waxaa wax ay isku biirsan ama isku dari awoododa cilmi, caqli iyo cadud si
ay ganacsiga heer fiican u gaarsiiyan.
Qeyb kamida saameyntiisa dhanka taban(waxyeelo) ganacsiga waxa
yaalaha ugu badan ee uu dhibta uu leeyahay hadii wadankeena laga eego
waa is faham waaga iyo khilaafta joogtada ee soo kala dhex gala xubnaha
ku midoobay ganacsiga iyago markii hore aan la qorin heshiis dhexyaal u ah
ama nootayo sharci oo dib loogu laabto si loo xaliyo khilaafka.
Badana waxa dhacda in ganacsi dhowr hantiile lagu saleeyo aqoon sida labo
asxaab ah ama rafiiq kuwo ehel ah midaa way wacan tahay balse markay
runta timaado oo ganacsiga soo wajaho xaalad adag waxa dhalanaya khilaaf
iyo in afkaartii lagu kala duwanaado, hadaba sida khalaafka loo xaliyo waa
in lasameeyo warqad sharci oo koobaysa dhaman heshiisyada ay wada
galaan xubnaha wadaaga ganacsiga.
sidoo kale ganacsiga waxyaabaha soo wajihi kara waxa kamida hadii dadkii
kuwada jiray qeyb ama mid kamida tii xaq ahayd utimaaado oo ugeeriyoodo
waxa dhici karta in ganacsiga joogsado ama qeybtiisa ay qaatan ehelka
qofkaa, sidoo kale hadii qofka wuu dhimir ahaan u dhaqaaqo(waalida) waxa
Iyana sababaysa in ganacsiga qeybtiisa la wareegan ehelkiisa ama ay kala
baxaan shurkaashada.
Hadaba ganacsiga dhowr hantiile hadii aynu kasoo hadalnay qeyb kamida
faaidooyinkiisa iyo waxyeeladiisa waxa wanaagsan dadka raba in ayku
midooban in samayeen ganacsi ka dhexeeya in ay sii odorasaan xaalado
badan oo gadaal kasoo bixi karaa faaido iyo khasaaro hadii uu ganacsigu
galo ay cadahay sida loo qeybsan karo, habka go,aan qaadashada ,hadii
xubin kale lagu soo darayo ganacsiga habka loo marayo iyo heshiisyo kale
oo badan oo laabahan yahay in loo qoro si loo yareeyo khilaafadka
maahmaah baa ahayd( wixii qoran baa quruumo ka hara) iyo (wixi indhihu
arkayaan buu afkuna gooya) hadiii heshiis qornayn qofkasta wuxu rabo buu
ku andacoon oo kudoodaya
Ganacsi madax banaan (shuraako) ganacsigani wuxuu leeyahay qaab kala
saaraya hantiilayaasha iyo shirkada. Shirkada, sharci ahaan, waxaa loo
tixgelinayaa sida qof nool oo kale oo ka madax banaan hantiilayaasha. Hadii
ay shirkadaasi gasho wax denbi ah, sharci ahaan lama xukumayo
shakhsiyaadka leh ganacsiga, balse waxaa la xukumayaa shirkada lafteeda.
Saamileydu waxay doortaan maadax maamul [Board of Directors], iyaga
ayaa shaqada socodsiiya, saamileyaashu waxay ka xisaabtamaan uun
faaidada keliya iyo bedelida madaxda maamulka hadii loo baahdo. Guud
ahaan sadexdaa qaab baa ugu caansan ee ay shirkaduhu uga jiraan
aduunka. Waxaa jira noocyo kale, sida ganacsiga deyntiisu ka xadidantahay
hantiilaha, oo hadii shirkadaas deyn lagu yeesho waxaa looo raacayaa
shirkada hantideeda oo keliya, hadii guud ahaan hantida shirkadaasi ay iska
bixin kari weydo deyntaas, hantida kale ee hantiilaha looma raacayo.
Ganacsigan waxa afqalaad ee lagu yiraada [corporation] waana sida ay ku
dhigtaan ardayda jamacadaha ama macadyada lagu barto ganacsiga dhigta
ganacsiga tiro ahaan kuma badna wadamada Africa waayo samayntiisa baa
wakhti iyo miisaaniyad aad ubadan ubaahan sidoo kale ganacsiga waxa laga
yagleeela degaan amnigiisa iyo shacabka degaanka laysku haleyn karo
waayo khasaarihiisa waa mid aan si fudud loga soo kaban Karin waxa laga
yaaba qofku ama koox in ayku darsaadan xadi lacag ay wakhti badan
aruurinayeen hadii khasaaro yimaado ama uu kaco niyad jab balaaran bayku
keenaysa shacabka kuxirnaa iyo dowlada.
Qoraa: Faarax ahmed abdi
