- Dabka ololi duurkaa gubtiyo dunida qiiqeysa
- Qubuuraha dibbiray geeridaa daan walbaba gaadhay
- Mayd aaski loo diidey iyo jiidh dilkiyo ciilka
- Gabdhahaa daldalan ee ilmadu labada daan qoysey
- Dulligaa la baday reer tolkey daawashiyo ceebta
- Heerkii dulqaadkiyo la dhaaf dan iyo aashaaye
- Waa duni guntii dawlad tahay gobina duuflaale
- Daa’imiyo cadaw aan duq iyo dumar xushmeynin
- Waa dameera fuulkiyo Tigirihi daadufka ahaaye
- Duruufaha isrogey waa waqtiga dacatigiisiye
- Maandhow didmadu waa gartay danise waa meele
- Daan aan u ciirsado haddaan garan ma daaheene
- Ogaadeenkii waa door ahaa waa daleel madhane
- Dibnahayga ciilkaa dibiray wuu ku daa’imiye
- Cawlyahan dagaal kuma jiroo dagan dhankiisiye
- Kama diiro diiftaa tolkii daanka loo sudhaye
- Inay diilalyoodaan la waa hiilna diriraane
- Duunyo raacis mooyeen wax kale looma doorbido
- Doqonimada waa waxa ku xidhay Dul iyo Laaleyse
- Dabkuu huriyey waa kaa Subeer gubay degaankiiye
- Colaan loo diyaar noqonba way nagu dillaacsheene
- Maatada dam tiri reerahaan dalaw u foofeenin
- Iyagoon difaaceynin bay dab u hulaaqsheene
- Markay qaar dagaaalamada shacbiga deggan ku uugaamin
- Dabaqoodhi qaar baa kufriga diiradow sida e
- Inay doc isku raacaan la waa daa’in abidkoode
- Intay labada daamood jiraan dawlad naga dheere
- Cabdallahii digtoonaani jirey maanta didi waaye
- Duhurbaa Miraad lagala baxay daar agtooda ahe
- Oon deero deero u hardiyin aarsi kala daaye
- Waafatiyo Warfaa bawga daran cadaw dul joogaan
- Nin walaalkii diidaa marnaba gaal ma daafaco
- Dudadiyo intay dariska ximin daawo laga waaye
- Damqanmaayo reer Maxamedkii damaca waallaaye
- Dulligiyo dubbaha gaalka waw dabacsanaadeene
- Dadka nin u xiguu dili yaqaan cadaw ma doontaana
- Deegaankan Cawdaaqda taal malaha door weyne
- Dabadaalis iyo bay noqodeen dacasle luudaaye
- Waxaad ugu dugaashaaba waa dumar u dhaanteyne
- Damug weeye waa taa Bahgari duunka loo rogaye
- Darwiishkii gadaashii la waa door ka soo baxo e
- Diginihiyo reer Baarahey muran doceystaane
- Xaquuq dubasho mooyee xil kale loo dirsani waaye
- Damdamtii Makaahiil qaar noo durbaan tumayey
- Markii laysku daadsaday rag bay dabamaryeeyeene
- Waa kaa duqoodii ka degey Adari duudkeede
- Dawlad loo gurguurtiyo xanbaa loogu dawgalaye
- Waa deyro Reer Sacad hadduu diirranaan jirey
- Darkaba kuma jiraan waayadeer dirir warkeed daaye
- Ha ku daalin waa duul dhanoo duudsi qaayibaye
- Daawo male Jidwaaq waa quruun daaha loo rogaye
- Daandansigii iyo ka guur damacii Wiilwaale
- Daafiyo waxaan qaad ahayn kuma dugaalaane
- Inay xumo ka diiraan ha sugin waa dadkaa rogane
- Dirgan mayo Weyteen wataa daacdey xagashiiye
- Iska daa coluu dumi kariyo guuto danantaaye
- Ducadiyo wakaa diintii gabay uu dir u lahaaye
- Da’daan ahay ma arag Baalcad oo xumo ka diiqoone
- Inay maanta doorsamayaan dib u abuurkooda
- Ninka wali dugsiga moodayow dan iyo aashaada
- Danwaagta Awgaan ahayn kuu dirnixi waaye
- Waaba digasho qaarkood waxay kuugu darayaane
- Duuduubka Soomaali kale Dir iyo Daaroodba
- Dabo-dhilif Axmaarey noqdeen duulkii soo hadhaye
- Ha dir go’ Ogaadeen Rabbaa dayradaa badaye
