Wehel Jacayl| Q-26aad Adegto

bay kaga dhegtay. “Qabilka inantu miyaanu ahayn kii
caynkaas ahaa!” Dhegiba jaan bay leekaatay. Sheekada inankisu falkinayaa filanwaa bay ku noqotay. Inta uu
dhaqaaqay a yuu ku yidhi: “Anigu sheekadan gurracan ee aad bannaanka igu istaajisay garan maayee, caawa iyo
guriga ha inoo ahaato”.
Guriga hore ayuu uga didsanaa; uu ma rabin in inta ay qayladu is qabsato ka dibna la isku qabto oo dhinac laga wada maro. In ay aabbihii bannaanka iska helaan ayuu doorbiday balse gurigii uu ka baqanayey ayaa loola
qayshaday.
Nasri sheekada hawada ayey kala socotaa oo tilifoonku kama damo. Dhirrigelinta iyo hadallada dabka ku furaya jacaylkeeda kama kala dhinto ee dhegta ayey ugu riddaa.
Odaygii oo guriga kaga si horreeyay ayuu isaguna soo galay, gaar bay isula baxeen. Sheekadi uu galabta u sheegay ayuu ugu celiyay. In uu gabadhaas rabo oo uu ku ganacsan yahay ayuu mar kale u sheegay. Aabbihii oo ahaa oday mayal adag oo aan dhayal waxa uu ka boodo lagu marsin karin, cadka uu goostana aan laga fujini, waa uu ka soo hor jeestay qorshihiisii. Inta uu cadho cirkaa maray ayuu
si kulul ula hadlay inankisi. Canaan iyo handadaaad ayuu
isugu daray. Naasirna dhinacisa waxa uu la soo taagan yahay: “Anigu inantaas waan rabaa kamana tanaasulayo”.
Murankii isaga iyo odayga u dhexeeyay samada ayuu isku
shareeray. Hadalkii baa ka taagtaagmay, buugoodiina
xaafadda intii joogtay oo dhan baa maqashay.

Hooyadii oo qayladu soo kicisay iyo odaygii oo leh
‘dhiigkarkii baa igu kacay ee kiniin ii keena’ ayaa kulmay.
“Waar inkaari kuguma dhacdee maxaad aabbaha a dhiigga
ugu kicisay?”
ayey hooyadii ku tidhi. Intii kininka loo
soo waday ayaaa lagu sii kordhay. Wadnaha ayaa qaraaca si xawli ah gawda u guray ilaa uu ka miyirdoorsoomay.
Markiba dhakhtar baa loola cararay si loogu fidiyo gargaarka degdega ah. Xanuunkiisa 0o cuslaa awgi
qaybta bukaannada daran ayaa la dhigay. Qof kasta 0o guriga joogay Naasir buu eedda saaray, markaas bay huruuf kaga qaadqaadeen.
Walaashii oo uu hore ugu soo hungoobay balse in ay qariso oo aanay cidna u sheegin ay isku ogaayeen ayaa warkii odaygu gaadhay oo orod ku timi cidbitaalki. In
xanuunka aabbaheed uu isagu sidhinka ku dallacay ayaa
lagu taabtay. Waxa ay markiiba fahantay in wixii uu iyada kala soo quustay uu odayga ula tagay. Iyada oo cadho jiq ah labada gawlalna ka xumbaynayasa ayey xaggi
walaalkeed ka xigay u soo kacday. Umaba kaadin ee waa taa wixii ay u haysabay ku afrogtay: “Waar ma waxaagii
xilka lahaa baad aabBo ula tagtay, miyaanad xishoonayn, maxaad dhiigga ugu kicisay?”
Markii uu arkay sida xaal yahay iyo sida loogu wada jeestay ee loo xagaganayo ayaa uu goostay in uu meesha ka guureeyo oo dhakhtarka agagaaarkiisa ka dheeraado,
saaxibkii oo ka ag dhawaa ayey is raaceen.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda