Gabaygan taariikhdiisa oo dhan iyo gabayo kale oo laga tiriyey dagaalkii Dhurwaale halkan ka eeg: Taatiikh iyo Gabayo. Wuxuu yidhi:
- Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo
- Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale
- Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane
- Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane
- Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane
- Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane??
- Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane
- Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye
- Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo
- Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega
- Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto
- Dheeheey waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede
- Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada
- Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya
- Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca
- Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya
- Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka
- Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane
- Dhurwaayahay ha iga siisanina, dhar iyo soor toona
- Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya
- Dhaqaaleeye geeliinnu way, naga dhexeeyaaye
Qab ayaa gabaygan ka muuqda maxaa yeelay mar niman uu horay u dhacay ayuu ku digtay, marna geelooda ayuu ka codsaday inay sii dhaqaaleeyaan inta uu xoog kula soo wareegayo.
Xigasho: Doollo.com
