Wehel Jacayl| Q-27aad Adegto

Nasra oo aan dhow saacadood warkiisa helin ayuu sagdii dhexe wacay. Qabtii ku dhacday ayuu la wadaagay.
Cuslayskii hore u saarnaa mid kale ayaa ugu darsamay.
Halganka ay ku jiraan in waxaa wax ka yar aanay ka dheefayn ayey ku calaacaleen, haddana waxa ay qalbiga ku adkaysteen in arrinta ay wadaan ay xaq tahay.
Habeenkaa wakhtiga intisa badan waxa ay ku qaateen soojeed. Keligii ayaa dhex fadhiya guriga, dadkii kale dhakhtarka ayey tuban yihiin 0o ku saamalayleen.
Imtixaankii ugu cuslaa ayaa soo wajahay. Bixisada ku soo
fool yeelatay in ay jid u bixiyaan ma hawl yara. Odayga haddi xanuunka haya uu ka soo doogo, rejo ay ku midoobaan uma muuqato, haddii uu aakhiraystana ugaba
su daran. Dhimashadisa iyaga ayaa sababsan doona, waxa aanay ku noqon doontaa nabar ku yaalla oo aan dhayal ku hadhin. Sheekadooda waxa ay maraysaa laba daran mid dooro. Jahawareerka iyo jidgooyada loo dhigayo
in ay u nuglaadan ama in ay jacaylka ku faro’adaygaan midhodhalksana kawarsugaanayaa uu xaalkoodumarayaa.
Dhiggii kacsanaa ee odaygu cirka ayuu sii galay,
sidii loo dajin lahaa ayaa adkaatay. Miyir doorsoonkii uu habeen hore galay ayaa uu wali ku jiraa. tuunbadii cuntada iyo tii kaadida ka qaadaysayba waa lagu rakibay.
Muddo afar cisho ku siman markii nafta uun laga cegayey, rejada laga qabo in uu soo caafimaadaana ay
meesha ka baxday waxa la isla qaatay in dhakhtarkan laga wareejiyo lana dhigo mid kale.

Cisbitaalkii cusbaa ee la dhigay markii uu saddex
cisho yaallay ayaa uu soo miiraabay, balse waax ka mid ah jidhkiisa ayaa dhaqaaqi joojisay. Xanuunka gallajiyaha
la vidhaahdo ayaa asiibay. Carrabku wuu cuslaaday oo
hadalkiisa lama fahmayo.
Maadaama aan xanuunkani wax ka qabasho lahayn gurigisa ayaa loo qaaday, si dawooyinka kaalmaatiga ah uu ugu qaato looguna baxnaaniyo.
Intii uu dhakhtarka yaallay waxa ay dadkii soo booqanayey is waydinayeen xanuunka odaygu meesha
uu ka bilaabmay. In la yidhaahdo: “Naasir baa ka cadhaysiiyay” way ku filnaan wayday. Erayada uu ku yidhi ee odaygu la duulay ayaa la baadigoobay. Walaashi 0o
sida wax u dhaceen ogayd ayaa is hayn kari wayday, waxa ay is aragtay iyada oo fatahday oo afka furatay, waxna aan qarin. Sheekadii baa siqday oo ku faaftay goobtii, markaas baa guryihina la isku dhaafiyey ilaa qof kasta oo Naasir
garanayey uu maqlay.
Naasir qaraabadiisuuma bogin warkasoo yeedhay. Waxa
la isku dayey in laga wardoono oo wax laga waydiiyo. Wuu ku indhocad yahay doonistiisa, qof kasta 0o u yimaadda
runta ayuu farta ka saaray. Xanuunkii aabbihii ku habsaday
in loogu soo gabban ayuu ka digay. Eedda faraha badan ee loo soo jeedinayana laga daayo, maadaama qaddarta Alle wax ku dhaceen, isaguna aanu shuqul ku lahayn marka laga vimaaddo in uu wixi qalbigiisa ku jiray uu u
sheegay, ee aanu waalid casinnimo iyo jirab kale la iman.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda