Mar haddii ay hubaal noqotay in suugaantu qafaalantahay oo ay waliba garba- duubantahay waxaan shaki ku jirin in soo furashadeedu hawl u baahantahay iyo waliba hub iyo ciidan waxaana soo jeedinayaa qaababkan soo socda:
1. Ugu horreyntii waa in la dumaa ciidan birmad ah oo ka kooban culimo suugaanyahan isugu jira, curiyayaaal, iyo qorayaal iyo wax garad kale oo badan oo ku hubaysan dhaqan iyo suuugaan toosan oo si wada jir ah bursaynta u saara budhcadda afduubka gaysatay. Waliba waxaan ku talin lahaa in horseedku haddaba tacshiiradda sii billaabo geeddankuna is uruursado goobaha Internetkana iska diiwaan galiyaan ama meeshii kalee dad miyir qaba ku kulansanyahay. Halkaliyaaluhu meeshiisa ha kaga hirgiso afduubayaashana yaan laga hadhin ilaa ay is dhiibaan oo ay afxumada iyo dhaqan dilka jooyiyaan waliba waa inay si badheeh ah uga tawbad keenaan suugaantii ay marjiyeen. Shan ka roortiina waa anigaa riday qac qub.
2. Dadka faldanbiyeedkan faraha kula jira waa rag iyo dumar ibtiloobay talaabada koobaad waa in iyaga la kala kexeeyo oo fiin firidhay laga dhigo ka dibna dumarka dadkii dhalay waa in la yidhaahdaa cesheda oo adiyaddooda dadka ka xaslada. Iyagana waa in lagu dhahaa dabliqa Illaahannee yulqanka joojiya oo tarsigiinna ku ekaada, raggana waa in la dhahaa yaahuu afka wadhaf idinkaga dhacye sooyaanta daaya oo sannahaabada aayara. Waxay ila tahay haddii ay Illaahay ka baqi waayaan in arrintaasiba keeni doonto inay nafta la cararaan markii la dhabannaaniyo oo tummaatidu ku xidhato.
3. Giraamaha (cajaladaha) ay hurgumada iyo waabayda ka buuxiyeen middii la arkaba waa in Qur’aan lagu boobaa ama duruus wax ku ool ah iyo gabay lagu hubsadaa, Inshaa Allaahu way gudhahayaan, sida gal miireede. Taariikh ahaanna intaan ogahay waxaa jidkaa furay Sulfa magicii ha jiree oo ah nin Soomaaliyeed oo sharaf leh oo ka soo hadhay qoladan suugaanta qafaalatay.
4. Idaacadaha caadaystay inay faafiyaan suugaanta boolida ah waa inaan ooddaba laga rogin ninkii ay irbaddu kaga dhacdo isagoo wareejinayana ha ka istaaqfurulaysto dibna yaanu ugu noqon, kuwii ka tawbad keenana waa in Qur’aan lagu cugo iyo gabay qiima leh si danaanigii ay dhagaha ku reebeen laydha loo raaciyo.
5. Aaladaha jaan ee muustikada ah wixii alwaax ka soo jeeda dabka ha lagu shito, bir qalaxdana alqaban iyo bir canjeero miidhan halaga dhigto, wixii caag ahna carruurtu ha ku ciyaarto inta ay ka burburayaan, wixi harag ahna tooriyaha gal ha looga dhigto. Haddaad is odhan lahayd xukunkani waa mid qallafsan ogosoonow inuu yahay midka ugu dabcsan ee lagu qaadi karo qalab danbiyeedkan si aad u hubsatana bal culimada weydii.
Dhammaad
