Gabaygii Indho badan   

 God abeeso ninkii Illinkeeda degow Taladaadu iyaa Ma allow sahal baaArraweelo markay Laba eefka lahayd Igadh geela haddii Nin aroorsan lahaa Amarkeedu hor yiil Odhan mayno kolkey Awooddii rag dhintay Sii agaasimatoo Aakhiruu ku maqnaa Ugaaskay dhaxashoo Arrimii dhacay qaar Utintooda haddeer Lama oogi karoo Abba looma hayoo Sheekadaaba iskeed Ma amaahan karee  

  Halka aahdu ku taal Waa la sii axadhaa Godob oofa ruqdaa Aabudhkeeda riddoo Alolkay jaratoo Ibahay furatoo Aslimayno dhaliil Odjamleedi durkee Immankaynu hubnaa Waxa eegga jirree Awgayow taladii Ifka maw rogannaa Naca jooji arbow Eela weynta hambee Ayaxow ayaxow Ayaxow weligaa Ayda waad dhilataa Eelna waad ka tagtaa Aafadaada miyaa Aagna looga gudbayn

 Ashkirow farasow Aadyar baa la socdaa Orod kaagu labbaa. Ban aroori kaxaa Mar ugbaadku simaa Dhal aboodi halkuu Ogxantiisa dhigtaa Aadamuu mar jantaa Meel aboor degey baa Mar iftiin ka baxaa Gole aammus badnaa Mar mar baa idhi taas Anda-qaad ku bataa. Ma aqoon ma aqoon Ma aqaanno darkii Isagii han-hinnaa Waxa loo egmadee In dhoweydba sidaas Afartiisa rugood Agab baa la dhigtoo Oommanaa fadhiyee Ifafaalaha guud Abshir baa dhalatee Waxaan awda hayaa Ma ishaara san baa 

 Ma abaabul shar baa!? Onkod gaaxdey miyaa!? Ma cir soo olkamaa!? Ma illiilo socdaa!? Ma xer tuugi Allaa!? Ma hayaan ulan baa!? Ma dagaal uganoo Laysu eeba gurtaa!? Ma col awdalan baa!? Ma ibleys qaxaya!? Ma insaa ma jinnaa!? Ma ardaa ma shinna!? Ma aleelo qubtaa!? Ma adeeri dhashaa!? Ma arraa ma urraa!? Ma awaarre kacaa!? Ma ufaa ma dabayl!? Ma asmaa ma Xanuun!? Ubaxeey Ubaxeey Indh yaab badanaa! Kugu eegma batee Maxay soo uriyeen May ayaamaha qaar Kugu soo ururaan Immisaa jirey waa Oontu kuu tirsanayd Immisaa jirey waa Arradkaagu sinnaa Immisaa jirey waa Noloshaadu adkayd Immisaa jirey waa Ajakaagu furraa Immisaa jirey waa Abaalkaagu sugnaa Immisaa jirey waa Ayaankaagu dednaa Immisaa jirey waa Adduunkaagu madhnaa Immisaa jirey waa Ishu kaa han-fogeyd Wax aqoolka haddeer Uskag baa ku jiree May ayaamaha qaar Korka kaa asturaan May ayaamaha qaar Wuxuun uu illiyaan Uurku wuu ku madhnaa  

 May waxuun Ubaxeey Afka kuugu riddaan Adoogaa dabadiii May agoonimadii Aabbe kaaga noqdaan May illaahay hortii Irbad kuugu huraan Alif waa derejee Aqoon may ku geshaan Erey may ku faraan Loo adeegsado meel Aayahaaga hor yiil May ammaan ka dhigaan! Abeer baanad ahayn Oogadaan ku billayn Awrtan qooqday haddeer Abaar ba kulanteen Ummaddeennu jidkii Kii islaamnimadii Ahabtii faralkii Asalkii dhaqankii Isirkeedu lahaa Way ka soo ambatoo Aarankay dubatoo Ubaxeey hablihii Ololaa ku socdoo Ubaxeey sannadkii Boqollaal ugub baa Axankooda qashoo Ammintiiba kolley Inan baa dhimatoo Aqal baa dumayoo Udub baa jabayee Arartaydu malaa Asaraar ma gashee Ubaxeey warar baa Agaaha jiroo Olloggaaga badh baad Xog-ogaal u tahoo Adigaaba yaqaan Gabdho ooda rogtee Ba albaabkan garaac Ummul baa hurudee, Wax ku oogan xanuun Aamanuun gubayoo Umal baa shidayoo 

xiigasho iibmaal

Indho badan   