Odaygii Deega dhalay isaga talo ayaa ku cirtay; Axmed reerkooda uma tagi karo, dhibti uu u gaystay ayuu ogsoon yahay; inantisii ma hayo, meel u kaga warramona garan maayo. Intii awooddiisa ahayd wuu girif girif leeyay, ilaa markii dambe loo sheegay in Deega u la tagay wilki inta badan laga horjoogay.
Wax yar ka dibna waxa la soo hadlay odayaal, waxa ay u sheegeen in wilkoodu uu la baxsaday Deeqa, sidaa darteedna in loo hibeyo ay rabaan, wuu se ku gacansaydhay isaga oo ku andacoonaya in gabadhiisa yar laga dhacay: “Anigu gabadh aad xaddeen idin meherin maayo”, ayuu ku yidhi. Sidaasi markii ay dhacday ee la is afgaran waayey, odayadii ma quusan, dhinac kale ayey kaga soo wareegeen. Walaalladi ayey tilifoon u direen iyaga oo dacwo ah: “Dad gabadh la soo doonay isu diidi jiray ma nihin ee maxaa dhacay?” ayey ku garnaqsadeen.
Deega adeerradeed markii ay arkeen in laga garjoogo ayey dalbadeen in wakhti la siiyo si ay war ugu soo celiyaan.
Odaygii didmada gayaxan la soo taagnaa godkiisa ayey biyo ugu galeen. Weerar dhul iyo cir ah baa lagu soo qaaday. Tolkii baa isu bahaystay, xaajada in ay maanta iyagu goynayaan, juugna aanu ka odhan, ayaa loo sheegay.
Waxa uu isku dayey in uu ka muquurto, waa se laga diday.
Afka inta laga jufeeyay baa sandulle lagaga dhigay.Meel uu uga baxsado markuu waayey waxa uu ku gasbanaaday in uu agbalo, waxa ay soo jeediyaanna uu ku istiraamo.
Odayadii dhinaca kale ayaa war lagu celiyay. Madal ilyartu is gabatay ayaa la isugu yimi. Halkii baa lagu hibeeyay, la isuna caloolxaadhay. Warkii farxadda lahaa waxa u gaadhay Jigjiga. Alalasta yo mushxaradda ayaa yeedhay, gaaf aroos iyo gaaddo-ka-ciyaar baa bilaambay.
Guri loo gangaamay baa habeennimadkiiba la isugu geeyay. Wajiyadooda waxa ka muugda farxad aan la qiyaasi karin. Naruurada yo nimcada ay nolosha dhabta ahi leedahay ayey toos u dareemeen.
Markii ay ilaa saddex cisho aroos ku ahaayeen Jigjiga ayaa loo soo gelbiyey Hargeysa. Xaflad kale ayaa haddana loo gabtay, xidid yo xigaalba waa laga soo gaybgalay.
Dadkii goobta joogay farad bay la giroodeen. Qiso jacayl oo in badan goommanayd ayaa guushii gaabbishay.
Markii fantisiyihii dhammaaday wax isu soo hadhay lammaanihi is jeclaa. Neecawda macaan iyo laydha carfoon ee guurka ayey wada nuugeen. Waxa ay isla bilaabeen nolol kalgacal yo isgarabsi ku gotonta. Shago la’aanti Axmed haysatay xal kaafiya ayaa loo helay.
Goob u ka hawlgalo, reerkiisana ka masruufo, ayaa loo agaasimay. Muddo markii u goyskoodu dhisnaa waxa ku soo biray, o Alle ku arsaaqay, wiil.
Ilmihii koowaad markii u dhashay wax bilaabantay isfaham la’aan. Farxaddii soo korodhay muran baa hadheeyay. Dareennadii kalgacalka yo farxadda ahaa si yar si yar bay daagadda uga baxeen. Qoyskii is jeclaa qulub baa soo kala dhex galay. Xusuusta waayihii adkaa
ee ay jacaylka u soo mareen ayaa galbiyadooda ka tirantay.
Qof kasta oo maqla isfaham la’aanta dhedooda ka jirta ugaadanwaa bay ku nogotay.
Deeqi gaska dhacay waxa ay ku eedaysay Axmed.
Dhagankii wacnaa ee ay ku tagaannay in u ku dheelay mid cusubna la soo baxay ayey gabtaa, waa se jacayl qiyaamihiisii dhacaye, dhow jeer bay gurigooda u dudday haddana la soo celiyey.
Xidid yo xigaalba in reerkaa la isku hayo 0o aanu burburin ayaa la isku taxalluujiyey, waa se loo maaro waayey.
Markii laga quustay, xaal waarana laga gaadhi waayey, in oodda loo kala gaado sidaana isku macasalaameeyaan, ayaa la isla gartay. Jacaylkii taarikhda galay gabbal baas baa u dumay.
Marka laba gof oo jacaylkooda lala tacajabay ay kala huleelaan, niyadjab baa kugu dhacaya. Waxa aad is waydiinaysaa sababta ay u kala dideen. Ciwaanka xiga kaga bogo waxa sababay arrintaas.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
