Adduunyadu waa besteed
Haddaan idhi Boqorkayow
Waxaan idhi Boqorkayow
Allow barashaan ogeyn
Intay tahay baaxaddaa
Qofkuna badow buu ka yahay Inuu
kugu soo ban-dhigo Bayaannada aan fogeyn.
Bishmaan u daraandarayn Inuu boqolkaaga magac
Intuu Bisinkaagu yahay Ka sheego wax aan badnayn.
Waxaad tahay gun iyo baar Ballaadh iyo deeq mug weyn
Waxaad tahay beer janna ah
Waxaad tahay baarri faxan, Intaad bixisaa raxmada Intaad burisaa raja ah Intaad hanataa ka badan Baxaalliga hawl adduun Wax-beelka intaan hurayn Bushaaro hayaad u tahay.
Waxaad tahay baahi-laawe Waxaad tahay baahidayda.
ILaahnimadaada buuxda Qof waayey ma baadi-doonin. Rugaa
Boqortooyadaada Qofkii u bal-reebiwaayey Ma xeerin badbaadadiisa.
Xuduudka baddaada caaggan Qof tiigsadey baylah weeye. Kulaylka buruuddadaada
Sharkaaga badheedhka dhiirran Baqaa lagu aaminaa,
Burjina Adigaa ku sugan Awoodaha baaca dheer.
Adduunyadu waa berdaan Run baa la-bog-dooxayaa
Dadkaa la-bilkeedayaa, Higsiga baradeeda nool
Waxaa lagu beegsadaa Baxnaaniyo toogo-hayn
Boqoolkuna waa jiraa, Naftana ballankii ka yiil
Haddaan lala beretansiin Waxaa lagu beegmayaa Bayuuraha aan hambayn.
Hadday tahay beri-samaad Ta baasina way ag taal
Haddaan laga baydhsanaan. Dhulkana Bidixlaa ku nool
Waxaa jira beenawaas, Ibleyskuna waa bakhayl Bahdiisuna waa yiciis.
Balway ku hor qaadayaan Bustay kugu laabayaan
Wedkay balag saarayaan, Hadday buro kaa helaan
Waxay kugu badhi furaan Dharaaraha baane jiro,
Belaayana way guddaa Bariisana way dhacdaa,
Haddaan laga sii bed-qabin
Waxaad ku baraarugtaa Beentaadu runtay necbayd.
Barwaaqo markay hayaan Hadday isa sii bidaan
Baxdowga markay yihiin Hadday isu sii bogaan
Addoomuhu ways bulaan. Waxay cadho biirsadaan
Waxaa lagu sii badaa Xanuun iyo boogo kale.
Hadday isa sii baraan Inay berri sii cunaan Banbaaniyo xaaja guud
Haddii baga loo cuskado Bulshiyo wada-doonistii
Qof iyo wada-buul-dhis tahay Yiqiintuna bowsi tahay
Nin iyo keli loo bokhrado Hiyigu kala-baadsan yahay
Bartii qof yaqaan hungow Bil-khayrtuna way fog tahay.
Markay naftu baadi tahay Haddaan bahal Kuu sanqadhin
Cabsida bixisaa ka weyn. Hadduu qofku been dugsado
Baqaa lagu xeerayaa Bahduu ka curyaamayaa
Wax baydadiyaa eryada Cishaba babbisaa hor taal,
Waxaa ku bannaan runtii Waxay u ahayd ku beel
Dhankeedana bayr ka qaad Inay tahay baahi, diid
Haddana yidhi baadi doon Halkeeda wax buuxin kara.
Berruu ka saluug qabaa Bursuu ku xujoobayaa,
Duruus u habee baryada Beybeysiga hawl ka dhigey
Bishmaa ka calaacalsii Sengii faney Booddo-waal,
Xumaanta u beer-nuglaa Bahaynta ku caado goo
Shan baabbaco hoo ku qaad Idaa gudhay loo baqee
Xanjiyo xabag loo bad-badi
Haddana balawaas ka qaad Busaaradi waa halkii Hungaa baradiisa taal
Cishaba filan-waa ku baah Cishaba garan-waa ku biir
Saqaa dhexe baaq u yeedh Canaan ka bariisan waa.
Belaayo waxay tustaa Markuu isa sii barkado Inuu weli sii baxsado
Baraad-la’ usii galgaley
Qallooc isu sii barbari Bidaartana sii arradi
Wanaagga ka baali noqoy Intii bilan sii illow Buddiisana sii gorgori
Waxyeellada sii bogbogey Adduunyada baylah mood
Runteedana boob ku waa Dhabteeda bannaysan waa
Dhibteedana baajin waa Badhaadhena ciil ku waa
Walaacana baan ka waa Badbaadana meel u waa
Naftana biya-dhiijin waa Dharaarna is-baadhi waa
Kashana boholyow ka waa, Badheedh lagu sii hubsado
Hiyiga barakaysan waa Hankana ku barooran waa,
Haddaan baqe fuushanayn Inuu yahay buur ku diid
Dareennada boorta neceb, Guddoonsey is-been-farriin Badroolka inuu ku sugo.
Bisaylka hadduu qof diido Biraynta ku faani waayo
Bakhtuu uga sii socdaaye
Hadduu qofku baydda goosto Inuu bini-caashaqiisa
Ku baayaco geeridiisa Baraar adhi baa taqaan.
Xalaashiyo buunigeeda Haddaad u buseeli weydo
Bogsiinta ka raadi maaha Wixii lagu sii bukoodo,
Xumaantuna waa basari Naftay bilic-guurisaa,
Bidhaantuna maaha ruux Haddaanay lahayn burhaan
Badh kaa maqan baad la’dahay Basaastuna waa qalbiga
Kashaa laga baal qoyaa, Intaas ha ka dhaafin baal.
Waxaa isu soo bulladay Bugaanbugihii wakhtiga
Bilaash-jeceshii casriga, Bulaanbuliyey tumeen
Dadkuna budulkooda raac Siyaasina beel ku dhoof
Dantiisa ku baadi doon Ku baaji xilkay lahayd
Sidii goray baar-caddee Ballaadhsiga diin ka dhigey
Baxnaanada sii adkee Hilaadaha sii burburi Bawaarkana sii ulee
Bilaale ka qaad yaraa Cishaba huri duur belbela
Billaawaha sii casee Billaahida sii xasee
Buskeeda ku sii xabaal Biliiliqo sii dhudhumi
Baruurana sii fantee Awaalaha sii basaas
Sidii buro soo noq-noqoy. Markay barar fuuqsadaan
Sidii Dibi bey madow Hadday u banaaxiyaan
Badhyaa-cune jeer hungow Xaqiiqada boodh ku laac.
Adduunyadu waa besteed Nin biima ah baa khatalay
Hub iyo buntukh loo shushubi Sidii bulay loogu hees Intii ba’an laysu dhiib
Dalaal lagu beer-caddaa Qof iyo baradiis is cune Bariidada lays la waa.
Wuxuu Boqorkeedu yidhi;
Wixii Bido meel u yaal ILaah bixiyaa ka dhow
Bushaarana way jirtaa.
Hadday falaw baaban tahay Banaanadiyaa xasladah,
Hadday bili doorsan tahay Baftiyo qurux baa u taal,
Hadday tahay biir aja ah Caway ku ballaysan tahay,
Bar-laawe hadduu didsaday Barbaar gudan baa u nool,
Hadduu Baqal-fuul gurguray Baroor faras baa hidda ah,
Hadduu Badhax-miis ku dhalay Runtaan la-biyeyn karayn,
Nin baydhsadayow dan guud Waxaa jira baadi-doon,
Af booli wixii ku maqan Col soo bedayaa ogsoon, Badraanno hadday jiraan
Barqaa lagu waayayaa,
Hadday wada baar-qab tahay Wixii dhacay geed Berda ah Fircoonnada baaxad dumey Beryii tegey baa hubsaday, Dhufaanna bir waa yaqaan. Hadday wada B.M tahay Buruud kiciyaa dul yaal, Waxay bohol jiidhayaan Libaax bulbullaa ku jira In baal sidataa dahsoon In baabbacalaa digtoon Dhashii Beder baa xidhxidhan Biddena camalkiis u daa.
ALLAA MAHAD LEH. Tifaf-tirkii iyo diyaarintii: Dhuux Digale Duale
Qoraa: iibmaal.com
