Gabaygii abwaan xaaji aadan af-qalooc

Gabaygan waxaa curiyey abwaan xaaji, aadan af-qalooc Haduu geed engego xaabadaa lagu idleystaaye mid yar oo iniintiisa ah baa soo awaal baxa,e isagaa afnaaciga hadhkiyo ooda kaafiya ,e dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu ubadkooda hadha baa tabcoo aayatiin hela e, markii aadan & xaawa & kaynta la abuurey sidaasey arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene ummaddaaan shabaabkeedu hanan waw ayaan xumo e, innamiyo

hablaba waxaa tihiin aarankaa kacaye itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane idinkaa ammaanada xilkii eegan qaabilaye iskaa wax u qabsashadu nolosha waa u udub dhexaadkiiye israafkiyo fadhigu waa waxaad ku ambanaysaane axmaqnimo wakhtigii kaaga tegey oohin kugu reebye ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegeyne arsaaq yaridu waa caajiskaan la ogoleyn hawle ma amdaro cirkuye lacagta waa lagu adeegaaye axadkii kaslaan lihi sabool abidkii weeyaane

rabbi nimuu laxaadka u ebyey oo camal awood waayey oo aan shaqo naftiisii u ogolayn waa abaal dhacaye istiqlaalka waxaa taamka dhiga waa adduunyada e, mar haddii dhaqaaluhu akhiro calanku uumowye kolkaasuu amah & baryada arad ku doonaaye kacaanaduna xornimaday u tahay eebadii malege albaabkuu gumeystuhu ku xado umamka weeyaane wixii uu qinabi kuu qabtana aayatiin ma laha e, isku tiirsi baydiin eg iyo ururin xoolaade ictasima islaamkaa layidhi , gebi ahaantoode aayadaha diintiyo sharcigu waynagu amreene , axadiista nebigey ku timi saad ku aragteene , ikhtilaafku waa naar janana waa isu-imaade , ragganimo nimaan tacab ku arag aayar heli waaye , ijtihaada gobanimo dhibaa lagu ilaashaaye ,    

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan