Wehel Jacayl| Q-29aad Adegto

midna hoosta dhigay wax la si eegto ma aha. Adiguna waxa aad noqon doontaa farash khayr leh oo Alle u soo diray in uu sabab u nogdo olalaha lagaga takhallusayo masiibadan ina haysata, insha Allaah”.
Garabkii uu helay iyo warkii muusoodka xambaarsanaa
ayuu u gudbiyey Nasra. Waa qofkii ugu horreeyay ce
chelkiisa ka mid ah ee ay aragto in uu garabkooda taagan yahay. Aad bay uga mabsuudday una soo dhawaysay.
In uu la kulansin doono ayuu u sheegay, iyaduna
waa ay aqbashay. Markiba kulan degdeg ah ayaa uu qabanqaabiyay. Eeddadina inta ay ku raacday ayey weliba
codsatay goobta lagu kulmayo in gurigeeda laga dhigo.
Iyaga oo wada socda ayey gurigii eeddadi daf soo
yidhaahdeen. Shaah iyo sharaabba waa la soo hor dhigay. Casuumad laga shaqeeyay ayaa lagu sooray.
Nasta, 0o quruxda Eebbe ku mannaystay qofkii arkaa la
ashqaraarayo, ayaa nuurkeedu gurigii wada gabsaday. Intii
aqalka joogtay oo dhammi sida addoontaa loo abuuray
ayey la indhodaraandareen. Eeddadii oo la amakaagsan
bilicsamideeda ayaa Naasir ku tidhi: “Gabadh sidan u iftiimaysaa weligeed reerkeenna ma soo gelin, quruxdan
oo kale ilays baa lagu raadiyaa, eddo. Cagliga ku yidhi ka fagow’ been buu guuray, meel lagu nacaba ma iyadaa leh, xishoodka iyo xaqdhawrka ayey wax walba kaga dartay,
Allow isku kin daa beryo

Wakhti bilan iyo waalid labadoodaba boqray ayey
habeenkaas ku naaloonayeen. Wehel aan la loodin karin, wadhida la badayna aad uga dhiidhiyay, ayey bogaadin iyo erayo barbaristaag u badan kula caweeyeen. Marka aad wadigo yar keligaa qaaddo dadka kale oo dhammina hal waddo wada maraan ee lagu cidleeyo, sow gamuunyo iyo cil dibnaha animi maysid! Nasra iyo Naasir waxa ay
hayaan dariig ay keli ku vihiin, joogtaynta iyo ku adkaanta
go’aankooda ayaa sababay in eddadi ku soo biirto, dagaalkana ay meel ka wada galaan.
Ehelka ay Nasti ka soo jeeddaa qayb kama wada aha jallaafooyinka ku socda, xidhiidhkeedana kama madhna.
Qaar ka mid ah ayaa la daba socda dibindaabyo iyaga oo saacidaya in uu guulaysto gulufka lagu soo qaaday.
Waxa ay nusqaan u arkaan quudhsiga iyo aflagaaddada
loo gaysanayo, sidaa aweed bay uga soo hor jeesteen mantooda. Sidaas oo ay tahay haddana in badan baa jirta u heellan oo hiil iyo hooba la garab taagan, dadaalkeedu in uu guulaystana naf iyo maalba u huraya.
Dadka aadka ugu ololaynaya, halgankeedu in uu
midhodhalona raba, wax ka mid ah eddadeed, iyada darteed ayey dibadda uga timi. Guri bay wada deggan yihun, wax kasta oo xaalkeeda ka soo cusboonaadana waa
u goobjoog. Tilmaan, toosin iyo talobixinba garab bay ugu tahay.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda