Akhristayaashayada sharafta lahow, waxaannu ku hanwaynahay in aannu idiin soo bandhigno qaybtii koobaad ee Majalladda Dhugasho, oo ah majallad cusub oo Afka Soomaaliga ku bixi doonta, sidaad ogsoontihiin Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay sooyaal aad u dheer oo leh suugaan taariikhi ah sida: maansada, maahmaahda, iyo fan murtiyeedka oo ay mahadhooyin aad u qoto dheer ku dheeha- nyihiin. Taasina waxay sababtay in dadyawga kale ay Soomaalida ku magacaabaan umadii gabayga.
Haddii aannu nahay hawl wadeennada Majalladda Dhugasho waxaannu doonaynaa in aannu wax ka qorno Dhaqanka iyo Suugaanta soomalida: si aan u muujino quruxda iyo xeeldheerida uu leeyahay afka soomaaligu, iyo waliba xirfadda gabayaaga iyo qoraaga soomaalida si aannu u dhiiri galino hal- abuurka.
Qoraalku ma duugoobo ee jiilba jiilka ka danbeeya ayuu ka dhaxlaa.
Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) ayaa arinkaas ka maansooday waxaanu yidhi”.
Wakhtigu wuu sunsumayaa Midna waa la sugayaa
Soo jire manoola’e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan Hadba kooda sarakaca Waxa sahayda uga taga kii horee sagootiyey.
Haddaanu nahay bahda Majallada Dhugasho, hadafka yagu kuma eka in aan soo if bixino qiimaha iyo qaayaha ay dhaqanka iyo suugaata Soomaalidu leeyihiin ee waxaan waliba rabnaa in aan dib u soo noolayno waxyaabihii horay looga qoray Af Soomaaliga, Kaydna u sameeyno si jiila- sha dambe ay uga faa’iidaystaan.
Annagu ma nihin kuwii ugu horeeyey ee shaqada noocan ah qabta ama xil iska saara, balse wax- aannu ku haminaynaa in aan mustaqbalka dhaw aragno qoraalo Soomaali ah oo la daabacay, Suugaan Soomaaliyeed oo la akhrinayo, iyo dadyowga adduunka oo barta qiimaha iyo qaayaha ay Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalidu leedahay.
Waxaa hubaal ha in aad ka heli doontaan, kana faa’iidaysan doontaan Majaladan Dhugasho. Wax- aan u mahad celinaynaa cid kasta oo maskax, maal iyo muruqba ka geysatay soo saaritaankii Majaladan Dhugasho.
Illaah baa mahad leh.