Qabanqaabadii ayuu hore ka galay. Labadii gabdhood
ayuu kulansiiyay. Kaftan iyo sheeko isbarasho ku gotonta ayaa la is dhaafsaday. Maryan oo Naasir walaashii ahi wax badan ma oga. In walaalkeed mustaqbal dhisanayo ayaa farxad ugu filan. Furfurnaanta iyo dabciwanaagga
gacalisadisa ayey ka mabsuudday. Waxa ay hoosta ka Icedahay: “Taahow, walaalkay riyadiisii wuu helay ee u rumee!” Intii kulanku socdayna dhowr jeer bay ku tidhi:
“Naasirow, haddi in uun ruux nasab yahay qoftan baa ah ce xafido walaal, aniga aad bay ii cajabisay ee Alle calaf ha kaaga dhigo. In wanaagga gabadha lala arko ayuu dan moodayaa si aan hadhow loola anfariirin marka la ogaado cidda ay tahay. Balse maxay taasi kuugu taallaa, walaashii oo uu is lahaa way ku fahmi ayaa ku gacansaydhaye.
Markii is araggii dhammaaday ayey walaashii soo wacday iyada oo ku leh:
“Waaryee Naasir, inantii wacnayd, qabilkoodi
imaad sheegine, horta yay ahayd?” Suashaasi cabbaar bay aamusiisay. Imika uun buu galay imtixaan sida uu
uga baxaa ay adag tahay. “Waar dee noo sheeg, maxaa ku aamusiyey!” ayey ku celisay. Naasir oo aad mooddo in shoog haystay ayaa hal mar isla booday oo yidhi:
“Oo horta, walaal, miyaanan kuu sheegin qabilkeeda?”
“Xaggee baad iga sheegtay, ma inakaa isla gaadhnayba!” ayay ku tidhi. Inta uu awood is geliyay ayuu warkiisa dhayda ka caddeeyay. Xilli la gabbado ma joogo ee waa kaa orod kaga baxay su’aashii juirada la fuushay. Markii
ay ogaatay qabilkeeda ayey sidan tidhi: “Walaal, malaha hadalkaa i dhinac maraye, reerkaasi miyaanay ahayn kuwii halkaa degi jiray ee aynaan kala guursan jirin?” Inta uu hadalkaasi dhibay ayuu si kulul uga falceliyey: “Yaa
waxaa kugu akhriyey, miyaanad ogayn in ay yihiin dad Soomaliyeed oo aynu sinji iyo sawracba wadaagno?”
“Alla, walaal, meel daran Alle kuma mariyo ee halkaa ka joog, wax fiican laguma sheegayne!”
“Oo reerku, walaal, maxay gabaan?”
“Isku dad ma nihin, ismana guursanno ee ha ku qatalmin”
Markii ay hadalka isku taagtaagn ee uu arkay in aanu waxba marsin karin ayuu cadhadii tilifoonka ku jaray.
Nasra oo sugaysay ayuu wacay waxba se uma sheegin.
Dhow jeer oo ay wax ka waydiisay kulankii iyada iyo
walaashii in uu faallo ka bixiyo wuu ka gaws’adaygay.
Si guud oo aan u cuntamin ayuu uga warbixiyey. Iyana ma quusato ee waxa ay ku tidhaahdaa: “Gacaliye, walaashaa arrinkeennii ma soo dhawaysay mise way ku gacansaydhay?” War sugan ma siiyo mana aamuso; kolba gebi buu isku qaadaa. Durba waxa aad mooddaa in uu is dhiibay, gantaalki ugu horreeyay ayaa kaga gariiriyey.
Habeenkaas qof madfac gabsaday oo gamuunyoonaya
iyo qof wax quuddaraynaya ayey kala ahaayeen.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
