Dheefdoon
Qofka dabeecaddan lihi waxa uu u dhaqmaa sida ilmaha yar. Waxa u jecel yahay ni sida cunugga yar 100 habo oo hobbo’ lagu yidhaahdo. Sida gof loo kasbado ee loo hanto hidde uma laha. Keliya naftisu waxa ay ka raalli tahay gofka xeeriya doonistiisa e u hagarbaxa. In la koolkooliyo oo isaga uun al daryeelo ayey farxaddisu ku jirtaa. Haddi u cadho dareemo waa in la sasabaa wakhti badanna la geliyaa sidi xaaladdisa loo dejin lahaa. Wax kasta oo u rabo haddi aan loo yeelin umaba nogoto, afka inta uu taago ayaa u gafuurka buuraa. Xidhiidh kasta oo u bilaabo waa ki tisa ku meelmariya ta gofka kalena aan d h u g o u yeelan. Dhigglisa in u dheef ka helo mooyee waxtar uguma filna. Qofka dhinicisa joogaa in uu ku tamariyo lagama yaabo. Jacaylka u tallaalaana ma tisgaado.
Halki dugsi iyo un ka nogon lahaa daryeele, ka dardhanaya e diirrimaadka ivo ni bustaha lagu dedo u baahan ayuu noqdaa. Qofkani jacaylka waxa u la dhaqmi
karaa marka u helo ruux aan isaga waxba ka sugin balse u hagarbaxa; shaqsi aan u firsan wastar yaraantiisa balse inta u ka roonaado daryeel u fidiya.
Dheefsiin
Qofka dabeecaddan lihi waxa u leeyahay astaamo cajaa’ibah. Ruuxa u nolosha al wadaaggaa ma iisho, mana turunturroodo wuu se ku tamariyaa. Tabta hooyada ayuu
u dhaqmaa una hagarbaxaa. Haddi gofka u jacaylka la dhisayaa gaabis noqdo, xidhiidhkana jarjaro, isaga shiddo kuma hayso, wa ki heellan, mar kastana ku hawllan wanaajinta dhiggisa.
Goor kasta waxa u hubiyaa in arrimuhu u socdaan si
hufan isaga 0o ka dhowraya hantaaqada iyo wax kasta 00 hagaasinaya dareenka kala dhexeeya ruuxa kale.
Wa gof jecel ni u huro wakhtigisa io wax kasta 0o gaali ku ah si uu u helo xasillooni gudeed. Xataa haddi ranad muxibbo kalgacal u muujin isagu kaama daalo e waxa u si wadaa dabciwanaaggii iyo dulqaadkii aad uga baratay.
GEEDDIGA IACAYLKA IYO GEDGEDDOONKA WAAYAHA
Musewa ardaykasojeedagoysdanyat ah, _duruufta
ivo waayaha adag ee
noloshiisa
ku gadaamani marnaba kama hor istaagin ni agoontisu si
hanagaaddo. Fasalka afaraad eedugsiga sare ayuu imtixaan u fadhiistay; waxa u sugayaa natujada. Waa u is hubaa 00 kama werwergabo in u buundo hoose keeno, waxa se culays ka saaran yahay geeddiga waxbarasho ee ku soo
foolka leh; kharashka o shan jeer kordhaya isaguna aanu itaal u hayn ayaa shiddo ku haya.
Maalinti dhibcaha u keenay loo yeedhiyey waxa ku soo xoomay walaac iyo wixii werwer waayuhu ku
waageeray. Waxa u si tusay isaga o tartankii agoonta e u muddada badan u soo dhabar’adaygay dib uga dhacay. Agoondarro ka reebi mayso e aynigi isaga ayaa ugu tun wayn, waxa se loogu dawgalay bahasha lacagta al yidhaahdo. Ma hayo wadigo ku ridda halka u rabo. Jeebkiisa o madhan ayaa wegerta baday, balse Allewayne ayuu wakiishay si u uga korqaado wakhtigan cakiran e culayska walaal uga dhigay.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
