Wehel Jacayl| Q-21aad Adegto

Waxa uu uga warramay xalay iyo wixii shoogga ku riday.
Dhawaaga digninta ayuu bixiyay, hadimada ku soo
wajahan iyo halista ku hareeraysan ayaa uu u sheegay.
Dad galbiyadoodu waa hore qafilmeen iyo marinno xanniban ayuu rabaa in uu tisa mariyo. Nasri way garawsatay firinbiga uu gacaliyaheedu sare u yeedhiyay.
Dabinnada aasan ee gabilka in ay kala daadiyaan ayey la qaadatay. Maadaama waxani ku cusub vihin, waxa ay waraysi ugu tagtay dad kale. Qof kasta oo ay la kulantaa waxa uu u soo jeediyaa in ay iskaga hadho xidhiidhkeeda.
Sheekooyin hore oo fashilmay xalna laga gaadhi waayey ayaa la soo hor dhigay, dheg se jalaq uma ay sin. Waxa ay nafteeda ku qancisay in uu jacaylku yahay awood aan la waabin karin.
Hees ayaa hayd:
“Dad baa jira waalanoo
Hadday wax is raba arkaan
Walaalaha kala dilee
Wed iyo calaf waxaan ahayn
Jacaylkeennaa ka wayn!”
Marki ay gacaliyaheeda la wadaagtay sidi ay dadku uga falceliyeen jacaylkooda, waxa uu bilaabay in uu niyadda u
dhiso. Erayo dhirrigelin iyo dhinac-istaag u badan ayuu
ku akhriyey-ilaa ay ka mabsuudday sida uu ugu heellan
yahay iyo dadaalka uu wado, markaas baa ay taageero

laxaad leh u muujisay. Kalsooni aan shaki iyo shubahaad lahayn bay iskula shawreen. Hirdanka iyo harraatida ku soo food leh ayaa la isla faaqiday. Nasra, waxa ay soo jeedisay in, maadaama ay xaajadu sidaa u culus tahay, ay kaadsimo ku daraan oo aanay ku degdegin. In muddo jacaylka la sii wada haaneedo oo aan carcarta hore lagu kicin, ayuu isna la qaatay.
Kulammad iyo dhambaaladit is barkanaa ayey halki
ka si wadeen. Baqashadi ay ka qabeen mustaqbalka ayaa jacaylkooda quimo u yeeshay. Barroosinka ayey aasteen, markaas bay noqdeen ul iyo dirkeed. Intaa ay wada socdaan wareer iyo wadeeco midna ma ay qabin, balse war waxa uu joogaa marka ay sheekadooda shaaca ka qaadaan. Cabsiyi kama madhna, in ay badheedhaanna way ka go’an tahay. Arrintoodu waxa ay maraysaa xaggii heestii:
“Dhuxul dambas huursan
Car, wir, ku dhac!”
Balaayada iyo bixisada ka horraysa ayaa kayrkayrka
badday, balse jacaylkooda oo dardaaran qaba ayaa raba in uu oodda jabiyo. Naasir oo fikirka in ay is biimeeyaan lahaa ayaa hadda raba in uu Nasta baro ehelkiisa. Inta aanu hooyadi iyo iyada is tusin waxa uu doonayaa bal in uu horta walaashii oo ka wayn reerna leh baro.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda