Ninka hirarka dhaadheer

 Dadka kala hadlaayee 

Qof kastaba la haystee 

Ugu taga halkiisow 

Kolley waan hubaayoo 

Haasaasahaygiyo 

Waxa aad had iyo jeer La haloosiyeysaa 

Hibo gaar ah weeyee   

Hiddo maxaad ku dhaqantaa?

Hanti maxaad ka leedahay? 

Hub maxaad ka sidataa?

Adduunyadu hir weeyee? 

Maxaad haabanaysaa?

Maxaad haybnaysaa?  

Waxa hoobal lay yidhi Aan kuu higaadshee 

Hiddo waxaan ku dhaataa Afkii hooyadeennoo 

Hanti waxaa ka leeyahay Suugaanta hodanka ah 

Hubna waxaan ka qaataa Hal-abuurka midhahiyo Hannaankiyo sargooyada 

Qalab lagu hufaayoo Lagu haadiyaayoo

 Hugunkayga yeedhaa Lagu hawl galaayoo Heellooyinkaygaa Bulsho lagu hagaayoo

 Ka hallawsan weligii Lagu hoga-tusaayoo

Hawraarahaygaa Dhasha lagu habaayoo 

Dadku hadalladayduu Ka dhigtaa hal haysoo 

Dhegtu heesahaygay Hanqal taag ku maqashaa   

Hayhaato meelaan Halistiyo wax yeellada 

Ka arkaa hog dheeroo Hoydayda yeedhaa 

Nacab soo hillaabtiyo Horror lagu ogaadaa.  

Birta waxa u haystaa Hubka waxaan ku laayaa 

Qofka himiladaydiyo Neceb horu markaygoo 

Hagar-daamo taliyee Jecel hadimadaydoo Horsed sheelan baan ahay 

Hammi baa I lumiyoo Hogashiyo wareerbaa 

Hilbahayga laastoo Haraggiyo laftii baan Ku haddafayaayoo 

Ma haleelo dhaymaha Ma dhasado kalliilaha 

Mas ku jiro hoggiisoo Cawa daran la hoydoo Hurdo loo mar dhigay baan Anna haro-walwaaleed Hora hora idhaahdaa  

Inta aan higgaadiyo Hindisaha ku jeedaa 

Dadku iga hayaamaa Hore layga guuraa Inkastaan u heegnahay 

Xilka aan hagoognahay Misna habaqlahaygay 

Haadii ka dheregtoo Hanbo feenna mooyee 

Hordhac kuma badhaadhoo Hayinkaygu ima geyn  

 Weli hogol da’aysoo Haaneedka uma qaban 

Weligey hal curatoo Duco iyo habaar baa I hareera yaalloo 

Waxan ahay nin hodanoo Hayntana ka madhanoo 

Adooigu hamiyayaan Waxba ii huraynoo Halac laygu dhaafiyo Gacan-haadis mooyee Qofna iima hagar baxo  

 Adduunyadu hir weeyoo Hanti uma dudaayee 

Halis igu dardaarana Nafta haysan maynoo 

Mar qudhay hallowdaa Furataa hoggaankee 

Dadka ii han weynow Marka aad I hoysaan 

Waa in lay hagoogtaa Waxan hiil ka geli jirey 

Ama hoo ka tari jirey Hengel lagu taxgeliyaa Hadhow lay xasuustaa Hebbel lay yidhaahdaa.  

Qoraa: iibmaal.com