ilmaamaha Waqtiga:

1- Waqtiga waa wax kooban: waqtiga waa shey xadidan oo ka bilaabanaayo maalintii aad 

dhalatay kuna eg maalinta aad dhimaneysid.(waa cimrigaada) waa xiliga uu allaah kuu ogolaaday inaad ku noolaatid dunidaan guud keeda, waqtigaas oo u qeybsan maalmo, maalinkiina ka koobanyahay 24 saac, saacadiina ka koobantahay 60 daqiiqo, dadkoo dhana 24 saac maalinkooda kama badna, ee waxaa la isku dhaafay sida loo maareysto waqtigaas.

2- Waa hantida ugu qaalisan uu haysto bini aadanka: waqtiga waa sheyga ugu qaalisan uu allaah ugu deeqay aadanaha, hadana uma qiimeyno sida uu qaaliga u yahay, 

3- Si Deg deg ah ayuu kugu dhaafaa: wax kastoo socdo waxa ugu degdeg badan waqtiga, dhaqso ayuu kugu dhaafaa, bal hal mar gadaal u jaleec waayihii aad soo martay , ama sandkii hore waxaad maleyneysaa in ay shaley aheyd. 

4- Kuma sugaayo hadii aad dan kale yeelatid: waqtiga waa socdaa qofkastana waxuu ku khasbanyahay inuu la jaanqaado kana faa’ideysto waqtigiisa, maxaa yeelay waqtigu cidna masugo cid meeshiisa ku celin kartana ma jirto . 

5- Haduu tago ma soo laabto: waqtiga waa seefta oo kale hadii aad goyinina wuu ku goynayaa, daqiiqad ku dhaafto sooma laabato saacadii mar ku dhaaftana soo ma laabato, hadana waa shey cimrigaada ka tirsan, macanaha waxay ka dhigantahay saacadii 

micno daro kugu dhaafto waa cad cimrigaada ka tirsan oo micno daro kugu dhaafay.

Ma ogtahay: 

*  Ma ogtahay in 15 daqiiqo oo aad maalin kasta dayacdid iney ka dhigatahay adigoo dayacay 13 maalin oo ka mid ah sanadkaas.

* Ma og tahay in 30 daqiiqo oo aad malin kasta dayacdid iney ka dhigantahay adigoo dayacay 26 maalin oo ka mid ah sanadkaas.

* Ma og tahay in hal saac oo malin kasta dayacdid iney ka dhigantahay adigoo dayacay 52 maalin oo kamid ah sanadkaas (ku dhawaad laba bilood).        

Buuga: Maareynta Waakhtiga

Qoraa: Mahmed Sheekh Ahmed Khaliif