Ufadi hore ee qabilku waxa ay durba siigada ku kicisay
Naasir. Dadka fooqa isa saaray ee wax quudhsanayaa waa cidaha uu ka soo jeedo. Hawsha ugu badani isaga ayey u taallaa. Markii dambe ee ay isla xigeen ayuu u sheegay wixii ka qabsaday walaashii. Niyadjabka ka muuqda markii
ay aragtay ayey bilowday in ay albiga u dejiso. Waxa ay u sheegtay in aan weli la is gudagelin, haddii uu sidan u si beerjilcana aanay geedkaa muuqda gaadhi doonin, sidaa
darteed uu guntiga adkaysto. Habeenkaas si walba way ula hadashay— bal in uu helo dhirranaan si aan dadaalkii uu waday u barrigan.
Nasri waxa ay u ahayd kaalin uu shidaalka kaga shubto. Mar kasta 0o arrinkooda darteed jug u soo gaadho xaggeeda ayuu u soo carari jiray, si uu qalbigeeda
xalan iyo erayadeeda xariirta ah ee tusaalaha iyo tilmaanta
xambaarsan ugu xasilo. Waxa ka go’an in ay hawshaa ka midhodhaliso; indho libiqsadaa kuma yaallaan.
Agoonta ay baratay oo caafimaad ahayd ayaa bartay dhabaradaygga iyo in dulgaad loo lahaado marka
aalado cusubi soo foodyeeshaan. Ka gungaadhka iyo
ishiibis la’aantu waa arrin ay ka ballameen, kuna wada socdaan. Maadaamaa uu guurkii surin cidhiidhi ah galay,
wakhtiguna uu ku socdo Nasra, baylah badanina ka taal halkii ay ka timi, waxa ay gacaliyaheeda u sheegtay in ay safar u tabaabushanayso si ay arrimaha ka kala daadsan u soo nidaamsato. Iyaga oo dagaal dhexda ugu jira in ay
socdaal gashaa way la yara fool xumaatay Naasir, balse
markii dambe way ku gancisay. Laba bilood ka dib in ay soo nogonayso ayey kula ballantay. Isagana in uu geeddiga hore u sii wado, socodkana aanu gaabin ilaa inta ay ka soo laabanayso, ayey kula dardaarantay. In uu u duceeyo, soo ngoshadeedana uu dhowro, ayey sidoo kale ka codsatay.
Carriga Ingiriska ayey ka degtay iyada oo aan ahayn qofkii hore ce la yaqaannay. Dadkii soo dhaweeyay ayaa la yaabay isbeddelka ku yimi iyo jidhkeeda gurmay;
misaankeedii ayaa is dhimay, dheeheedina in uu
doorsoomo ayuu u dhowaaday. Waa gabadh jacayl qoto dheer oo dhabannohays wataa uu dheegga ka galay.
Filanwaagi iyo firkanixii ku dhacay ayaa fikirka baday,
jidhkeedina feentay; faanoole se fari kama qodna.
Marka laga reebo walaasheed, qoyskeeda kale xidhiidhkeeda war uma hayaan. Hargeysa iyo sababta ay
muddada badan ugu negaatay ayuu aabbaheed su’aalo badan ka waydiiyay. Xanuunka jacaylka la jaanqaaday ma
ahayn mid gudaheeda ku garsoomaya ee wixii ay haysayba bannaanka ayey soo dhigtay. Dhaawici iyo dhibtii ay soo
martay ayey uga qisootay aabbaheed. Iyada oo ilmaynaysa
ayey u kala dhigdhigtay wixii qabsaday, markaas bay su’aalo
garnaqsi ah ku gantay: “Maxaa sidan la inoogu galayaa; miyaynaan xaq u lahayn in aynu wax jeclaano; dadkan baas xaggee bay inagala qaadeen?” Hadallo quiro wata oo ay ku qeexayso sida aan loo soo dhowayn jacaylkeedii ce
loo quimotiray ayey aabbaheed huwisay. Inta uu ilmadii ka
tiray ayuu laabta geliyay. Waxa uu iska qoomameeyay in
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
