Gabaygan waxaa curiyey xaaji aadan axmed xasan ( af qalooc ) waxaa uu gabaygan kaga hadlayaa in dunida oo dhani ay ka dafatirmeen hooyo& aabe keliya laakiin ay ku kala baydheen xaga dubka iyo afka oo keliya isaga oo kaa ka dubaaqaaya ayaa waxaa uu yidhi :
Dubkaa kala taggane haybta waa isugu tegeynaaye cilmi maaha kaa tamar badniyo tiir birraan ahaye ninba tiisu waa dhimantahoo toga beel malehe tabantaabo lays caawiyaa waa tu, waajiba e dhib tu waxay ka timi uumiyaha tirada weyn gaadhay tisciin gaajo laysaa jiroo toban dhergeysaaye
kuwaasoo wuxuun laga taray tahay aqoontiiye Mar haddii cadligu tagoo lays tix gelin waayey inay nabada taam noqoto waa tu aan la ,eegeyne sawaariikh ninkii taabiyo ninkii toori birra haysta ninba tuu awoodaba dil waysugu tegeynaaye naftu waa tu, qudha oo ma jiro taajir hadhayaaye tusbax weeye gees laga furoo tuug is wada raacye gantaalaha tammuumiyo suntaa tuurista u dhaw e, haydarojiinkaa ku tuman tacabkii iinsaane taariikhda weyn iyo cilmaa taa ka baabi,iye marka ay xadaaradi tagtee taangi ku cayaaro ee boqolka tobankii hadhaa tuna awood waayo tiih iyo mugdaa lagu danbayn tii la soo maraye Sharkaa taaba geli khayrna waa taa la kaarahaye xil ma taabin nimankii wakhtigan taabka buuxsadaye uumadii timaadaaba waa tay nacdalayeene allow yaa dhib waxa loo tancaday same ku taageera .
Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan
