Wehel Jacayl| Q-10aad Adegto

ka baganaysaa, anagga ayaa odhan doonna la saayira e soo gal”, marka u midi intaa soo duubo ayaa u mid kalena u jawaabaa: “Waar Muuse hadal kuma jiro ee inaga daava”


Nimco o hablaha meesha ugu cadcad ka mid ahayd
ayaa ka gubatay gujada ku socota Muuse, markaas bay luuga farrin uga soo dirtay iyada o guubaabinaysa o leh: “Waar Muuse, ragga iske celi o soo hadal inta meesha ku jirtaa cid kale ma aha ee waa ardaydi uune”.
Hadalkeedii waxa u geliey kalsooni, xiniinyo ayuu iska baadhay, markaas buu sida gantaalka ku soo dhex dhacay golihii. Cod lala tacajabay oo duurxul i o wax iska caabbin isugu jita ayuu soo laliyey. Intii awooddisa hadalka su’aal gelinaysay firkanax ayey ku nogotay, intii kale e Nimco ugu horraysayna waay ku dirsadeen. Maalintaas wixi ka dambeeyay ma dhicin in u ka aamuso goobaha hadalka
iyo hawraarta al isku waydaarsado.


Agoonta rogroggeeda, ka rungaadhkeeda, rako sare ugu bixiddeeda iyo al rafigeeda waxa u dheer oo u ka reeyay qajilaaddii u muddada badan u maaro la’aa. Imika muxibbada riyaaga leh ayaa u kula dhex jiraa asaxaabtiisa.


Hablihii u wajiga ka dadbi jiray qajilaad darteed ayey isku soo muruxsadeen. Dhoolacaddayn iyo gosol iska daba dhacaya oo a n hore looga baran ayuu madalaha ku qaabbilay. Gabdhaha ay isugu dubbadhacday waxa kow
ka ahayd horjoogaha fasalkisa. Maadaama ya Nimco kaalmaha hore ka so muugato isaguna u yahay xarif si

nacay, waxa ay iska kaashan jireen duruusta iyo layliyada loo diro. Talo yo taakuloba laba isula taga ayey noqdeen. Fasalkii inta ay iska sheeteen ayey isku shubshubteen, hoos iyo sareba way isula showreen oo is sheeko fahmeen.


Ardaydii kale isku soo dhawaanshahoodi ayey tuhmeen. Badanaa marka wax la wada baranayo waxa
dhacda in labadii of e isku bata al isku nabo, jacaylna
laga dhexaysiiso. Balse iyaga tooda lagama beensheegin,
waayo dateen garsoon o doonis ah ayaa dhex yaallay.
Midba midka kale ayuu bidayey in uu dhirrado xubbigana
albaabka u furo. Nimco xishoodkii dumarka lagu
yaqaannay ayaa gubaya, dareenka gudaha ku jira dibadda ma keen karto. Waa ki waa hore Abwaan Axmed
Saleebaan-Bidde vidhi:


“Sidee bilis xishootaa
Runta usu badheedhaa?”


Wiilku ma mooggana in raggu gadhwadeen ka
noqdaan marka ay timaaddo jacayl iyo in al sheegto, balse wuu baganayaa. Inta u sheegto in lagu shakaalo shibna laga yidhaahdo ayaa uga daran aamusnaanta. Raffiqnimadi igo gaabkii ay isku barteen ayaa arrinta si murjinaysa. Sida macaariifta si tagaannaa ay jacaylwadaag u noqdaan sow wax adag ma aha? In uu yahay jirrab adag oo gofkii judhaa uu jawharad u dhacayo ma hadal baa ka jooga

Dhow jeer buu is tusay in uu indhaha is gabto, badheedhihiisana caddaysto. Wargad yo galin buu soo
qaataa 00 erayo ku xarxarrigaa, haddana wuu masaxaa. ‘Tilifoonka ayuu inta u naf moodo dheta gabsadaa 0o si yidhaahdaa fariinta u mari, marka ay ka gabato ayuu isku dhex yaacaa, odhaahduna ka soo bixi waydaa. “Waan ku salaamay”,° iyo “ma frican tahay?” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyaa. Marka ay wada joogaan kuma dhaco in
un u sheegto dareenkan gubaya, sidi caadada u ahayd
ayuu iskala goslaa, wakhtiguna ku dhaafaa maad yo madaddaalo.


Goor yo habeen waa ay wada hadlayaan, qulqulka farimaha aan jacaylka xambaarsanayn ayaa xawaare sare isaga gudba, maxay se kuugu taallaa kol haddaan kurbadi haysay xal kaafiya loo helin.
Habeen Talaado ah ayaa Muuse saaxiibkii aroostay, dadkii gaafka ka shagaynayey ayuu ku jiray, dumar al soo gaadayo iyo kuwo la celinayo ayaa xilkoodu saarnaa. Gaadhi ma wadan balse baabuurta joogtay ayuu kala hagayey. Marki al gaadhay xilligi caruusadda al soo gelbin lahaa ayuu gawaadhidi dhaqaajiyay. Gurigii aroosadda o ehelkeedu heegan ku ahaayeen ayuu joojiyey. Inti baabuurta la korayey ayuu isaga oo dadka kala horaya hal
mar ku baraarugay o f dhar cas ku labbisan o dhinniciisa taagan. Jalleecadi u eegayba wuu agoonsaday. Wa gacalisadisii o qurux al ticaysa, way isku naxeen, dareen farxad iyo muxibbo xambaarsan ayaa al iskula soo booday.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda