Wehel Jacayl| Q-25aad Adegto

Hargeysa ayey soo cagodhigatay iyada 0o kalsooni
badan gabta. Qofka ubaxyada guduudan sida ce garoonka
diyaaradda kaga hor tagay waa gacaliyaheeda. Salaan kalgacal oo sadriga ka soo go’day ayey isku sooryeeyeen.
Maadama ay safar ka soo gashay, waxa la ballamay habeenka xiga in la isku yimaaddo. Kala maqnaanshihi waxa uu labadooda geliyay awood dheeraad ah.
Goor dambe oo fidkii ah ayey baradii ay ku ballameen isku arkeen. Intii ay kala durugsanaayeen wixi is beddelay iyo sida ay gudagalka iyo ka midhodhalinta qorshahooda
isugu bahaysan lahaayeen, horena uga sii dhaqaaqi
lahaayeen halka ay joogaan, ayaa la isla jeexjeexay qurub qurubna loo kala dhigay. Qiyaastii waxa ay rabaan in inta ay gacanta is qabsadaan iyaga oo quwad wada jirta ah ay qasab ku jüdhaan cid kasta oo alad iyo qardoofo kala
hor timaadda.
Naasir 0o intii ay gacalisadisu maqnayd aan taayir
rogin, ayaa imika waysada u biyaystay sidit uu guul la taaban karo u gaadhi lahaa. Will ay saaxibbo yihin 0o
arrintiisa bilowgeedii wax ka ogaa ayuu micin biday.
Garababasho iyo isdhinactaag buu ka dalbaday. Baaqü
qayladhaanta kuma qasaarin ce saaxibkii gacmo furan
buu ku soo dhaweeyay. Hadda waxa uu helay garab, qof la fahmaya oo ficil iyo fikirba ku taageeri kara ayuu haystaa.

Hees baa ahayd:
“Saaxibka naftaada kula sida iyo
Miyaa la simaa ruux socoto ah?”
Shada hawlgalkooda waxa ay ka bilaabeen odayga
dhalay Naasir. Wakhtigi shaacinta maadaama 0o la gaadhay, hawsha hote ayey ka galeen. Iyaga 0o wada socda ayey toos u abbaareen aabihii. Maqaaxi uu galabtii
qaxwaha ka cabbo ayuu fadhiyaa. Odayaal wada gadhcas
ah buu dhexda ugu jiraa oo sheekadu isugu laba dhacaysaa.
Meel aan ka fogayn ayey soo istaageen. Foosto biyo ah oo meesha u dhawayd ayey isku gudbeen; in ay halkaa ka qooraansadaan, marka uu soo kaco ee uu carraabo damcana ay dheegga dheegga u saaraan, sidaana warka ay sidaaan biyodhiciisa ugu tebiyaan, ayey damacsan yihiin.
Wax ay dhowraanba, markuu soo kici waayey ayaa Naasir oo aad mooddo in uu dulgaadkii ka dhammaaday oo
kardhanaya odayadii isa soo dhex taagay. Inta uu xagga aabbihii u soo kacay ayuu ku yidhi: “Aabo, arrin baan kaaga baahanahay ee soo yara kac”. Odaygi oo yaabban
ayaa fadhiga ka kacay. Halkii uu saaxibkii joogay ayuu
ku hoggaamiyey. Markaas bay sheekadi ay qarsanayeen hortisa keeneen. Sida ay uga go’an tahay in gabadhaas loo doono ayuu badheedhihiisa ku caddeeyay. Odaygu
weli wuu amakaagsan yahay, waxba looma reebin. Wax kasta farta ayey ka saareen. Qabilka Nasra iyo qaabka
ay sheekadu ku bilaabantayba way isu raaciyeen, markaas baa uu ku margeday oo liqi kari waayey. Odaygii hal eray

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda