Dhulka, marka cilmiga dhaqaalaha la joogo, waxa lagu qeexaa dhammaan keysada dabiiciga ah ee waddanku leeyahay ee dhulka caadiga ahina ku jiro. Dhulka, haddii si heersare ah looga faa’ ideysto, waxa hubaal ah in la xaqiijin doono koboc dhaqaale oo aad u sarreeya sababta oo ah ka faa’idaysiga dhulka iyo dhammaan khayraadka dabiiciga ah
ee ku jira waxa ka dhalanaya inay balaadhato baaxadda waxsoosaar ee dalku (Production capacity).
Tusaale ahaan, waddanka Sacuudigu wuxuu kamid yahay waddamada shidaalka qanniga ku ah. Haddii aanu Sacuudigu shidaalka dhulkiisa ku jira la soo bixi lahayn, waxa la qiyaasi karaa inuu maanta kamid noqon lahaa dalalka adduunka ugu saboolsan. Haddii la doonayo in koboc dhaqaale oo fiican la gaadho, nolosha muwaadininta dal gaar ah ku noolna la tayeeyo, waa in sida ugu macquulsan looga faa’idaystaa dhulka iyo khayraadka
tirada badan ee ku duugan. Waxase baraarujin mudan, inaan keysada abuurta ah, sida shidaalka iyo xoolaha nool, la isku hallayn balse la xoojiyo oo la kobicyo ilaha dhaqaaleed ee beddelka u noqon kara keysada dabiiciga ah sida warshadaha. Dhibaatada ugu weyn ee iminka waddamada Khalijka ku soo fool leh waa in shidaalkii dhaqaalahoodu ku tiirsanaa gabaabsi ku dhow yahay muddo aan sidaa u sii fogeynna gudhi doono. Marka waxa haatan waddamadaa la gudboon inay ka fekeraan wixii shidaalka dhaqaalahooda laf dhabarta u ah beddelka u noqon lahaa ee aanay sugin inta nimcadan ay sida fudud ku heleen ka dhammaanayso.
Keysada laah-sameeyga ah sida shidaalka, saliidda iyo macdanta kala duwan waxaan qabaa inay tahay deeq iyo haddiyad Eebbe ugu talagalay bini’aadanka uu u xil saaray
inay khalifo iyo danjirayaal ka noqdaan arlada. Deeqdaas Eebbe dadka badda iyo berriga u geliyey, dadka qaarkood way garteen ka bacdina way ka faa’idaysteen. Kuwo kalena iyada oo haddiyaddii Ilaahay ku hareeraysan tahay ayay haddana gaajo u dhimanayaan!
Sidaasi darteed, shakhsi ahaan, labadaa qolo waa ay ii kala duwan yihiin 0o kuwo haddiyaddii Eebbe intay garteen ayay sidii ay ahayd uga faa’idaysteen, nolol tayo lehna abuurteen. Kuwa kalena, aqoon darro iyo doqoniimo waxay ka tahayba, haddiyaddi Eebbe u fidiyey waa ay ka sooman yihiin, weliba soon bilaa ajar ah haddaanu danbiba noqon! Soomaaliduna, nasiib darro, waxay ku jiraan liiska kooxda danbe!
Soomaalidu waa dad tiro ahaan yar balse deggan dhul baaxad weyn oo aad u balaadhan.
Badda Qaaradda madoow ee Afrika ugu dheerna waxa nasiib u helay oo ay ku dherarantahay dhulka Soomaalidu degto. Kol kalena, dhulka iyo badda Soomaaliyeed waxa buux dhaafiyey khayraad aad u tiro badan oo aan qiyaas lahayn. Sidaasi oo ay
tahay, dadka Soomaalidu waa ka af-xidhan yihiin khayraadka dhulkooda yo baddoodaba
ceegaaga. Warkoo kooban, Soomaalidu waa dad sabool ah balse dhulkoodu qani yahay.
Si kale haddii loo dhahona, Soomaalidu waa dad dhulkoodu wada qaniimad yahay balse iyagu ka qatan.
Nimcadii Eebbe geliyey dhulka Soomaalida, markii ay iyagu iska dideen inay la soo baxaan, ayaa shisheeyihii u soo qalab qaatay. Maraakiib shisheeye oo waaweyn ayaa
baddii Soomaaliyeed maalin cad galay, wixii kalluun ahaa ee ku jireyna boobay!
Ogobeey haddiba ay boobka keysada badda ku jirta qudhiyaata ku koobnaan lahaayeen
wayba roonaan lahayde, waddamada qaar ayaa baddii Soomaaliyeed ka dhigay meel sunta Nukliycerka lagu daadiyo! Baddii Soomaaliyeed ee dadkeedu dayacay, ugu danbayntii waxay isku beddeshey goob si badheedh ah waxa khayraad ku jira loo boobo, kuddaafad qashinka iyo sunta lagu daadiyo iyo qayb sheekadii caanka ahayd ee “Ku
qabso ku qadi mayside” waddamada qaarkood ku tijaabiyaan (Sida Kiiniya 0o iminka qayb kamid ah badda Soomaaliya sheegatay). Sidaas oo ay tahayna, weli keysadii ku jirtey fari kama qodna.
W/Q: Ilyaas Maxamed Xuseen
