Sugaantana maxamed siciid bk waxa uu ku idhi
hees uu lahaa “talaabo dagdag aan u qaaday sidaan ugu turun turooday tusaale hay ahaato” waxay ku tusinaysaa wedhaasi in ay qoomamo ku jirto sido kalena ay ku jirto in cashar laga bartay qalad mar la galay, iyada oo la dagdagay ama la fududaaday
Waa run oo wakasta oo ku soo mara waxa aad ka baranaysaa cashar, waana halka ay ku kaydsanyihiin jawaabaha su’aalo kusoo marit
doona, marka aad xulanayso lamaane ama qof ku soo bandhigto dareenkiisa waqti sii, ilaa aad ka ogaanayso in rabitaanku run ka yahay iyo in kale, qofka marka aad in badan ka warwareegto rabintaankiisana aad dhawr jeer diido waxa kusoo
baxaysa hal mid, oo ah qofka dhabta kuu jeclaa ee
rabitaanku run ka ahaa isagu uu kula joogayaa ila inta aad uga dabcayso ama aad ka ogolaanayso, halka midka damacu waday ee beenta ka sheegayay dareenklisa uu iska tagayo, ilayn waxa waday ayaa ahaa damac aan wanaagsanyne.
Inkastoo dadka qaar si kasta oo ay u xun yihiin
hadana ay jecel yihiin waxa qaaliga ah ee aan la heli karin ka wanaagsanaa ay midaas kala siman yihiin, waxa ay kugu sii nagaadi doonan mudo balse qofkasta marka uu taxadarayo uu ogaanayaa
qofkan waxa uu wado, waxwalba waqti sii inta anad aqbalin.
“Albaabka gurigeena qofka sida bilaa
ixtiraamka ah usoo garaacaya waa aynu
dhibsanaa marka aan ka furnana wajiga ayaynu kaga dhagnaa, halka midka sida qurux badan ee ixtiraamku ku dheehan yahayna u garaacana
aan si wanaagsan u qaabilno xataa inaga oo
aan aqoon u lahayn”. Sidaaso kale qofka noloshaada soo galaya adigaa dooran kara, fudaydkana ka fogow.
Maya Waa Inaad Odhan Karto
in aad doorasho lahaan karto, wax diidi karto waxna dooni karto, waxa ay kaa caawinaysaa in qofkan dareemo qiimahaaga, hadii aad noqoto qof
waxa uu qabanayo amase uu rabo loo doorayo, ogow sido kale waxa awood loo yeelan doona qofka aad noqonayso, ilaa heer laga gaadho in la go’aamiyo malinta aad faraxsanaanayso iyo
maallinka aad murugsanaanayso, hadii sidaas oo dhan laguu maamulana awood uma yeelan kartid in aad noqoto qof doorasho leh.
waxa dhacda inta badan in la isku xujeeyo jacayl,
0o qofku qofkan kale dhaho hadi aad i jeceshahay
sidan ii samee, hadii aad u samayn waydana lagu arkayo in anad ahayn qof wax jecel.
Inta badan dhibtaas waxa lagu hayaa gabdhaha 0o wiilashu kusoo celceliyaan ereygaas hadii aad i
jeceshahy waxaan rabo isii iwm, hadhowna ay
dhacdo in gabadhu xumaato (Uur Qaado) amase
xumaan ku dhacdo. Marka aad haysato awooda ah in aad odhan karto MAYA, fursad cidi uma heli karto in wixii la doono kaa samaysato, willasha qaarna waxa lagu baadha ama wax lagaga qaada hadii aad i jeceshay waxan isii iyada oo aan dan laga lahayn, balse hal mid ogow qofka marka run uu ka yahay rabitaanku kuguma xujaynayo
jacaylkiisa, si ayna taasi u dhicin marka u horaysa
ee aad qofkan midoobaysaan usheeg “In haddii
uu maanta noloshaada muhiim u yahay u bari
caqabad ku nogon karo”
dooro lamaane wanaagsan
Xulashadu waxa ay aas aas u tahay aayaha danbe iyo mustaqbalka xidhiidhkaaga,
hadii aad doorato qof astaan u ah xumaanta balse muqaal wanaagsan, waxaad maanka ku haysaa in muqaalkasta oo jilin ahi leeyahay waqti xadidan,
aadmiguna u kala dhashay ka faa’idaysiga
fursadahaas uu noloshaada kuso maray inta ayna dhammaana wakasta kaa samaysan karo.
Balse haddi aad xulato qof wanaagsan waxa aad ka heli doonta waxwalba oo wanaagsan, sida daryeel, farxad,jacayl badan,danayn iyo waxkasta
oo aan aadmi ka maarmin, waa qofka hadii aad damqato kula damqanaya hadii aad qososho kula
qoslaya isaga oo aan faraxsanayn ama murugsan, waa midka dhibsada maqnaantaada, jeclaystana
ag joogaga, waa midka jecel qoyskaaga markasta kaa waraysta xaladooda, waa qofka u arka xumaan
adiga kuwa wax kaa sheegayaa waa midka aan arkayn qaladadkaaga xataa hadii aad ku xumaato
raadinaya xal aad kuwada joogtaan. Intaas aan soo sheegay oo dhanba waxa laga helaa qofka wanaagsan. haddii xataa uu qofku isaga oo aan
ahayn mid wanaagsan iska dhigo qof wanaagsan ma wada laha dabeecadan, waana sirta ku jirta doorashada wanaagsan.
Buuga: Hubka macaan
Qoree: Ridwaan Axmed Yuufus
