1. Goronyo la hubsayo haad bay noqotay
2. Haddan lakala roonan roob ma da’o
3. Nin xoog leh bay xaajadu utoosta
4. Waxa ku dhacay Harag maran side Habaarna udheer
5. Wayahay walaal hadaba wanaagsanow waadna waanise sii wanaagsanow
6. Caqligaygii fiicna fasax buu ku maqan yahay
7. Ulo booc banku tukubaya
8. Nin iyo xoolihii wax iskaga eg
9. Figta sare waxa taga nimay waayuhu feenteen
10. Habeenkii waa oday oday maalinkiina waa habar habar
11. Wuxu kugu falay ninkaa kaa filin ragba ma aha
12. Dabeyshu geedaha uma ruxdo inay ciyaarsiiso
13. Ragu socodka waa udoor haduu mawdku daaye
14. Cunto waa cadow qarsoon
15. Hadal caato waa liid
16. Dhankaas xayaabo ka saran
17. Gambadh gaaban bay iskugu fadhiyaan
18. Hadal wayeel hadii la yeeli lahaa hal waraabe ma cuneen
19. Gugu wuxu dhigo ayey dayrtu ku faanta
20. Sange orod ladaba galo saryanka buu ugu neceb yahay
21. Caloosha oo weynaata iyo caqligii oo weyd ah
22. Dayaxuu ku mireystaa
23. Cidkale waxa ka baridaa baahi kaama goyso
24. Bil baa u caano shubatay
25. Kadar iyo kadaa midna ma leh
26. Woxooga faro guudkood ah
27. Gaajada ka baxbaan guntiga u xidhee ma hadaan galay geerishkeedi
28. Bariiska mid cuntaa ka badin waayey tu biirka cabtana maxa ibaray
29. Kun kaa wacan baa wadada marayee Ha weedhamin jiidhkaga weydaa
30. Haday dib jiraan dugaag ma cune halay daayo dumarka waaweyn
31. Tasbiixda aliyo tusbaxa mooye tukale anigu waan iskaga tagay 32. Hadaan dhidid quban dhexda loo xiran miyey dhaqantaa
33. Heyn waa iga intaa hagrashona waa iga walaahi
34. Ragii turuqyada adkaa talaabo xumaa badalay
35. War sal ayaa looga dhergaa biyana sacab salaana xusul
36. Dad ma ceeb la yahay lama yiraahde ee ma cayntaa ayaa la yiraahda 37. Dameer aad saaran tahay dhuusadiisa maxay ka taree
38. War waxa lagu xalaaleya balan xoolana bir
39. Libaax tuuryo lalama gaaro aflagaado waxba kama tarto
40. Ragga waxa ugu doqonsan naag rabta ninkii xoogga
41. Kii mar qaadow muraadkaa hel
42. Tan doora RABBi ba yaqaaan taa dooro adaa yaqaan
43. Bilow bisinka uweyn aqoona barasho ka weyn
44. Gablan talo aduunyoye maxay galaba heer joogta
45. Wixi dhacayba dhankaaga ka qabso afkaaga ka dhowr maxaa dhacay 46. Duco hooyo buu qaba Habaar aabbe na wuu qabaa
47. Ha durduriso mooye daahay lama oran
48. Dad maqnaa iyo Dalmaraa yimi
49. Belo ma jirto haday jirtana ma buurna
50. Geel gablami doona gondaha buu iska cunaa 51. Ma dabaylkaad dhuuso kala mari
52. Hebel roob baa ku da’ay ma maqashay
53. Nin aan ciiley baa icaaya
54. Nabar aad fileysay naxdin maleh
55. Hadli maaye hashu si fiican ha udhasho
56. Dumar mid kula da’da baro mid kula danta xulo mid kula diinta xiro 57. Dibno aan xishoon afka laba daan ileen hadal ma daayan
58. Food saar dabasaar loo rogay
59. Nin weyn goor waaberyay wuu ogyahay
60. Adaa dhoodi dhexe dhurwaa kugu cuni
61. Anigu uurkoo dadan iyo iskuma daro afkood daacad ah
62. Walaalka wiil ulahow wiilkagana walaal ulahow
63. Isma oga agoon iyo ninkii aabihii diley
64. Duulanka hore waxaan lahaa wiilasha udaa
65. Kan badiyaaba waa bahdeen
