SAAXIBKA XUN

Saaxiibka xun waa cadawga koowaad ee kuu diddan inaad horumar gaadhid
waxaana uu kugu saameeyaa si dhib yar dhaqamada xun xun uu leeyahay sida
cabida sigaarka, khamriga, cunida jaadka, cunida doroogada yo wax kasto 0o naftaada mustaqbalkeeda u keenayo dhibaato. saaxiibka xun waa sidda cuf is jiidadka dhulka oo kale. bal ufiirso tusaale han hadaad qalin kor u tuurtid waxaa
dhulka ku soo celinaayo oo u didan inuu kor aado waa cuf isjidadka dhulka sidaas 0o kale saaxiibada xuni wax aay kuu diidayaan inaad gaadhid halkaad hiigsanaysid
waxayna kaa dhigayaan fadhiid aan kor u kicikarin. Hadaad rabto in aad guul gaadho wax aad rabtana ka mira dhaliso waa in aad ka fogaataa saaxiibada xun xun ama iska dayso saaxibtinimadooda. Lana saaxiib dadka wanaagsan ku waas oo leh rajo wanaagsan.
“shimbir shimbirkisuu la duulaa.”
_murti soomaaliyeed
Helida saaxiib wanaagsan waa mid ka mid ah guulaha lagu gaadho halganka nolosha ku dadaal helida saaxiib wanaagsan. Hana la saaxibin qof xun. Si uun noloshaada halis u galin !
Sheeko xikmad leh: Saaxiibtinimo
Bari baa waxaa jiri jiray labo wiil oo saaxiibo ah, oo la kala yidhaahdo cali iyo xasan maalin maalmaha ka mid ah waxay tageen duurka ballantoodu waxay ahayd inayna kala cararin hadii uu midkood arko bahal. xoogaa markay socdeen ayaa wuxu xasan arkay shabeel. markaasuu intuu cararay ayuu geed dushii koray. cali markii uu shabeelkii arkay ayuu intuu dhulka seexday, iska dhigay qof mayd ah shabeelkii intuu cali uriyay ayuu iskaga tagay. xasan markuu arkay inuu shabeelkii

tagay ayuu u yimid cali, markaa suu ku yidhi, “saaxiibow, in uu shabeelku dhegta wax kuugu sheegaayay ayaan arkee, muxuu kuugu sheegay?” Cali intuu dhulka ka
soo is taagay ayuu ugu jawaabay, “wuxuu igu yidhi, saaxiibadaada duurka kaaga
caraaraya ha la saaxiibin. saaxibtinimadaadan ma doonaayo ee iga fogaaw.”

Buuga: Baadigoobka Guusha

Qoraa: Yahye Y. xasan