Fahamka Macnaha Nolosha

Fahamka Macnaha Nolosha
Laakiin aan idin weydiiyee, ninka badaha isku maqüiqo, ee ka booda, ee naftu kaga baxdo, iyo kan ka tallaabaa/gudba ee yurub
gaaro, ma dhahnaa kan Yurub gaaray waa guuleystay, kan kalena wuu dhintay. Sidaas sax ma tahay? Yurub in laga gaaraa wax nafta loo huro miyeey tahay? Noloshaada iyo waxaad u nooleeyd
miyeey tahay, oo haddit la waayo wax loo dhinto miyeey tahay. Walaalayaal, dadka intiisa badan waxaa ka qaldan, markii la garan waayey wixii loo noolaa, ayaa ninba bad cidla ah ku geeriyooday iyo meel cidlo ah.
Qofba siduu meel u ordaayay, mid isago xoolo raadinaya ayey ka baday, mid isagoo dad leynayeey ka baxday. Qolyahaan
dagaallama, reerka markuu u dagaallamayo, wuxuu u heystaa

haddeey reerka kale dad ka laayaan in uu guuleystay. Iyagoo faraxsan bay soo nogonayaan. Maxaad gabatay haddii la dhahana waxay leeyihiin, waa jabinnay reer hebel. Xabbadi kama seyrin.
Reer hebel haddi aakhiro loo diro miyaa la guuleeystay?
Dadku waxay garan waayeen wixii loo noolaa. Hadafkii nolosha ayey garan waayeen. Waxaa loo noolyahaa la garan waayey, waxa wax loo baranayaa la garan waayey, waxa loo guursanayaa la garan waayey, waxa loo joogaa la garan waayey. Waxoo dhami haddeey Ilaahey dartii yihiin, oo Ilaahey agtiisa wax ina
gaarsiinaya yihiin, waa libaanaydii ahlu-kheerka sheegayey ayey
noqon lahayd.
Saxaabigii waranka la galiyay ee geeriyooday, intuu dhaawaca
ahaa wuuu yiri, “waan libaanay Rabbiga Kacbada leh baan ku
dhaartay”. Waana la dilay. Waliba dil dhagar ah ayaa la dilay.
Kawarran haddii niman kuu yimaadaan, oo wax kuu sheegaan.
Adiguna aad naseexadooda ka talinaysay, oo markaad u timid, mid intuu kaa daba imaado waran gadaal kaa galiyo. Maxaad oran lahayd?
Tollaayey nimanku way i qiyaameyeen, lakiin saxaabigani
wuuu u arkayey in uu helay nolosha wixii uu raadinayey 0o

shahaado ah. Ma aysan u muugan dhagarta nimankaan iyo waxa ay ku sameeyeen, ee waxaa u muuqday halka uu u socday. Wuxuu
u arkaayey in ay u soo gaabiyeen dariiqii jannada loogu socday.
Saas daraaddeed ayuu yiri waan libaaney Rabiga kacbada leh baan ku dhaartaye.

Qore: Cali Xuseen Aadan (Calisalaad)