Maansadii Amal

Maansadan Amal waxa ay ka mid tahay heesihii dardaraha jacaylka ee Hadraawi, soona baxay
sannadihii berisamaadka fanka soomaalida ee horraantii toddobaatanaadkii.
Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Haddaan eed la doonayn Ama deeq Ilaahay Asaraar ka taagnayn

Dadku eexo kaa gelin Inan yahay 

la’aantaa Dumar lama abuureen 

Gabadh lama ammaaneen 

Jacayl looma ooyeen.

Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo 

Ubax iyo man fuulaay
Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay.
Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay

Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo 

Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo 

Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubeey.
Adhaxdiyo laf-dhabartiyo 

Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha
Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo
Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo,
Amaleey jacaylkii
Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee 

Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee
Axdi jaba abaal luma

Kaa eegi maayee
Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan 

Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin.