GO’AAN SOWAXAAD RABTONOLOSHA

koobaade, waxaad go’aansatay inaad ka fogaato faqriga oo aad taajir noqoto, kalabaadna waa inaad caan noqoto.
Qofkasta oo aduunka ku nooli waxa uu leeyahay baahiyo aanu gaadhin.
Dadka qaar ayaa raba inay ku noolaadaan nolol fiican, qaar ayaa raba inay caan noqdaan, halkan qaar kalana rabaan inay taajirin noqdaan.
Inaad ogaato hadafyadaada iyo waxa aad rabto noloshu waa mid aad u fudud, marka aad ogaato waxa aanad rabin nolosha ee jeclaan lahayd inaad badasho. Hadi ay kugu adag tahay inaad noloshaada iyo bilkaaga dabarto, waxaa hubaal ah inad rabto inaad lacag badan hesho oo aad taajir nogoto.


Haddi aad neceb tahay xaqiqda ah inaad tahay qof xishood badan
waxaad rabtaa waxay tahay inaad kalsoonidaada dhisto.
Haddi aad tahay qof badanaa istarees yo war-war badan waxaa dhaba inaad rabto inaad ku noolaato nolol bilaa stress ah.
Dhab Ahaan Ma U Doonaysaa Inaad Ogaato Waxaad Rabto
Nolosha
Mararka qaar dad badan ayaa yidhaa in aanay garanayn waxay dhab ahaan u rabaan nolosha, xaga xaqiiqdu tahay inay khiyaamayaan
nafahooga. Tusaalayaashan soo socdaa waxay ku tusi doonaan dadka
sheegta in aanay garanayn waxay rabaan nolosha iyagoo ku salaynaya sababo kale

Cabsasho : qofka ka cabsanaya inuu hore u qaado talaabo horumar
ah noloshiisu wuuu la yimaado cudurdaaro ah in aanu garanayn wuxuu
rabo nolosha, halka xaqiiqdu tahay in uu isku dayayo inuu qariyo
xaqiiqda ah inuu cabsanayo.
Caajis & Kaantarool la’aan: waxaa jira dad badan oo sheegta in aanay garanayn waxay rabaan nolosha, halka xaqiiqdu tahay inay 100% ka warhayaan waxyaabaha ay ku farxi lahaayeen haddii ay heli lahaayeen noloshooda. Xataa dadkaasi waxay bilaabaan inay ku
dhaqaaqaan ka dhabaynta hadafyadooda iyo waxay rabaan nolosha
balse markay todobaad wadaan ayay joojiyaan iyadooy ugu wacan tahay caajis, nidaam la’aan yo naftoodayna kaantarooli Karin.

Sida loo aamino in riyooyinkaagu suurto gal yihiin
Su’aasha u qalanta 1-ka million ee dollar waxay tahay, siduu qof u aamini karaa riyooyinkiisa?
Waxaa jira laba talaabo oo haddii aad samayso aad si toos ah u aamini doonto in riyooyinkaagu suurto gal yihiin, waxaanay yihiin:
1: Hor istaag muraayad aad iska wada arki karto, intaa kadibna dheh erayo aad ku cadaynayso inay riyooyinkaagu suurto galyihiin oo aad
gaadhi karto, sida: ” siday doonto haw adkaato, siday doontana haw qadhaadhaatee waan gaadhayaa waxaan rabo” ama “siday doontaba ha ahaatee, waan ku guulaysanayaa” ku celceli erayadan marar badan.
Maalin kastana samee. Wax aad u cajiiba sida kalsoonida naftaadu u kordhi doonto markaad naftaada waji ka waji u waajahdo eed si qasab ah ugu sheegto waxaad rabto inaad gaadho. Wakastooy riyadaadu
tahayba, istaag oo isku eeg muraayda horteeda oo qir inaad gaadhayso
waxaad rabto. Waxaad doontaba aad waajahdide.
2: maskadaadu si ay u sii rumaysato inaad gaadhi karto yoolkaaga waa
inaad samaysaa ficil. Tusaale fudud: haddii aad rabto inaad noqoto
heesaa caan ah, qaad talaabooyin dhab ah sida inaad la kulanto dadka ku jira fanka, oo aad fahanto qaabka ay wax u sameeyaan.
Haddi aad maalin kasta saacado u hurto riyadaadaa, islam markaana aad samayso shago kasta oo kaa caawinaysa inaad gaadho riyadaa, maskadaadu waxay bilaabi doontaa inay si aad ah u rumaysato
riyadaada.
Imika haddii aad hesho dad kugu taageera oo kugu dhiirigaliya inaad
sii xoogaysan doonaa.
Saacad walba oo aad kulumiso gaadhida hadafkaaga, maalin walba oo aad ka shaqayso gaadhida riyadaadu, markasta oo aad ku tidhaahdo naftaada inaad gaadhi karto riyooyinkaaga, mar walba oo aad maqasho hadalo kuu sheegaya inaad gaadhi karto yoolkaagu, waxay sii xoojiyaan
inaad aaminto inaad gaadhi karto riyooyinkaaga. Markaad si adag u

Kalsooni la’aan: Dad badan ayaa sheegta cudurdaaro badan iyagoo leh manaqaano waxaan nolosha qabano si ay u qariyaan xaqiiqda ah
inay ka baqanayaan inay tijaabiyaan awoodahooga isla markaana aan ku kalsoonayn naftooda.
Imika waad ogaatay waxaad rabto nolosha
Kuma lihi inay noloshu tahay mid fudud oo aad wakasta ku heli karto isku daygaaga ugu horeeya, ama inaad dhamaan dhibaatooyinkaaga ku
dhamayn karto bil iyo laba bilood gudahood.
Balse waxaan hubaa waxay tahay, haddii aad si adag oo geesinimo leh ugu dagaalanto waxa aad rabto nolosha inaad ugu dambaynta ku guulaysan doonto.
Haddi aad dhab ahaan u doonayso inaad hesho waxaa aad rabto
nolosha u dagaalan.
Aamin inay riyooyinkaagu suurto gal yihiin
Dadka oo dhami waxay leeyihiin hadafyo iyo riyooyin balse, balse inyar
oo kamid ah dadkaa ayaa caydhsada oo daba soda hadafyadooda.
Sababta ugu weyn ee aanay dad badani u cayrsan riyooyinkoodu waa
iyagoon rumaysnayn inay suurtogal yihiin.
Qofka bill’aadanka ah waxay maskadisu dhiirigalisaa oo kaliya marka
uu rumaysan yahay in dadaaladiisu ay midho dhali doonaan oo uu heli doono natiijada uu rabo. Haddii maskaxdaadu aanay hubin in ka
shaqaynta riyooyinkaagu ay natiljo keeni doonaan iyo in kale wax
dhiirigalin ah ku siin mayso.
Tana waa sababta ay aadka ugu muhiimka tahay inaad barato sida loo aamino inay riyooyinkaagu suurtogal yihiin.
Markaad bilawdo inaad aaminto in riyooyinkaagu suurto gal yihiin,
waxaad is arki doontaa adigoo si aan caadi ahayn ugu dhiiri gashan inaad gaadho riyooyinkaaga, taasina waxay sababi doontaa inaad
gaadho

Buuga: Wax ka Batro Channel

Qoora: Cabdirisaq Faarax Cawad