Markii dhakhtarka la dhigayba saloon baa lagu rakibay si uu dheef ugu noqdo. Dhibtii iyo dhalandhoolkii iyo wixii dhafarka ku sababay markii uu ka cabbirqaatay, waxa uu diktoorku ku taliyey in u nasino u baahan yahay muddona halkan lagu baxnaaniyo, si dawooyinka kaalmaatiga ahi ay ugu socdaan.
Warkii dhiillada lahaa ayaa gaadhay Deeqa; xanuunkii hore ayaa mid kale ugu darsamay. Kolkaas bay halki ay taagnayd ku kala gabowday. Gadood ivo guluf jacayl ayaa gudaheeda ka bilaabmay. Waxa ay qaadatay go’aan; gaadhkii dabka sitay ee goonyaha ka joogay ayey damacday in ay jidho. Arrin waxa ay ku goysay in ay lugaheeda ku tagto cisbitaalka. Si dhukusaad ah ayey alasaydii hore guriga uga baxday. Jarmaadadiiba dahkhtarka ayey gaadhay.Qolkii uu jutay oo lambarkusa loo sheegay ayey toos u abbaartay.
Cidi lama socoto, waa keligeed. Waxa ay xidhan tahay indhoshareer, in la gartaana ma howl yara, balse Axmed waa ay uga soocan tahay hablaha kale. Soo joogsigeedi iyo salaanti horeba laabta ayuu la soo kacay. Jidhidhico ayaa tin iyo cidhib isku taagtay, dareen isu muhasho iyo hilow sambaarsan baa labadoodiiba saagay. Muddo ayaanay is arag o deyr u dhexeeyay, maanta se wajiyadoodu way isu muuqdaan. “Alla waa Deega!”
•markii uu yidhi avey
laba wiil oo la joogay ku baraarugeen. Fadhiga inta ay uga kaceen ayey meel agüisa ah kursi u dhigeen, saa golkiba way u cidleeyeen. Labadi is jantay ee isu jeellanaa ayaa makhsinkii isugu soo hadhay. Cabbaar baa la is waraystay 0o la iska dul ooyay. Waxa ay isla jafeen wakhtigi adkaa iyo jirrabkii lagu hayey.
Sheekadi dhex martay waxa ay ku jaangooyeen in ay keenaan jid lagaga baxo cagabadaha haysta. Labadi wil ee bannaanka u baxay bay u yeedheen, markaas bay la wadaageen shaxdii ay degeen: “Aniga iyo Deeqi magaalada waannu ka baxaynaa ee gaadhi noo diyaariya”, ayuu inamadii ku yidhi. Way ku raaceen iyaguna maadaama ay u arkayeen fursadda keliya ee inankoodu kaga bixi karo culayska haysta.
Tabaabushe ayaa la galay. Waa subax hore. In dhulka ceeryaamo ku fadhiyaan awgeed, dadkii ka jdhi lahaa hoosiiska ayey hadh moodeen oo weli quraacdii lagulama soo kallahin. Waxa ay u nogotay fursad badhitaartay gorshahoodii.
Axmed iyo koodisii si dhakso ah ayey wax isugu dubbarideen. Wiil ay saaxib dhow ahaayeen ayaa gaadhigüsii ku taaageeray. Markii sida ay wax u jiraan loo sheegayba halkii u joogay ayaa uu ka soo dhaqaaqay.
“Halkee ayeynu tagnaa?”
‘ ayaa la is waydiyey. Magaalada
Jigjiga 0o Axmed inaadeerkii degganaa ayaa la isku waafaqay. Subaxdii horeba waa lagu dhaqaajiyay. Waxa la isla gartay in inta Wajaale lagu hakado gaaddi loo yeedho, inta la socotaana markhaati u nogoto sidaana meherku ku dhaco–sidii baanay nogotay, reerna ku dismay.
Intii ay taraagga ku jireen waxa ay isku maaweelinayeen heeso garaam ah. Kuwo iyaga aad u taabanaya ayey galbiga ku dejisanayeen. Hees ay Sahra Axmed ku luugayso ayaa ka mid ahayd.
Naf ku jecel adduunyada
Baa u wacan wax nololiyo
Nabad lala wadaago
Nimco lagula waareee!”
Gelinkii dambe ayey Jigjiga gaadheen markaas baa
inta si wayn loo soo dhaweeyay la sooray. Cunto kala jaad
ah iyo caano dhay ahma la soo hor gotonshay. Markay ka
haageen ayaa hoy loogu talo galay lagu hooyey.
Inaadeerkii, maadaama uu ka warhayey xaaladdii
adkayd ee uu soo maray, si foorjo leh ayuu uga tumay.
Reerihii ay ka yimaaddeen ayaa laga galay baadidoon.
Waa la isku dhex yaacay, meel loogu hagaagana la garan
waayey. Axmed walaashii o subaxdaa quraacda ku
gornayd waxa ay timid meeshii oo ah gelingelin cidla ah,
0o mar hore laga guuray. Naxdin baa uu wadnuhu istaagi
gaadhay, waxa ay u malaysay in walaalkeed lagu soo
kordhay ama geeriyi golka ka rartay. Bukaannadii jaarka
la ahaa ayey war’raadis ugu tagtay. Waxa loo sheegay in
aanay dhibaato jirin, walaalkeedna isaga o cagahiisa ku
socda uu ka baxay cisbitaalka. Qaylodhaan bay dirtay,
afarta geesba raadco ayaa laga galay.
Habeennimadkii markii caruuski iyo caruusaddii
saldhigteen ayuu inaadeerkii soo hadlay. Reerkii la
asgoobay maqnaanshiyahooda ayuu dejiyey una sheegay
in uu isaga la jooga, sidoo kalena ay Deeqi weheliso.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
