aanu inantiisa uga sheekayn dabinnada garsoon iyo kuwa muugda ce qolada uu Naasir ka soo jeedaa u maleegeen
reerkooda, mar kastana la damacsan yihim. “Haddüi aan u sheegi lahaa sow kama feejignaateen!” ayuu ku calaacalay.
Markii ay oohin dhammaysatay ayuu hortisa s00 fadhisiyey. In ay sheekada u soo bilowdo si uu xaajada
gunteeda u ogaado ayuu ka codsaday.
Sida ay sheekada u waddo ayuu kolba ka dhex gala oo suaal waydiiyaa. Waayo adag iyo wadeecooyin badan ayuu
u soo joogay… Jacaylka inanta ku qufulan ayuu rabaa in uu qardhaas uga tolo balse hore ayaa loo yidhi, “wadaad dhir sitana kaama dhufto, dhakhtarna kaama dhayo”.
Markuu xaajadi bogtay waxa uu bilaabay in uu waaniyo
isaga oo doonaya in uu ka weeciyo wadiiqada ay haysatay.
“Inantaydiiyey, arrintaada aad baan uga damqaday, mid baan se ku odhanayaa: dariga aad haysato hore ayaa loogu jabay ee hawshaa iskaga hadh, dhib mooyee dheef ka heli mayside. Wilka aad la socotana u sheeg in aydun kala haab joogtaan, sida aad gorshahinna u hirgalisaan way adkaanaysaa. Markaa, aabbo, waxa aan kugula talinayaa in aad dib uga fadhiisato”
Isaga oo waanadi iyo ka digitaankii dhexda kaga
jira ayaa tilifoonkeeda oo ag yaallay uu soo dhacay, mise waaba Naasir! Inta ay la boodday ayey dibadda ula carartay. Sida ay ugu xiistay ce ay araggiisa ugu hilowday
ayey ka hor gaysay. Xiisaha magnaanshiyaheedu ku ladhay
ayaa isagana ku cartamay, waa la isla besbeelay; jacayl ay xigsanayeen ayaa xoorkiisii hawada lagu dhamay.
Odaygii qolka ay kaga timidba way illowday, gufaacooyinka cishqiga ayaa ku cartamay, sheekadi iyada
iyo aabbaheed qabyada u ahayd waa laga masaxay. Mar
dambe ayey soo hambaabbirtay oo xaggii aabaheed u
soo kacday. Odaygu se golkii ay kaga tagtay waa uu ka
baxay. Waanooyinki uu waday in laga awood batay ayuu dareemay, markaas buu iska hurdo doontay.
Subaxdii mar ay is arkeen ayuu ku yidhi: “Aabbo, wax wayn baa kugu furan ee bal i warran”. Waanadii xalay iyo sida aanay u weelayn ee ay uga biyodidday ayey uga
warrantay. Jacaylka in ay la si jalbeebato mooyee in aan jooji qorshaha ugu jirin ayey si cad ugu carrabbaabtay.
Aabbaheed markii uu arkay sida ay ugu ad’adag tahay ce aan looga furfuri karin, ayuu iska dhaafay. Isaga oo aan ka raalli ahayn ayuu damaceedii dareenka jacayl ku salaysnaa
faraha uga qaaday.
Maadaama ay aabbaheed arrinkaa isku fahmi waayeen waxa ay garowshiyo ka heshay hooyadeed. Hawlihii ku oognaa ayey hareerta la gabatay iyada oo kula dardaarantay in ay taxaddirto oo aanay aad u taraarixin.
Wax la tiriyey taag ma laha e, labadi bilood ee ay absatay waa ay dhammaadeen; shaqadii way fasaxday;
waddanki bay u xadhkoxidhatay. Geedi bay u guuraysaa
jacaylku la gaar yahay. Walaalladeed iyo intii arrinkeeda la ogayd ayaa soo tabantaabiyey, duco badanna u soo kishay. Cidhib barako leh ayey ku soo dhufatay.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
