Wehel Jacayl| Q-4aad Adegto

Heestu, sidi ay u socotay, golkii ay joogtay ayey daf soo tidhi. Erayada heesta iyo luugda hobolki codka tolmoonaa ee Tubeec markii ay maqashay ayey hangalka la soo kacday.

Nayruusku waa cid
Waa negi adduunyadu
Waa nuur kalgacalkuye, naruurow!
Waa nuur kalkacalkuye, nasteexooy!
Nafta ma u xiddigisaa
Nacab ma iska celisaa
Waxaad naawilaysiyo
Naqu ma kuu cuntamayaa?
Inakuna nasiibkeen, Nasiibkaa, nasiibkay,.
Ma ku naaxi doonnaa;
Caashaqu necawdaa
Ma ku neefsan doonaa!”


Inta ay fadhigii ka soo kacday ayey daagadda soo istaagtay: mise waaba Axmed oo gaadhiga shidhka ugu jita! Jidhidhico ayaa ku soo istaagtay. Dareen guiro yo kalgacal xambaarsan ayaa saagay. Inta ay iska ilmaysay ayey allabari u jeedsatay: “Ilaahow waad na aragtaa, naxariistaada noogu deeg”, ayey ku qunuudday, ilaa inti un ka tagayeyna daagadda ayey sii taagnayd.
Imaanshiyihiisu dardar cusub ayuu ku abuuray, waxa ay garowsatay in uu warkeeda u oomman yahay.Qaabkii ay warbixinteeda ugu gudbin lahayd ayey u tafaxaydatay.

Bandowga la saaray iyo in cidla jaaqla ah lagu abbudhay ayey rabtaa in ay Axmed uga warranto. Si foolkafool ah in ay ula kulantaa ma hawl yara, wax saaran xannibaad 0o dibadda looma oggola, tilifoonna daa hadalkiisa; aqalkaba waa hore ayaa laga jaray.Waxa ay dantu ku kelliftay in ay wargad iyo galin soo gaadato.
Sadarro ay bud’dhig uga dhigtay gamuunyada jacaylka iyo qulubka lagu hayo ayey qalinka ku duugtay. Dareenno isku dhafan oo yididilo iyo yabaalba isugu jira ayey ku gantay. Waxa ay uga warrantay badwaynta ay dhex dabbaalanayaan, walaaca ay ka gabto in jacaylkoodu ka soo mudho cagabadaha haysta iyo dabaylaha ufada ku kiciyey. Sidan baanay wargada ku bilowday:
“Gacaliye, daagadaha werwerka ee jacaylkeennu kugu furay waan ogsoonahay. Ma hi mid aad laabteeda si dhayal ah uga faarugayso; ilays baad i tahay, iyo nal aan wax ku arko. Haddi an awood u lahaan lahaa agtaada ayaan ka soo muugan lahaa; dhaaawaca kugu yaal baan dhaymo u nogon lahaa; dhayda macaan ee xubbiga ayeynu wada dhami lahayn; ubaxyo guduudan oo carfoon baan ogadaada ku daadin lahaa.
Gacaliye, waad ogsoon tahay agalka aan ku dhex seetaysanahay ee oodda la gu jday; dagaalka igu soda ee dartaa jigu dhacaya; iyo dakanooyinka uu waayuhu i baday ee aan dhammaadka lahayn.

Wax kasta oo igu dhaca waxa aan ku illaabaa rejada aan ka gabo in ay maalin un riyadeennu rumowdo. Waxa aan guddoonsaday Samir, yo in aan saacadaha guusha ka warsugo”
Markii ay fariinta gabagabaysay ayey raadisay meel ay u mariso. Walaasheedii ka yarayd ayey cidan bidday, si ay wargadda ugu gayso gabadh ay saaxiibbo yihin 0o ka mid ah kuwii laga mamnuucay, wayna la sii dartaarantay:
“Walaal, sida aad alaabtaas u waddo hebla u gee, cid kalena ha tusin iyada mooyee”. Wargaddi ma hakan ee markiiba Axmed baa toos loogu gudbiyey.
Dhambaalkii loo soo diray markii u furayba waxa ku soo xoomay dareen kalgacal oo in badan gaasanaa, si galbitaabad leh ayuu wargadda ugu dul gunuunucay.
Jawaab uma hollan ee waxa u huruufay naftiisa; gelgelinta habaaska miidhan ah ee u fadhiyo ayuu hiifay; markaas buu inta u sare u booday heegan is geliyey. Rejada haadaanta ku dhacday ayuu rabaa inuu soo nooleeyo, waa se goor u jacaylka u nuglaaday. Curinta fikrado u ku hanto jacaylkiisa tamar uma hayo, goor hore aye kala hadaafeen isaga yo caafimaadkii lagu hawlgeli lahaa.
Beryahaaba awooddisa jidheed ma fiicnayn. Dheefi kama degto, dhaqdhaqaaqna hadalkiisa daa; dif iyo darsumaba way ku idlaadeen. Markii taah mooyee was kale laga waayey, waxa la isla gaatay in aan guriga lagu si hayn, sidana lagu si eegan, ee cisbitaalka loola carato.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda