GUULDARROYINKII HORE 

Saynisyahano ku takhasuusay cilmiga bada xili ay samenayeen cilmi baaris ayay Libaax baddeed ku dhex rideen taangi muraayad ah oo biyo ku jiraan kadibna wax kalooy ku dhex rideen taangigii kalluumo yar yar (shoox) oo aad u faro badan isla markiiba libaax baddeedkii intuu dabaashay ayuu weeraray kalluumadii yar yaraa gabina wuu wada cunay. saynisyanadii waxay dhexdhigeen taangigii muraayad adag, taangigina waxay ka dhigeen laba qaybood qayb libaax baddeedkii ayay ku  

rideen qaybtii kalena kalluumo yar yar (shoox) oo cusub ayay ku rideen. libaax badeedkii kalluumadii yaryaraa ayuu weeraray laakiin muraayadii ay ku dhex rideen taangiga ayaa ka soo celisay dhawr jeer ayuu weeraray, mar kasta oo uu weerarana muraayada ayaa madaxa kaga dhaceysay saacad kadibna wuu is dhiibay weerarkina wuu joojiyay. wuxuuna muraayada ka dhex arkaayay kalluumadii yar yar oo si xor ah u dabaalanayo. tijaabadan mudo saddex todobaad ayeey ku celceliyeen libaax baddeedkiina wuu laqabsaday in ay muraayad u dhaxeeyso wuxuuna joojiyay weeraradii. saynisyaanadii waxay ka dhexsaareen muraayadii labada qaybood u dhexeysay laakiin libaax baddeedkii muu san weerarin kalluumadii yar yaraa maxaa yeelay waxaa lagu tababaray in uu u dhexeeyo isaga iyo kalluumada muraayad. kalluumadiina si hor ah ayey ugu noolaayeen taangiga. 

Dulucda cilmi baarista Badi dadku waxaa ay is dhiibaan marka guuldarrooyin fara badan la kulmaan sidii libaax baddeedkii waxa ay aaminan ama ay rumeeystaan ineey guulaysan Karin madaamooy guuldarrooyin farabadan la kulmeen. waxaana maskaxdooda ku xirma dabar adag oo u diida ina ay guul gaadhaan. hadaad rabtid inaad noloshaada guul ka gaadho iska illaali dabarada guuldarrooyinka ka dhasho. 6. AQOON DARRADA Aqoon darradu waa shayga ugu horeya ee kuu diidan inaad nolosha guul la taaban karo aad ka gaadhid waxna aad ka badashid noloshaada si aad dadka dhexdiisa magac iyo maamuus aad ugu dhaxyeelato. Hadii aadan aqoon aadan lahayn ma gaari kartid hadafkaaga iyo qorshe aad dajisatay. aqoontu waa furaha horumarka waana sheyga lagu kalo garto waxa naftaada horumarinayo oo aad guul ku gaadhaysid iyo guuldarrada .   

Qoore: YAXYE YAASIIN XASAN