Wehel Jacayl| Q-20aad Adegto

hammiyi jirtay in ay ku aragto wilka ay mustaqbalka la wadaagayso ayuu kulansaday. Erayo debacsan, kaftan aan turxaan lahayn iyo kalfurnaan ayey kala kulantay. Keligeed
ma qanacsana ee isaga laftiisa waxa beerqaaday quruxda
cogadeeda iyo garashada toolmoon ce xishoodka iyo
dhawrsanaantu huga u yihiin.
Muddo markii sheekadoodu magal iyo muuqaalba
ku socotay ayey hore u soo rugaansadeen; doontii ay ku haasaawayeen ayaa soo istaagtay badda xeelligeeda; waxa ay qaadaadhiggi isla garteen sidi ay u falanqayn lahaayeen nolosha mustaqbalka ee sugaysa. Reer in la yagleelo ayey wiglada u tunteen. Isu heellanaanta iyo isla dhacsanaanta dhexdooda ka jirta markii ay arkeen, ayey
is tusiyeen in ay isla gotomin karaan qoys lagu dirsado laguna qabowsado.
Nogoshadeeda oo dhawayd ayey dib u dhigatay;
rejo wacan oo ay ka qabto jacaylkeeda ayey rabtaa in ay
rumayso. Dhowr kulan oo ay arrimahaza ku gorfaynayaan
ayey wada qaateen. lyada oo hawshu dhammaad ku dhowdahay ayaa arrin aanay kaba fikirini timi. Qabilka 0o inti ay haasawayeen soo hadalqaadkiisu yaraa ayey
gundhada u galeen. Nasra ayaa un goladeeda waydiyay.
Waxa taa qasbayey dhaganka Soomaalida. In labada reerood ee xididayaa is gabiil ogaadaan waa rukun culus 0o ka mid ah ibofurka guurka. Gacalisadiisu waxa ay ka
soo jeeddaa gabillada la haybsooco, isaguna taa haab kaba ma gelm. Waxa ay ku nogotay lamafilaan. Shucuurtisa

ayaa si degdeg ah isu beddeshay; hadalkii ayuu kari waayey 0o ku dhegay. Markii uu juug odhan waayey ayey ku tidhi:
“Walaalo, maxaa kugu dhacay, anigu gabillkayga uun baan
kuu sheegayayee?” Inta uu hadalkii soo gabagabeeyay
ayuu ku yidhi: “Walaal, aynu mar kale isa soo wacno”.
Nasti, ma fahansana halka laga raacay. Waa quibejoog aan arrmaha gabrilka u dhegraaricin balse dhacdo
xidhidhkeeda caqabad ku noqon karta ayaa hor taalla.
Badwayn ay dad badani hore ugu hafteen ayey cagaha kula jirtaa. Haddii gabiilquudhsiga xal loo heli lahaa
miyey didmaduba iman lahayd. Waa utun Soomaali 0o
dhan ku taagan in inta gabil gaar loo sooco la gumeeyaa.
Habeenkaa uu ogaaday qabilkeeda, Axmed, hurdo
labada indhood isuma uu keenin. Waxa ku soo ururay walbahaar iyo walaac oo idil. Sheeko uu dhegta uun
ka maqli jiray ayuu shaahid u arkay. Way ka baahday oo go’aanqaadashadii ayaa bir ku noqotay. Wakhtiga
badankisa waxa uu ku dhafray fajicisada ku soo
korodhay. Laba wax baa naftiisa ku loollamaya: In uu xeeriyo dareenka kalgacal ee unkiddisa uu wakhtigu ka
galay, sidaana uu jacaylku ku guulaysto; iyo in uu raaco
caado dhagameedda silloon ce reerkaa lagu dayriyey,
oggolaadana in uu burburo jacaylkii xididdada aastay.
Wax uu rogrogaba go’aan geesinnimo leh ayuu aakhirkii gaadhay isaga oo og culayska fuuli doona iyo
canaasiirta ku kici doonta. Subaxnimadkii ayuu wacay
Nasra isaga 0o dhirrani qaba, warkiisuna cad yahay.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda