Wehel Jacayl| Q-11aad Adegto

Waxa ay u sheegtay in gabadha al aroosayo ay. ilmaadeer yihin sidaana ay uga soo gayb gashay. Abaabulka iyo
gurista dadka oo ahaa hawsha uu meesha u yimid ayuu u holladay, iyada iyo intii al socotayba inta u gaadhi saaray buu ku shubay hoteelkii.
Markii alalasta yo mushxaraddu isku dubbadhaceen,
xafladduna cabbaar socotay ayey dibadda uga soo
boodday. Wa qof jacaylkeedu u muugdo e, sacabka iyo
tiririgta durbaanka ayey xammili kari wayday. Muuse 00
goobta ka ag dhawaa ayey raadisay. Baadigoobkii meel halkan ah isagoo fadhiya oo iska baraad la’ ayey ka dul degtay. Maba filayn in ay goorahan soo baxdo e, wa u ku naxay oo inta u farxad kala batay gooni ula baxay, kuraas agtooda taallay oo cid fadhi ku cammirta u baahnayd ayey salka dhigeen. Erayo malab da’aya 0o aad mooddo in ay shidaal ka qaadanayaan halbowlaha ayey isku lishaameen. Yagleelka goyska e madasha ay goobjoogga u yihiin ka soda ayaa cariyey jacaylkii ku dhex huursanaa e ku khamiray. Way isku hoobteen oo is huwiyeen weedho
hamuun ivo hilow sida.


Jacaylki laabahooda ku cillanaa ayaa inta u cartamay oodda soo jabiyey. Hal mar ayuu afkooda ka soo baxay boholyoygii ay muddada badan celcelinayeen. In rubadda iyo beerka al iska rabo oo al isku riyaaqsan yahay ayey isu sheegteen. Jawi qurxoon oo jacaylaysan ayey ku wada caweeyeen. Xiddigaha karkooda ka muuqda ayey daawasho ugu tageen markaas bay isla dawaafeen iyaga oo heestan gaadaya:

Doonnidi jacaylka aan raacnee Haynala dawaaftee ku soo bood
Dusheedayn isku dawaan doonnaaa”.
Habeenkaasi waxa u meesha ka saaray khaakhuulkii iyo dareenkii khatarka ugu jiray in u hagaaso. Qalbiyadi bagashadu ragaadisay ayaa badhaadhe ku leday.
Subaxdiba fasalki aya al isugu soo galay. Xalay darbi adag oo kala hayey in ay iska leexiyeen oogadooda ayaa laga daalacanayey. Sidi hore isuguma ay soo dhirran, ni la fahmo ayey ka werwersanaayeen; “indho jacayl isma eegi karaan” aya xaalkoodu nogday.


Waxa galbiyadoodu kola s o celinayaan xusuusta darbigi ay jabiyeen; gadaadhigga wakhtigi kala bagashada iyo xisihii ku oognaa, iyo sida marki dambe al isugu bururay, jacaylkana oggolanaanshiyoy o aag u ka hawlgalo loo siyey.


Muddo iyada o jibbada cishqigu oognayd, xubiguna xawaare sare jarayey, ayaa xidhidhkoodu u soo janjeedhsamay ni u afka saaro jidkii rejada e lagu dhisi lahaa rug lagu tanaado yo raas lagu nasto o reero ku
xididaan. Hangalka un bay al soo kaceen e geeddiga halkii lagu furi lahaa ma dhawa. Sannadkii afaraad e
jaamacadda ayey afka al galeen, waxa sugaya mustaqbal an laga gayoonaayn o duruufo adagi ku gedaaman yihiin. Dhowr jeer bay ku tamanniyeen in ay is guursadaan.

Waxa karaarjebiyey o kola hoos u soo celiya waayaha iyo whakhtiga adag e ay wajahayaan taas ooa n indhaha laga garsan karin.
Wiilka oo caydh ah, meel uu u cirsadaana aanay
jirin, balse carcarta jacaylku ay hoosta ka gujinayso ayaa culayska ugu badan wajahaya. Qofka al rabo inuu jidbixiyaa waa isaga. Wakhtiga u jilitaanka xubbigoodu socday o dheeraaday ayaa jar-iska-xoorka keenay.
Markii ay dhow gidaar ka soo go’een ayey garteen ni waxa keliya ee xidhiidhkooda lagu badbaadin karaa u yahay in ay samir gudoonsadaan, gaddartana ku gancaan, sidaana ku sugaan inta Ale farajkisa ufurayo.
Muuse 0o goor bargo ah raba in u ka tallaabo jid gurigooda u dhow ayey magaadiri al kulantay. Gaadhi xawaare sare ku soda ayey waddada bartankeeda iska

heleen, turuska hore ayuu ku qaatay, inta u samadaa galay ayuu dhulka ka soo go’ay. Dadkii waddada ka ag dhawaa ayaa gurmad ugu soo xoomay, gofna nigaddisa ma galin wa u noolaanayaa balse isaga oo dhaqdhaqaagaya ayaa
loo yimi. Jug culusoogeeri u uga baaqsaday ayaa gaadhay.
Labada lugood ayaa burburay, addinka bidix ha ugu darnaadee. Saablaydana waxa u ka jabay laba feedhood,


madaxana nabarro ayaa ka soo gaadhay. Dakaankii u ka gaday shilka ayu al miyirdoorsoomay. Markiba waxa loola cararay cisbitaalka iyada o dirawalkii nabarka gaystay u al socdo. Qaybta gargaarka degdegga ah ayaa al dhigay, daawayntina loogu bilaabay.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda