Odaygi in uu dhinac dhan judo, socodkuna ku
adkaado, ayuu xanuunkii kaga tagay. Waa se talinayaa oo garashadi kama uu asibin. Dhacdadii laga raacay ayaa
uu niyadda ku hayaa. Marka uu soo xasuustana waa lagu kacaa, markaas buu inta uu xanaaq is cuncuno meel fog iska taaga Naasir iyo qorshihiisa.
Galab isaga oo kursi ku fadiya ayaa uu u yeedhay inankiisa. Waxa kuu vidhi: “Waar i dhegayso, wiilow, anigu jirrada igu dhacday kugu eedayn maayo, qaddarta Alle
ayey wax kastaaba ku dhaceen, balse haddaad sheekadi igu soo celiso geeri baan ka xigaa ee sidaa ula soco”.
Uma jawaabin ee inta uu sujuudda ka dhunkaday ayuu ku yidhi:”Insha Allah, arrimuhu khayr bay nogon, adiguna waad caafimaadi, idamka Alle”. Waxa uu ka bagay haddi uu la si doodo in looga si daro oo dhiiggu inta uu bogol dhaafo dhimasho uu ku dhawaado; isagana eed tii hore
ka culus loo soo jeediyo ka dibna la dayriyo, salaantana laga qaadi waayo.
Markii u meel uu u cirsado iyo gof uu garabka
saaro ka waayey qoyskiisa ayaa Alle jid u bidhbidhiyey.
Eeddadi oo qurbaha ku maqnayd ayaa timi. Markii warkiisu gaadhayba way u yeedhay si ay u xaquijiso qaabka
ay wax u jiraan. Garab’istaag iyo talo waayeelnimo in ay ku taageerto ayey diyaar ula tahay. Sida dadka kale ma aha qof ay reernimadu ku wayn yahay. Qoloqolada iyo gabiilquudhsiga waxa ay ka jeceshaahay oo ay ku
dhaadata in ay hesho garan dadkisu u siman vihiin,
xuquuq isku mid ahna ay leeyihiin, shacabkiisuna wax is
qoonsada aanu lahayn.
Markii uu u tagayba waji farxad leh ayey ku soo dhawaysay. Warki uu silyey iyo noloshi adkayd ee uu soo
maray ayaa ku dhibcay. Waxay ay la tacajabtay sida uu ugu dhiirran yahay doonistiisa ce aanu cidna uga gabbanayn.
Waxa ay ku tidhi: “Waxa aan is lahaa inanka aad eeddada u tahay sidan oo dhan uma xininyo cadda, imika ayaan se xaqiiqsaday in aad tahay nin hal adag oo tisa ku meelmari kara, hawsha aad ku dhex jirtaa ma hawl yara balse garabkaaga iga eeg”.
Waxa kale oo ay u sheegtay in ay iyadu aabbihii kaga filnaanayso. Naasir aad buu ugu bogay laabqaboojiska uu
ceddadi ka helay iyo gacanta chelnimo ce ay u soo fidisay
isaga 0o ugu mahadceliyay: “Eeddo, runtii aad baan uga helay sida kalfurnaanta iyo kalsoonidu ku dheehan yihiin
ee aad wax ila fahantay, in aan kaalin galo 0o aan wax kororsdana aad u jeceshahay”.
Eeddadii maadaama ay ku tidhi anigaa aabbo la hadlaya
waa uu ka cudurdaartay, waxa uu u sheegay in aanay ku degdegin odayga; weli waxa ku jirta baqashadii hore iyo
dhibkii la soo darsay. Balse eddadi codsigüsii gaashaanka
ayey u daruurtay: “Eeddo, aniga ayaa kaaga aqoon badan walaalkay oo la soo koray; i daaa adigu anigaa la gudhinayee. Haddi aad gabadh gayaankaaga ah calmatay ma khalad baa ku jira, muxuu la gebidhaclaynayaa!
Dhaganka qabiilna yidhi idinkaa dadka ugu sarreeya’
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
