo yar oo qurxoon ayuu helay odaygayga oo gariga wada ayaa isoo daymooday oo hadalka dafoo dhahay “walle waa qurxoontahay garashada Eebbe siiyeyna waa midaynu wali arag”. Waxaana dhacday inuu dhahay odaygii kale “Alla war aniga maanta odayaal kula balansan hotelkan daganayoo, waxay ii soo arkeen gabadh qurxoon oo da’yar ah! Alla maxa ka wanaagsan hadday taadoo kale ii nqoto”. Odaygaygi ayaa si kaftan ah u dhahay “War wax tayda gaarayo malahane, hayska waalin xiska iska guurso gabadhii laguu keena, anigu waan ducaysnaa oo raaliyo nin wayn baan helaye”. sheekadi oo socota anna anan ku darsan hadal ayaa waxaan soo gaarnay meeshan u soconay kadib ninkayga waa dadagtay oo carwa ayuu galay anna waxan iskaga jiray gariga.
Wuxuu iga maqnaa waxaan badnayn wuxu i so gaday dhar cusub kabo iyo cadaro dumar oo malaha is iri dalab ayuba ahaa uusi ogaa in loo diyarshay, waxaa kale uu watay bac aanan waydin waxa ku jira balse dhabta uu ii saray waxana u sii dhaqaqnay dhanka iyo hotelka uu daganaa odayga saxibkiisa ah waxaana soconay cabbaar, kadib waanu garnay waana naga dagay macsalmayn kadib, wuxuu i dhahay waa nin wanaagsan inuu gabadh wanaagsan helaan ugu ducaynay, waxaa i dhahay odaygayga hadalkas, balse aniga niyada waxaan ka dhahayaa waligaa ha helin waxna oo saas ahow waayo gabdhaha in la lugooyo ma ahaan waxan soo gaarnay guriganagii waxaan nimanay qolka jifka oon alaabta iskaga xareeyey waxan u keenay macamus iyo fanaanad uu xirto caano ayaan uga so baxshay talagada (Firishka) wuxuuna i dhahay gacaliso kaalay bacdaas fur anoon hadlin ayaan furay, waayo bacda waxa ku jira aad ayaan ugu hamum qabay inaan arko waxa ku jira, kadib ayaa waxaan arkay inay ku jirto lacag dolar ah oo aanan qiyaasteeda sheegi karin, markas ayuu i dhahay lacagtan inoo hay meelna inoo dhig carwadaas ayaa lacagta ii haysay, balse adiga ayaan ku aminay xaskaygana ah meel kale oo iiga kaa wanaagsan malahaan ee inoo xaji lacagtaas wayahay intaan dhahay ayaan galiyey asagoo arka qaanad qufulan balse uu furaha ila haysto asagoo qur ah.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii lamagac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. Lasoco qaybta 13-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
By Zubeer Haybe…