Akhristaha qiimaha badanoow soo ila dareemi maysid.

 Akhristaha qiimaha badanoow soo ila dareemi maysid :- 

1. Hoos u dhaca ku yimi hankii sare iyo himmadii saraysay ee lagu aqoon jirey dhallin yarada soomaaliyeed, waxaan aad uga niyad jabsanahay in aad aragto wiil dhallin yaro ah oo inaba ha yaraatee wax han sare ah lahayn mid adduunyo iyo mid aakhiraba, in aad aragto dhallin yaroo waqtigoodii qaaliga ahaa ku bixinaya wax’aan adduunyo iyo aakhiraba faa’iido ula hayn. 

2. Inaad arkayso wiil dhallin yaro ah oo aad u firfircoonaan jirey, markuu noqdo qof Ahlu diin ah oo dhaqanka diintu ka muuqato isku badalaya qof hankiisu liito, usoconaya sidii qof jiran oo tabar dari ay hayso, waxaad ka waa yaysaa dhamaan firfircoonidii aad ku aqoon jirtay markii uusan ahayn eheludiin, waxaad moodaa in haddii qofku noqdo eheludiin inay ka dhigan tahay inuu qofku hankiisa hoos u dhigo iwm. 

3. Cumar bin khadaab Alle raali haka noqdee ayaa arkay nin madaxa hoos u rogtay oo u soconaya sidii qof jiran oo kale, markaas ayuu kasoo degay daabbadii uu fuushanaa oo ku yiri ” war madaxaaga kor uqaadan diinta islaamka maahan shay cudur kugu ridaaya oo hankaaga hoos dhigaaya” . 

4. Wuxuu kaloo arkay nin is liidaaya markaasuu intuu kasoo degay daabbdii uu fuushanaa ayuu u shuu watay la dhacay  oo ku yiri ” war diintanada hanaga ceebayn Alle haku dilee, dintanadu maahan diin liidnimo iyo han jabin” . 

5. Waxaa kaloo i murginaya in aan arko dhallin yaro Alle siiyay caafimaad, xoog, caqli iyo dhamaan wax qof ku hor mari karo haduu ka faa’iidaysto isla markaasna hankoodii hoos dhacay, kaliyah ka fikiraya qof ay shaxaadaan, biibito kuraas cad cad la dhigay ay lugaha ka lulaan oo sheeko aan qiima lahayn waqtigooda iskaga luminayaan, inaba haya raatee wax hindisa ah aan lahayn dadka ay saaxiibada layihiin aysan ahayn dad han sare leh, fikrad fiican aan kugu birin karin, lajoogi taankoodu uu khasaaro yahay. 

6. Dhallin yarada qiimaha badaneey, bal aad iila dhuuxa sheekada saxaabiga la yiraahdo ( Rabiica Bin Kacab) si aad u fahantaan meesha aan rabo inuu gaaro hankiinu, Rabiica wuxuu dhinac fadhiyay Nabiga, iyadoo xaaladu halkaas marayso ayaa waxaa la keenay qaniimo laga helay markii la furtay wadanka loo yaqaan (( Baxrayn), qaniimadaas oo iskugu jirta , lacag, dahab, xoolo nool, iwm, Nabigu wuxu bilaabay inuu qaybiyo qaniimooyinkaas qof kasta oo weydiistana uusiinayo, Nabiga ayaa jaleecay Rabiica oo ku yiri :- I waydiiso waxaad rabto waan ku siinayaa, markaas ayuu ku yiri :- Nabigii ilaahayoow waxaan ku weydiistay in aan noqdo qofka jannada kugu la rafiiqidoona !! walaalkayga qiimaha badanoow bal ila dhuux rabiica waa wiil dhallin