Ganacsi guuleysta sii loo gaaro waxay ubaahan tahay dulqaad iyo dadaal badan kasoo, o ka soo fulaya ganacsadaha iyo cida la shaqeynaysaa ma sahlana in si yaro fudud loo gaaro ganacsi guulaysta iyado howl iyo dadaal badan loo marin qormadan kooban oo ciwaankeeda kor inooga muuqdo waxa aynu kusoo qaadan doona sababaha keena ama sahlayaa in uu ganacsigu guuleysto waxaana kamid ah.
Iska ilaalinta koritaanka iyo kobcinta degdega
Ganacsiga inuu kobco waa mid aad ugu muhiimsan ganacsadaha, waxa ayna kamid tahay waxyaalaha oo ku han weyn yahay in uu gaaro wadiiqooyin badan wuu umara in uu ganacsigiisu koro.
Kobcinta degdega waxa ay fashilisa qorshaha uu lahaa ganacsiga waxa ayna hoos udhigta tayada iyo xooganaanta ganacsiga hadii la sameeyo kobcin degdega iyadoo ganacsigu uu curdin yahay waxa ka dhalanaysa saameyntii wanaagsanayd ee laga filanaayey lidkeed in ay kasoo baxdo waxa muhiim ah in ganacsaduhu iska ilaaliyo kobcinta degdega waana in uu si miir leh uu ulasocdo xiliga uu ubaahan yahay ganacsiga in la kobciyo. Arinta waxay ka qeyb qaadanaysa in uu ganacsigu guuleysto si degan uu socdo.
Kor dhinta tayada si joogto ah
tayada waa shayada ugu muhiimsan ee ganacsiga kadhiga mid guuleysta isla markaana laga heli karo macaash iyo faido fiican waayo tayada oo xooga la saara waxa ay sababysaa in uu ganacsigu yeesho macamiil badan waxana muhiim ah in sii joogto looga war hayo tayada ganacsiga iyo halka ay marayso markasta ay daruuri tahay in kor loo qaado waa in loo qaado tayada si guud waxa aynu kusoo koobayna sadex qeybood
Tayada wakhtiga (time quality)
macamiishu waxay daneeyaan ama door bidaan in dalabkoodi sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan u helaan hadii ganacsiga caga jiid yahay oo dalabkii wakhti qaadanayo ilaa uu raagsado qofkii loo adeegayey macamiilka dhaliisha isago uu sheegin buu go aan degdeg qaadan karaa kaaso ah maalin dambe inuusan goobta usoo iib doonan Shayga ugu qaalisan ee dadku ku xisaabtamayan waa wakhtiga oo hadii qof uu alaab u doonto suuqa dukaan kuso hagaago intuu iska daba wareegayo alaabtii codsigeeda iyo laso wareegideeda uu ku jiro haday dhowr saac kaso wa raagto marka dano kale uu uu qofku lahaa baa ka dayacmaya waxa uuna ka qoomamaynaya dukaankaas wax ka iibsigiisa haduusan habaar ugu darin
Si aysan arinka u dhicin ganacsaduhu waa in uu dadaala wakhtigana u ilaaliya dadka uu la macaamilayo hadii culays iyo saxmad jirto raali gelin ka bixiya si uu macamiilka u dareemo in la xaal ogyahay oo u sabro.
Tayada qiimaha (price quality)
Dadka alaabta iibsanaya badanaa waxay fiiriyan qiimaha oo suaasha ugu horeysa ee ay weydinayan waa (waa imisa) hadii ay arkaan in qiimaha alaabta saraayo durba waxa is oranayan dukaanka sicirkiisu wuu sareeya salaama baana lagugu dhaafaya.
Qiimaha si aynu ufahamno aynu sadex u qeybnimo Kan kowaad Qiimo aad u sareeya kasoo ay badana ganacsatu umoodan inay dan ugu jirto balse taas lidkeed ay hadhow ka arkaan, qiimaha sare waxa uu keensada in alaabtii kugu raagto macmiishi midkii maalin waxka iibsada uusan maalin kale kuguso noqon sidaas owgeed ma fiicana in aad qiimo fowqal caqliga dul saartid badeeca ama adeega aad qabanysid
Kan labaad qiiimo aad u hoseeeya kan marka ay ganacsatadu sameeyanayaan ujeeedadu waa suuq fiican hel ganacsatada kale kula tartamaysa macamiisha kasoo jiido lakiiin markii ay nidamkan isticmalaan ilaa wakhti kadib baa dhibtiisa soo baxda waayo ganacsigu kharash uu galayo iyo dakhliga uu soo saarayo ay kala badanaya waana la arkaa alaabtii oo lafaheedii uun soo saaaraysa halkii faido laga filaayey
Kan sadexaad waa qiimo dhexdhexaad ah kan ganacsaduhu wuxu isku miisamaya macamiilka waxa wuu u awoodo isna faiido ugu jirta sidoo kale heerka suuqa waafaqsan Waana kanugu fiican ee istarajiyad ahaan loo baahan yahay in la isticmaalo iyadoo aqoon xeel dheer iyo baaritaan suuq lagu daraayo.
Tayada alaabta (product quality)
waa muhiim alaabta tayo leh dadka in laga iibiyo macamalaat fiqiga diinta ee ganacsiga la xiriira lagu sheegay ganacsaduhu inuu iibiyo alaab tayadooda wanaagsan tahay oo aan shaxaad iyo khashkhashaad ku jirin alaab la hubo waxtarkeeda, waxa laga sameeyey, mudada la isticmaali karo iyo sidoo kale alaab caynkeeda ama waxyalaha ayka kooban tahay ay udhameystiran tahay oo aan tayo naaqus ah laga dhigin Bulashada wakhtiyadan dambe si wacan bay ugu baraarugsan tahay tayada, hadii wakhti lasoo maray oo tayo alaab waxla yiraahdo xog ogaal badan loo lahayn jirin hada qofka miiga jooga hadii alaab cajabin waydo ama isticmaalkii uu rabay uu ka waayo oo cilad degdeg la timaado Alaabta ganacsadahaas hayo tayo fiican maleh buu oran cid kastoo oo u yaqaan wuu gaarsiin ilaa marka dambe ay suuqa u gasho tayo xumo
Sidaa awgeed tayada alaabta waana in ganacsaduhu ka dhiga muhiimada kowaad Si uusan oo ugu siifoobin tayo xumo alaab qaaliya o wakhti kooban isticmaalkeedu ku egyahay
Buuga: waa maxay ganacsi
Qoore: Farah Ahmed Cabdi
