1. Nin calool galkaagi ogaa Haatanse ciroobay
Oo Sir iyo caadba ku yaqaan lagama ceeb doono
2. Awoowgaa sagaalada haduu meel dayacan seexdo Ama uu saboolnimo ku karo xadhig la soohaayo Subbadii qaloocnayd dibay kala socota
3. Wayeel horaa daahirow waano ka hayaa
Iga weyn walaahi waxaan ku waramaya Wadeecowday Ruux xumi hadii uu wakiil kaa yahay
4. Weligeedba xaajada la falo tiiyoon laga fiirsan Waxa loo fadhiyin bay ka fursan weydaa
5. Midho daray hadaan beri duduub ku liqi jiray Doorkan waxan hubsan dirxiga ku hoos jira
6. Lama helo wadaadow waxan cidi u howshoon Naftaa loo hantaaqa waxaad hiigso leedahay
7. Dabkaad hurin Habeen iyo dharaar Holacyadaad oogi Aduunba Hor EEBBE iyo la tegi holicii siraad
Iska hubiya aakhirana waa luma huraankiiye
8. Ragg haduu horseed kaa dhigtiyo Hibo laguu yeelo Waa loo hagaajiya anfaca hagrasho waa ceeb
9. Hebelow Hubsiimada Halna waa lasiista Hadal badana saxiib haan buuxin maaye
10. Fiidmeer ha noqon inan yar oo fudud waa ceebe Fuuq abaaso lama aaminee fiiro badan yeelo
11. Hawdka karantiyo Hilaacyad beri iskuma heshide Mid uun ku hubdhaho mid uun ku haggaag
12. Rag Abbaartii waa arin la’aan Dumar abaartood waa ubad la’aan Xoolo abaartoodna waa ilko la aan
13. Buro foolka kaaga taal xanuun dartii lama goyn karo Foolxumo darted lama daysan karo
14. Ninkii xigaalo ku sheegta xabaalaha ayaa la tusaa Ninkii xoolo kuu sheegta hooskisa
15. Naagtii gambada taabatee gacanta loo mayray oo gelisay Meeshii Hadana gabaynu sowma aha
16. Allow yaa isku beega badar ninkii haya iyo ninkii biyo haya waa isku baahan yihiin
17. Wuxu yiri nin dhadhamiyow cilmi ma wax laga dharga baa wuxu yiri nin
dhulmaalayow cunto ma wax lagu dhagaba wuxu yiri nin ay gaajo dhugatayow hurdo ma wax loo dhawadaa
18. Wiil ay hooyadii walwalacin oo wiilal kale udhalin harsan waayo howl ujoog noqoy
19. Nin gurigiisa dhalo yahay nabad iyo ku dhaqankeed haduu tuuryo dhaafsado ana maan is dhaga tiro oo dhadhaabta xaabsado
20. Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo laga reebay meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco
21. Liiban maleh aduunyadu loox iyo khadkiisu marbay kala lumaano wali laamba lagu qorin
22. Aduunyo waxa kuugu daran nimaad soortay oon kaa socon iyo nimaad sugeyso oon soo socon
23. Aduunyo waxa laga wareysta ninkii kaa weyn aakhirana ninkii kaa cilmi badan
24. Belaayo waxa ay ugu daran tahay marka reer aad mijiihisa tahay ay madax kaga dhigto
25. Suri waa nin ku jabsi sagaarana waa labo nin ku dabad sagaal halaadna waa sadex nin kumaal
Buuga: Xigtaysiga xikmadaha
Qoraa: Faarax Axmed Cabdi