66. Marna taagta marna tamartaa
67. Laf dhuux leh iyo dhagax laysla waa
68. Qosol aan laysla qabin waa qaraabo qoys
69. Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku diirtaan
70. Gunta lagama jaro geed hadii gabaad kuu yahay
71. Wuxu na baray wuxuu nabaday baa nooga daran
72. Kheyr lakala qabo
73. Ninkii oday oo aduunku helo ileen orgi waw ukeeda
74. Shan beri shiikh laguma noqdo
75. Laafyo aadan lahayn lixsaac laguma gaaro
76. Walee nin aan sirtiisa garanow kuma sacabeeyo
77. Hadaan loo aarin miyaa loo ooyi
78. Kaligaa waalo wareer weeye ha lagula waasho wanaag weeye
79. Nin kaligii socdaa ama tuug ama waa tol la’aan ( gabdh doonashada
geedfariisi)
80. Wax dhaqo oo wax meel dhigo hadad waano laba dhaaday
81. Maba lulate maxay leefta
82. Nin ba dawga uu rabo ayuu duinda maraya ileen waa dantiise
83. Meeshi nin dhar ku mari waayo ninba dhar la’aan kumara
84. Nin walaalkii ii hiili yiri hoog alle baday
85. Wayeel xanuunsaday xil ma garto
86. Ma jabtadu maqaarka halka xun bay ka ursataa
87. Nin socda kufe nin fadhiyaa ma kufo
88. Gar horteed lama naqo
89. Lafba lafta xigtaa lagu kabaa
90. Farba farta kuxigta lagu kabaa
91. Neef la gowracay xaguu ujeestaba waa ula ekaatay
92. Hal laba midigle dheelmay dhana uma fiyooba
93. Wax intaa ka roono loo riyaaqo noo keen
94. Saca iyo wayshu ma isku sicirbaa
95. Kabatolow ma halkaas baa ka baxday
96. Xaajo nin leh baa rogrogta
97. War la’aan baa col hoda
98. Geelow soco soco kolka kanboor cunto lagu yaaba
99. Habad iyo habeenked ninkii hadhana yeelkii
100.Mineey qac kaa yeertay qosol ma isku maweelisay
101.Muslimka haygu dirin wadajirka lagu macaasha
102.Ninki Durban laga xaday muxu yiri xagee lagu tumi
103.Waxa la yiri markuu qofka waalan qoslo kan miirka qabana wuu ku daraa 104.Muxu bashar liita iyo wakhtigu ruux guna ibaray
105.Hal la magac dhabay ama kacday ama kuurkuursaty
106.Hadal waa qaar sare
107.Kolay wacdi iyo waanno wax ku qaadan mayside ka war doon aduunyada 108.Farihii dufan leh baa wax duuga
109.Ceesan weydiinted cidii kugu dhibta wadideeda ayaa lagu dhiba
110.Sagaaro biyo ma cabto iyo way cabtaa waa isku qaban jirteen 111.Wixii lagu furay hadaan laga furin walee faraqay kusidataa 112.Ceenaha ruuxii lushee labeentoodana naca laabtiisa waxba ku jira 113.Nasiib xuma ma bowdo geelba sow ma nabsi baxo
114.Ninkii ragga wuu ilaab garan doqonse yeelked
115.Dhirif habeenkii ninkiisu dhibaa kan dharaareed ninki dhowra 116.Amuuraha ma’ahn sida inan rag doono ee waa sida EEBBE doono 117.Qori aad ku istaagtay qacdiisa lagama naxo
118.Anoo harsan waayey bay nooso hargaleen
119.Ninku maydku kadhacay muxu yiri haduu sii go’ay
120.Birta hadaan la garaacin ma dhawaaqdo
121.Wayel talo ayaa lagu xasuusta
122.Bun hadii la waayo bedelkiisa la hela
123.Waraabe la tag la tag bartay ka dhig waa ku ceeb
124.Ninkasta oo qorshe keena qasaaru ka baqaa
125.Waraabuhu ma daaqo lagamana daaqo
126.Nin qaroon hela nin quwaax hela caro waa quud hala qarafsado 127.Sees dunsan haka filin saqaf hagaagsanXikmado kooban
Buuga: Xigtaysiga xikmadaha
Qoraa: Faarax Axmed Cabdi
