KAL IYO LAAB
“Laab” oo ah erayga uu buugga oo dhammi ka ambaqaadayo, waxaa inta badan lagu sidkaa “kal” waana laba eray oo kala tilmaamayo arrimo aasaas u ah bad- baadada iyo jiritaanka qofka. Salka macnaha labada eray waa kuwa u taagan xubno jirka ka mid ah. Laabta waxaa loola jeedaa saabka feeraha oo iyaga oo laba qalbac ah, sidii wax soo laabmaya uga yimaad lafdhabarta kuna kulma shafka qofka. Laabtaas waxaa ku hoos jira xubnihii uurkujirta, sida beerka oo ay Soo- maalidu la xiriiriso dareenno badan iyo wadnaha oo la rumaysan yahay inay ka soo fulaan dareennada jacaylka, nacaybka, naxariista, qiirada iwm. Dad baa doorka wadnaha gaarsiiya heer la yiraa maskaxda labaad ee noolaha.
“Kal” isaguna waa eray loola jeedo ricirrada lafaha taxan ah ee iyaga oo sidii kasha u qotoma ka bilaabma dabajaanta kuna dhammaada lafta madaxa. Waxaa af Soo- maaliga lagu yiraa ‘xiriir’ ama ‘lafdhabar’. Kasha meesha ugu sarraysa oo ah madaxa qofka waxaa ku jira maskaxda, inteeda hoose oo dhanna waxaa ku jira dhuuxdheere ama xandulle oo isaguna ah unugyo maskaxeed. Kashaas, siiba qaybta sare ee maskaxda la yiraa waa barta garata xogta ay gudbiyaan dareen- wadayaasha jirka intiisa kale. Balse, sida laabta oo kale, bartani ma xeeriso dareennada naxariista, jacaylka, nacaybka iwm.
Qoraa: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”
Buuga: Laabta ka soco – Dareen iyo Garasho.
