Haddii aadan isbaddalin Waad dabargo’i.

Dabadeedna, Haw madaxiisi ayuu kala soo baxay xarunta, si walaac leh ayuu u fiiriyay xerada luuq-luuqa leh. waxa uu ka fikirayay sida uu uga tagi lahaa xarunta aan burcadka lahayn. Waxa uu aaminsanaa in uunan burcad oollin xerada luuq-luuqa leh ama isagu in uunan helaynin burcad.

 Waxa uu jiif iyo joogba la qabanwaayay cabsidii oo ka tan badatay. Haw waa uu dhoolla-caddeeyay. Waxa uu ogaa Hem in uu is wayddiinnayo wali, “Yaa Qaatay Burcadkaaygii?” laakiin Haw waxa uu is wayddiinnayay, “Sababtaan anigu ugu kici laayahay burcadkan, una dabaraaci laayahay (u raad-guri laayahay) si dhaqso ah.”    

Markii uu sidaa uga baxay xerada luuq-luuqa leh, Haw dib ayuu u soo fiiriyay meesha uu ka yimid waxa uu dareemay istareex, Waxa uu dareemayaa in uu dib ugu noday dhul uu garanayo – in kastoo uunan helin burcad in muddo dhan.

 Haw aad ayuu u walwalay waxa uunan iswayddiiyay haddii aad xaqiiqdii rabtid inaad ka baxdid xerada luuq-luuqa leh. Waxa uu darbiga ka soo horjooda ku qoray odhaah, ka dibna odhaahdii ayuu ku dhaygagay in muddo ah:   

 Buuga: yaa qaatay burcadkeygii

Qoraa:  . Yahye  y. Xasan