- INUU HADAFKA WAYNI KAA LUMO:
Qofku markuu muslim noqdo janno waa gool ama hadaf uu raadicaynayo laakiin nolosheenu waxay leedahay ahdaaf yar-yar oo
kasokaysa hadafkaas waynwaxaa loobaahanyahay ahdaaftan yar-yar
ee soke inay ukhidmayso hadafka wayn yacni wax kasta 0o hadafkaaga kaa weecinaya waa inay yihiin waxaanan macno badan
agtaada kasamaynayn haday hadafyadaas yar-yari kaa
mashquuliyaan oo kaa weeciyaan hadafka wayn waxay lamid tahay inaad ku qasaadhay imtixaankii aakhiro waana wax noloshaada uxun. - Hadafka wayni waxyaabahan soke oo dhan ma ahan waxay ceeryaamo ama caad kaa galinkaraan hadaadan adigu markaaga hore ilaashan sidaa la’aadigeed muxuu yahay hadafkaasi, hadafkaasi waa
- hadafka waynee aakhiro haduu kaasi kaa lumana waxay lamid tahay waad qasaartay idan waxay kamidtahay waxyaabaha ugu waynee
- nafta xumeeya walibana uxun inuu hadafkaaga sada ah kaa lumo
- hadaba ilaasho hadafka iyo danta aad utimid dunidan sidoo kale maxaa kamida hadafka wayn waxaa kamida.
- Aakhiradaada inaadan isa seejin
- Salaadaada inaadan seegin
- Sadaqada inaadan seegin
- Shiqi inaadan noqon yacni caasi waalid iyo caasi rabbi.
- INAAD GARAN WAYDO WAXAAD KU FIICANTAHAY IYO
WAXAAD KU XUNTAHAY
Qofku inuu iska noolaado uun iska seedo uun, iska baashaalo uun
naftiisa uma fiena sidoo kale qofku inuusan aqoon wuuu ku
wacanyahay oo xirfad u ah iyo wuuu ku wacnaynba oo aan xirfad u
ahayn way wanaagsantahay inaad naftaada ka ogaato waxay jeceshahay inay noqoto iyo waxay necebtahayba hadi kale waxaad
noqon qof lasito oo dadka kale afkaartooda ku shaqeeya tusaale
ahaan hadaad tahay arday dhigta dugsisare oo aadan kala aqoonba naftaadu kay jeceshay iyo kay xirfada uleedayba Arts iyo science deetana ay asaabtaadu ku yidhaahdaan hebaloow ama heblaayooy
arts baynun aadnee ina hor qabo deetana aad tiri waa yahay adigoona ka fikirin waxad rabto iyo waxadna rabinba sidoo kale aadan aqoonba - labadaas maado kaad ku fiicantahay deetana aad dadkaas artska aaday aad daba gasho dabadeedna aad tiraahdo anigu hamigaygu arts ma ahayn waa gooraad dhex bartanka taagantahay sidoo kale aad aragtay inaadan arts ku fiicnayn deetana aad ku feel garawda maadadiiba hadaba maxaa usababa waxaa usababa feel garawgaas markaagii hore ayaaba aadan aqoon waxaad ku ficnayd iyo waxaad
- ku xumayd dabadeed meel walba waa loss-garoowin adoonan ogayn una qaba inay naftaadu liidato maya ma liidatid ee waxaadan aqoon waxaad ku ficantahay iyo waxaad ku xuntahay ma jiro qof damiin ah
- ee waxaa jira qofaan aqoon halkuu ku fiicanyahy deetana waxaa soo
- shaac baxaya intaad ku xumayd adigoona aqoon intaad ku füicnayd al-
- muhim goow arimaha aad kuflicantahay si aad uguulaysato naftaada
- qiimee oo qadarin ku samee si aad u ogaato waxa kuu xun iyo waxa
- kuu fiican ee aadan noqon qofkaasoo kale ee ku shaqeeya dadka
- afkaarahooda naftaada garo si aad adigu fikirkaaga ugu socoto amaba fikirkaaga loogu socdo.
- INAADAN QIIMO UYEELIN WAQTIGAAGA
Waqtigaaga inaad qiimo uyeelin waxay kamid tahay waxa nafsadaada
halaagaya
o uxun ku xisaabtamida waqtiga ilaalinta
waqtiga,faa’lidada waqtiga,gorfaynta waqtiga, intaba adiga waa kuu
faa’iido, ilaasho waqtigaaga waxaa kuu ilaashamaya noloshaada
waqtigaagu waa noloshaada maalin walba oo tagta waxaa tagaya
cimrigaaga wuuu yidhi caalimkii waynaa ee xasan AL.basari - [Ina aadanoow adigu waxaa tahay maalmo marka ay maalini tagtaba adiga badh kaamida ayaa tagaya].
- Qofka caqliga leh waa kan waqtigiisa si nidaamsan ooga faa’idaysta
- 0o aan waxyaabaha bilaa macnigaa ku beeldarayn ugu dambayn
- waqtigaaga ka faa’idayso.
- Nolosha iyo waqtigu waa labadaada bare ee dunida ugu wanaagsan noloshu waxay ina bartaa adeegga wanaagsan ee waqtiga, waqtiguna
- wuxuu ina baraa qiimaha ay noloshu leedahay sidoo kale waxaa jira
- tuugo aanan cidna ciqaabin cidnana aananxukumin xitaa adigu aadan
- xukuminwaa kuwa waqtigaaga kaa xada”
- Waqtigu wuu daahayaa marka aad sugayso, wuu dag-dagayaa marka aad baqaysid, wuu dheeryahay marka aad murugaysantahay.
- Wuu gaabanyahay marka aad faraxsantahay, ma dhamaanayo marka aad xanuunsantahay, waa dilaa marka aad jaanis haysato, wuu joogsanayaa marka aad jacayl ku jirtid.
- Hadaba walaal waqtigan saacad laguma xisaabiyo kaliya wuxuu isla badalayaa garaaca wadnahaaga, caqligaaga iyo xaaladaada nafsiyeed.
- Xusuusnoow waqtigaan wuu dhamaanayaa maalin un kan qadhaadh
- iyo kan macaanba sidaa darteed ooga faa’idayso wax ku anfacaya aakhiradaada iyo adduunyadaada.
- Xusuusta nolosha ayaa idin ka hadhaysa markaad geeriyootaan oo uu
- waqtigiinu dhamaado, insaanku ma geeriyoodo ilaa uu ka helo
- wixiisa (Irsaaqada).
- Ayaamuhuna waxay jarayaan qalbigeena, saacaduhuna waxay
- qorayaan xusuusteena, geeriduna waa ay inoo yeedhaysaa waliba
- yeedhid dhab ah waxayna leedahay “anigu adigaan ku doonayaa
- waxan arkaa inaad adduunyada jeceshahay, adduunyada waxaa
- gooyay dadkii caqliga lahaa badanaa intaad nafihiina khiyaamaysaan
- anigu waan idiin yeedhayaa hadaad I ajiibaysaan waxaana idin kugu
- yeedhayaa inaad nafihiina naar ka bad-baadisaan”
- Waqtigaagu waa waxa ugu mudan ee aad haysato ee ku dadaal cidda mudan inaad siiso.
- Bani’aadamku hantida ugu wayn ee ay haystaan mid walba ku taajira, ku faqiira, ku jaahila, ku caalim ah dhammaantood hantida ay kasimanyihiin ee ay wada haystaan waa watigaa
BUUGA: GARO QIMAHA NAFTAADA”
QOORE: BASHIR CABDI XIRSI “CIIL-TIRE”
