Taariikhda Akhriska

Waxaa la sheegaa in Akhriska insaanka uu soo bilowday waqti aad u fog, qoraaga buugga “The history of reading” waxaa uu daaha ka rogayaa marxaladaha uu soo maray Akhriska, xilliyadii dhagaxaanta iyo looxaanta la isticmaali jiray ayaa kamid ah xilligii wax akhrisku jiray. Haddaan dib u milicsano taariikhda nabiyada waxaan la soconaa in nabi Suleymaan Calayhi salaam uu fariin u diray boqortooyadii Saba’ ee ka jirtay dalka Yemen.  

Sidoo kale falaasifada Giriigii hore ayaa la sheegaa in ay akhriska ku dadaali jireen, qarniyaddii hore meelaha xadaaradaha bani aadamka ka jiray waxaa kamid ahaa dhulkii Baabil ( dalka ciraaq), waxaa jira qoraallo badan oo ay diyaariyeen dadkii reer Baabil oo xilligaasi hogaanka u hayay ilbaxnimada insaanka, qarniyaddii dhexe jasiiradda carabta waxaa ka soo ifbaxay muslimiinta waxayna muddo kooban gudaheeda kula wareegeen xadaaraddii insaanka, saxaabada nabiga NNKH waxay ku dadaaleen qorista axaadiista laga weriyay nabiga NNKH, xilliyadii ka dambeeyay waxaa soo shaacbaxay qorista gabayada, xikmadaha, iyo funuunta kala duwan casrigaasi waxa uu ahaa xilligii Akhriska iyo qoraalka, maktabaddii magaalada Qurduba ee wadankii Andalus( Isbayn&Bortuqal) waxay qayb ka ahayd maktabadihii ugu weynaa ee jiray casrigii dhexe, buugaagta laga heli jiray waxay gaareen 400,000 ( Afar boqol oo kun) oo buug, waxaana xusid mudan in xilligaasi aanay jirin madbacada lagu daabaco buugaagta balse buugaagta waxaa lagu qori jiray gacanta.

Xadaaraddii shiinaha waxay geedaha ka sameeyeen warqad wax lagu qoro sanadkii 105 miilaadi, xilligaas ka hor waxay isticmaali jireen dhagaxaanta si wax loogu qoro, waxayna shiinuhu si weyn u qori jireen buugaagta ka hadla Beeraha iyo dhismaha magaalooyinka, sidoo kale xisaabta,caafimaadka ayay wax badan ka qoreen. Xadaaraddii Roomanka ayaa kaalin weyn kulahayd qorista buugaagta juqraafiga, khariidooyinka, badmaaxnimada, iwm. Qoraaga reer Taliyaani Caius Plinius Secondus ayaa qoray mid kamid ah buugaagta ugu caansan Taliyaaniga,

wuxuuna u bixiyay ” Historia Naturalis” sidoo kale waxaa uu qoray 37 buug oo isugu jira Taariikhda Roma, suugaan, iyo kuwo kale, xadaaraddii Beershiya qarnigii seddexaad ee miilaadiga waxay wax ka qoreen maamulka, iyo siyaasadda, waxaa jira buug ay qoreen Beershiyiinta oo lagu magacaabo ” Beeralayda iyo shaqaalaha” oo ah buug si weyn looga qadariyo Iran. Xadaaraddii Hindida waxay xoogga saareen culuumta cirka, aljabrada iyo xisaabta, kimistiriga, caafimaadka, iwm. Masaaridii hore waxay qayb ka ahaayeen Umadaha ku horumaray Akhriska, waxaa la sheegaa in ay ikhtiraaceen ama soo saareen warqad wax lagu qoro, inkastoo arintan dood ka taagantahay, Waxay wax badan ka qoreen injineeriyadda, xisaabaadka, iyo qorshaynta.   

 Qarniyadan dambe waxaa sii batay xiriirka dadka iyo buugaagta ka dhaxeeya, iyada oo dunida isu furantay, waxaa la helay madbacado, maktabado waaweyn, iyo sidoo kale aaladaha Elektarooniga, waxaa fududaatay helitaanka buugaagta, waxaa la helay internet oo si fudud looga soo dejin karo buugaag badan kadibna si fudud loo daabacan karo iyada oo aan safar dheer la galin. Innaga ka soomaali ahaan hadalkeenna ayaa ka badan inta aan akhrido, halkii laga rabay inaan camirno maktabadaha waxaan camirnay makhaayadaha iyo goob

aha fadhi-kudirirka, haddana rajo kale ayaan arkayaa, bandhigyada buugaagta ayaa ku soo badanaya magaalooyinkeenna.

  W/Q: Cabdiraxmaan caqiil